Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

AKHRISO:-Qabyaaladda Waxaan ka dhaxalney qodobadaan iyo kuwa kale oo qarsoon. WQ: Ustaad Mohamed Abdi Sabrie.

Soomaaliya waxa ay soo martay marxalado kala duwan , waxaa dalka ka dhacay dagaalo dhiig badan ku daatay, waxaa dhuntay heybadii iyo sharaftii ay Soomaali laheyd, waxaas oo dhana waxaa sabab u ahaa qabyaalada oo Qarankii bur burisay Soomaali weyna kala geeysay.

Qarnigan Casriga ah ee la joogo ayaa hadana wali waxaa muuqata dadka qaarkii in Qabyaaladii Qurunka aheyd ku dhaqmayaan ayna doonaaan in ay wax ku dumiyaan, waana nasiib daro in wali maskaxdeyda ka guuxdo Qabiil iyo Qurun.

Hadaba Qabyaalada na Qaribtay Maxaan ka Dhaxalnay 

  1. Dagaal aan dhamaan oo aan meel iyo mabda’ toona ku saleysneyn
  2. Gaajo iyo abaaro aan dhamaan waliba anagoo kheyraad fara badan heysana
  3. Kala fikir duwanaansho iyo is qab qabsi aan dani noogu jirin
  4. Is naceyb iyo inaanu walaalkeen dulmino kuna diirsano dhibkiisa
  5. Dunuub iyo xiqdi aanu allaah uga fogaaneyno
  6. Dhaqaala burbur iyo sumcad la’aan iyo waliba jaahilnimo
  7. Musuq maasuq iyo cadaalad la’aan iyo lugooyo
  8. Inxiraaf iyo qaraxyo aan diin iyo bini aadanimo shaqa ku laheyn
  9. Cadowgeena inaan gacmaha u hoorsano oo aan miciin bidno
  10. In madaxdeena iyo aqoonyahadanadeena lagu adeegto
  11. Xuduudaha dalkeena oo sidii la doono loo isticmaalo
  12. Xeebeheena iyo hawadeena oo sidii la doono loo isticmaalo
  13. In wadankeena qashinka iyo suntan lagu soo daabulo
  14. Cuduro iyo fowdo, qas iyo khalalaase, qax iyo kala carar
  15. Dadkeena oo micna dari iskaga dhinta 24 sacadood
  16. Dhalinteena oo badaha shisheeya ku dhamaneysa
  17. Deganaansho la’aan iyo wadaniyad la’aan
  18. Nolosheena oo noqatey mid liidata dhan kasta
  19. In anau waxaan haysano ka faa iideysan weyno
  20. In aanu dibada iyo dowladaha kale u tuugsi tagno

Intaas iyo kuwa kale oo badan waxaan ka dhaxalney qabyaalada iyo qabiilkii oo ana si khaldan u isticmaalney una fahamney ilaa aan kagaarno inaan qabiil iskugu faano danta guudna tan shakhsiga anau ka hor marino.

Hadaba su’aasheydu waxey tahey waligaa qabiilkaada wax barasho dibada ama gudaha makaa bixiyeen waligaa dhaqtar dibada makuu qaadeen waligaa magacooda iyo calaamadooda dal kale maku gashey oo sumcad iyo daganaansho ma uga heshey dabcan jawaabtaadu waa maya, hagaag kolba hadey sidaa tahey

Ma is weydiisey sababta aad qabyaalada ugu dhagantahay iyo khaladka aad ku taagereysid qabiilka ma is weydiisey waxaad manta sameysid in cunugaagu berito sameynayo cunugaas cunugiisuna sii wadayo waxaad adigu qabyada uga tagtey, ma is weydiisey maxaa bini aadam lagaaga dhigey oo laguu karaameeyey, ma is weydiisey awooda rabbi ku siiyey hadaad dhanka wanaaga u isticmaashid iney sabab u noqan karto in aad raali ahaanshaha rabbi ku gaari kartid, mise isweydiisey shinida oo ah xayawaan aad u xajmi iyo tabar yar sababta ey iskugu duubantahay oo ay mid u tahay una ilaalineyso boqrkeeda iyo midnimadeeda. Is weydii maxaad u nooshahey, is weydii maxaad qiima ku yeelan kartaa.

WQ: Ustaad Mohamed Abdi Sabrie.

Email: msabriye1@gmail.com — +25261998694

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-xildhiban cali xoosh oo ka warbixiyey go’aanka barlanaanka dhibista qalbi dhagax
- Nov 18, 2017
    https://www.youtube.com/watch?v=hSxNQSu0w9Y
MUUQAAL:-Xidhiban Odawaa ayaa sheegay in dhiibista Qalbi dhagax ay lamid tahay dhiibista qaranka oo dhan
- Nov 18, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=OuHACMd7DYA  
MUUQAAL:-Wasiirka madaxtooyada somaliland oo war culus ku dhawaaqay
- Nov 18, 2017
  https://www.youtube.com/watch?v=7JrTeZ6kL9E