Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxaan ka baran karnaa taariikh nololeedki Jean-Jacques Roussseaus

Jean-Jacques Rousseau waxaa loo aqoonsanyahay inuu ka mid yahay aqoonyahannadi ugu qiimaha badnaa qarnigii 18naad ilaa maantana ugu saamaynta badan culimada kasmo-nafeedda (psychology). Waa aabaha iyo marjica kasmo-nafeedda korniinka bini-adamka (developmental psychology). Waa ninka soo jeediyay nidaam maanta inta adduunka wax lagu baro caruurta ee loo yaqaan “child-centred approach”. Hase ahaatee waxaan oo qiimo ah waxay soo baxeen dhimashadiisi ka dib, intooda bandanna waxaa la fahmay 100 gu’ geeridiisi ka dib halka ilaa maanta la barto dhigaalkiisi iyo afkaartisi lana sii hormariyo. Sidee ku dhacday?

 

Rousseau waxaa uu ku dhashy magaalada Jineefa ee dalka Swiisarland sanadki 1712ki. Aabihii waxaa uu ahaa biro-tume saacadaha sameeyo, hooyadiina waxay ahayd gabar aad u qurux badan oo reer dabaqadda sare ah kasoo jeeddo aabihiina aad u jeclaa. Hooyadii isaga ayay ku umul raacday, geeridaasna waxay colaad hoose kala dhex dhigtay isaga iyo aabihii. Waxaa uu dhihi jiray “inkastoo aabahay ii roonaa yaraantaydi hadana marna ma uusan illaawin inaan ahay ninkii xaaskiisa dhimashadeedi sababta u ahaa”.

 

Rousseau waxaa siddeedi sano ee u horraysay koriyay habaryartii iyo aabihii. Habaryartii waxay ahayd qof naxariis badan aadna ugu roon laakiin waxay u diidi jirtay inuu bannaanka u baxo ama caruur la cayaaro. Sidaa darteed maadaama aysan jirin wax kale uu qabto waxaa uu maalinta oo dhan ku dhamayn jiray akhrinta buugti guriga tiil. Marki uu 6 sano jiray waxaa uu akhriyay dhammaan buugti hooyadii ka dhimatay oo ay noofallo waaweyn ku jireen.

Marki uu toban jirsaday, aabihii ayay isqabteen dad maal qabeen ahaa kana awood badnaa. Waqtigaa Yurub waxaa looga noolaa sida maanta dunida Islaamka looga noolyahay “ninki xoog lahow xabagta gooso”. Si walba oo wax u dhacaan xaqa waxaa lahaa ninki laandheere ah ama xoolaha badan. Sidaa darteed waxay noqotay in aabihii ka baxsado Jineefa si uu naftiisa u badbaadsado.

Lixdii sano ee ku xigtay, Rousseau waxaa uu ku qaatay guryaha xannaanada caruurta aan dadka lahayn. Guryahaan waxaa uu kula kulmay dhibaatooyin badan oo isgu jiro bajin, dullaysi iyo garaac taasoo ku abuurtay cabsi badan oo uu dadka ka qabo. Cabsidaas ayaa gaartay inuu xataa dukaamada wax ka iibsan waayo. Waxaa uu yiri isagoo ka warramayo arrintaas “waxaa dhici jirtay inaan isku dayo inaan wax soo iibsado oo aan kasoo noqdo dukaanka illinkiisa cabsi aan ka qabo in qof i yaqaan i arko oo uu igu qoslo daradeed”.

 

Noloshii xumayd ee uu kusoo arkay guryaha xannaada waxay u horseday xatooyo, khiyaano iyo iskorisnimo. Marki uu jiray 16 sano waxaa uu noqday dool  hadba meel u socdo waxaa uuna galay safaro tiro dhaafay oo uu ku marayay Iswiisarland, Talyaaniga iyo Faransiiska,. Waagaas, ma jirin xudduudaha maanta kala qaybiyo waddamada aan sheegnay. Dadku wuxuu daganaa qabaaillo, magaalooyinkana way kala madax bannaanaayeen. Rousseau safaradaan badan waxaa uu u galayay inuu kasbado wax uu ku noolaado laakiin marnaba kuma guulaysan inuu helo wax kaafiyo.

Sida uu la qabo qabo ragga halganka ugu jiro inay nolol fiican helaan nasiibkuna xiro, Rousseau si khaldan ayuu hunguri u doonay. Intii uu meelaha wareegayay waxaa uu fahmay inay ka helaan dumarka xusul-baruurka. Sidaa awgeed waxaa uu noqday ‘ruubaa-riqe’ waxaa uuna ka howl galay wixii carmali carrada joogay.  Nasiib darro waxaa uu ku guuldarraystay howshi sariirta oo ahayd middii ugu muhiimsanayd ee dumarku ka doonayeen, hase ahaatee ayaan ayuu ku caano maalay oo hadba marki meel laga kiciyo mid kale galayay.

 

Marki uu jiray 29 sano, waxaa uu hal-abuuray  xuruuf-muusigeed (musical notation) waxaa uuna u qaaday Baaris Faransa isagoo is lahaa maanta ayaad faqriga jabin doontaa, balse lagama hoos qaadin badeecadi uu la suuq tagay. Hungowgaas niyad jab weyn ayuu ku riday.

