Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Guddoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed Aadan oo laga soo dhaweeyay magaalada Birmingham iyo warbixin laga dhegaystay

Kulan lagu soo dhaweeynayo guddoomiyaha gobalka Gedo Mudane Maxamed Muxumed Maxamed Aadan oo ayaa maanta oo Axad ah, 5.11.2017 ka dhacay magaalada Birmingham ee cariga Ingiriiska.

Kulankaan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galey qaar ka mid ah Jaaliyadda Qurba-joogta ah ee  reer Birmingham ee ka soo jeedda gobalka Gedo iyo qaar kale oo kasoo jeeda deegaanada kale ee Jubbaland.

Guddoomiye Maxamed Muxumed ayaa safar gaaban ku jooga magaalada Birmingham, kaasoo sida uu sheegay maalmo kadib uga sii gudbi doono safar shaqa ah uu ku tagayo waddanka Maraykanka.

Waxaa Jaaliyaddii ka qayb gashay kulankaan ay guddoomiyaha halkaas uga dhegaysteen warbixin dheer oo ku wajahan xaaladda guud ee gobalka Gedo iyo waxyaabihii u qabsoomay tan iyo intuu uu xilka hayay.

Warbixin dheer oo guddoomiye Maxamed Muxumed uu halkaas kasoo jeediyay ma ahayn mid qoraal lagu soo wada koobi karo, hase yeeshee wuxuu si gaar ah aad diiradda ugu saaray arimo ku saabsan dhinaca aminiga iyo kulamo uu la qaatay hey’adaha samafalka.

Waxaa guddoomiyahu uu sheegay in dhamaan degmooyinka gobalka Gedo ay haatan xor yihiin, kooxaha nabadiidka ahna laga sifaynayo meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan, isla markaana la isu furi doono isu socodka degmooyinka.

Waxaa sidoo kale uu guddoomiyuhu sheegay in dhawaan la hawgelinayo dhamaan dhinacyada, amniga, sida boliiska, nabadsugidda, ciidamada asluubta, isla markaana la dhisi doono golihii garsoorka ee dhamaan degmooyinka.

Guddoomiye Maxamed Muxumed wuxuu warbixintiisa ku sheegay in isaga iyo wafti uu hoggaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ay magaalada Nairobi kulamo kula qaateen, qaar ka mid ah hey’adaha samafalka ee kala ah:-World Bank, Danish Refugee Council (DRC), International Oranization For Migration (IOM), Tricare, Somalia Stability Fun (SSF).

Dhamaan hey’adihii samafal ee uu guddoomiye Maxamed Muxumed kulamada kula qaatey magaalada Nairobi ayuu sida uu sheegay waxaa uu weydiistay inay wax kala qabtaan baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira gobalka Gedo, kuwaasoo uu sheegay in uu ka haysto ballanqaadyo adag.

Waxaana hey’adaha samafalku ay sheegeen in ay wax kala qaban doonaan arimaha ay ka midka yihiin:- Dibudhiska hey’adaha dawliga ah, waxbarashada, shaqa-abuuris ay u samaynayaan dhalinyarada, ka hortagga abaaraha iyo kor u qaadida delaga beeraha.

Ugu dambayn guddoomiye Maxamed Muxumed waxaa Jaalayaddii kulankaan ka qayb gashay uu ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan gobalkooda, kaalin mug lehna ka qaataan dibu-dhiskiisa, iyagoo maalgashi ku samaysanaya, isla markaana ka fogaadaan wararka ku-tiri-kuteenka ah iyo dacaayadaha raqiiska ah ee la fidinayo ee ku soo batay baraha bulshada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA HEY’ADAHA SAMAFALKA EE UU KULANKA LA QAATEY

 

 

.

Daahir F. Afdheere

Email. owsame1@yahoo.com

Birmingham, United Kingdom

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-xildhiban cali xoosh oo ka warbixiyey go’aanka barlanaanka dhibista qalbi dhagax
- Nov 18, 2017
    https://www.youtube.com/watch?v=hSxNQSu0w9Y
MUUQAAL:-Xidhiban Odawaa ayaa sheegay in dhiibista Qalbi dhagax ay lamid tahay dhiibista qaranka oo dhan
- Nov 18, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=OuHACMd7DYA  
MUUQAAL:-Wasiirka madaxtooyada somaliland oo war culus ku dhawaaqay
- Nov 18, 2017
  https://www.youtube.com/watch?v=7JrTeZ6kL9E