 

Intii uu ku mashquulsanaa hal-abuuridda muusigga waxaa uu la falgalay muhandisiinti qarnigaas ugu caansanaa ee ay isku deegaanka ahaayeen waxaana uuna qoray curisyo u badnaa muusik hase ahaatee ma jirin mid hoos u dhugtay, sababtuna waxay ahayd in Rousseau ay daba socotay cabsidii uu kasoo qaaday guryihii xannaanada taasoo keentay in goobaha aqoon is waydaarsiga uusan hadal ka dhiiban. Taas waxaa dheeraa in aqoonyannada kale u arkayeen in addunku waddo saxan ku socdo mustaqbalkuna ifayo laakiin isaga waxaa u muuqatay in anshixi sii dhimanayo taasina musiibo u horseedi doonto nolosha aadanaha. Laakiin aragtidadaan ma uusan caddaynsan Karin cabsi darteed.

 

Marki uu 33 sano jirsaday Rousseau waxaa uu garowsaday inuusan adduun orad ku gaarayn waxaa uuna noqday dantiis-raacad. Waxa uu guursday gabar aan waxba akhrin taasoo uu la noolaa inti cimrigiisa ka dhimanayd. Gabadhaan ayaa u dhashy shan caruur ah waxaa uuna shantoodiba ku tuuray gurayaha xannaanad caruurta oo isagu ma uusan korin. Tallaabadaan ayaa caqabad ku noqotay hal-abuurkkiisi sidaan gadaal ku arki doonno.

 

Guushiisi ugu horraysay waxaa ay dhacday markii uu 37 jirsaday. Waqtigaan ayuu ka qayb galay tartan curiseed looga doodayay in sayniska iyo farshaxanku faaiido u keeneen ‘anshaxa’ (morals) iyo in kale. Rousseau curiskiisi waxaa uu ku dooday inaysan wanaag u keenin ‘anshaxa’ ee aysoo kordhiyeen kaliya anshax xumo. Curiskaan ayuu u qoray si qurux badan oo doodiisa caddaysay waxaa uuna ku guulaystay abaal marinti taallay. Dhowrki sano ee xigay waxaa uu qoray maqaalo iyo buugaag dhowr ah waxaana ugu caansanaa oo ilaa maanta dhaxal gal noqday The social contract iyo Emile. Midka hore ayuu ku billaabay oraahda caanka baxday ee Man is born free, and everywhere he is in chains (aadanahu isagoo xor ah ayuu dhashaa laakiin meel walba oo uu joogo wuu jeebaysanyahay). Hadalkaan ayuu Rousseau kaga jeeday in  aadanuhu addoon u yahay dhaqamada qowmiyadaha taasoo ka qaadday xorriyaddii uu ku fakari lahaa si farxad ahna ugu noolaan lahaa. Akhristow in yar u fiirso xannibaadda uu kugu hayo dhaqanka ka jiro dhulka aad ku nooshahay, waxaa kuu soo baxana ku wax qaybso? Waxaa kaloo uu tilmaamayay in ilmuhu uusan helin waqti uu isagu adduunka tajribeeyo ee marki uu dhashaba lagu billaabo in lagu tarbiyeeyo dhaqanka dhulkaas yaal, sidaasna uu ku noqdo mid ku khasban inuu dadkiisa dhinac ka raaco.

 

Buugga Emile Rousseau wuxuu kusoo bandhigay sida ilmuhu wax u baran karo haddii laga daayo faragalinta ay ku hayaan dadka waaweyn. Isagoo isticmaalayo sheego malo-awaal ah ayuu Emile, oo ah wiilka sheekadu ku socoto, marayaa heerarka kala duwan ee korniinka iyo barashada waxyaabo badan. Buugga ayaa ku doodayo caruurtu hagid kooban kaliya ayay u baahanyihiin ee aysan baahnayn in waayeelku wax ku shubo.

 

Inkastoo uusan isagu sheegin, reer Galbeedkuna lagaba filayn inay sheegaan, anigu waxaan tuhmayaa in Rousseau sheekada buuggaan ku qoran uu ka feer jeexay mid uu lahaa caalimki muslimka ahaa ee la oran jiray Ibnu-Dhufayl. Caalimkaan oo reer Andulus ahaa ayaa, lix boqol oo sano Rousseau hortiis, qoray buug aad u shabaho Emile, kaasoo uu ku doodayo in aadanahu caqligiisa ku gaari karo kala garashada xumaanta iyo samaanta. Wuxuu isticmaalay sida Rousseau wiil malo-awaal ah. Wiilka ayaa ku dhalanayo meel duur ah ka dibna la korayo xayawaan, waligiisna aan arkayn bini-aadam.

 

Laakiin marki u waynaado waxaa uu fahmayaa inuu ka duwanyahay duur-joogta waxaa uuna raadinayaa, isagoo isticmaalayo caqligiisa, waxaa u yahay, sida uu ku yimid iyo awoodda ka danbayso inuu ka duwanaado uumiyaadka kale. Ugu danbayn baaritaankiisi ayaa u horseedayo inuu Eebe rumeeyo. Inkastoo labo mowduuc oo yara kala duwan ku saabsanyihiin, hadana waa isu ogyihiin, sidaas awgeed tuhun weyn ayaa ka qabaa inuu horay u arkay buugga Ibnu-dhufayl. Maahan mid la baciidsado in Rousseau helay buugga Ibnu-dhufayl waayo buuggaas ayaa noqday mid lagu turjumay in badan boqol luuqadood, dunida reer Galbeedkana aad ugu faafay caalimka oo nool.

 

Si kastaba ha ahaatee, buugti qiimaha badnayd ee uu qoray Rousseau mudnaantoodi lama siin dhowr sababood  dartood. Kow, waxaa uu garab maray aragtidii hal-abuurradi waqtigiisi noolaa taasina colaad ayay u abuurtay. Waxay ku shaabadeyeen inuu yahay maan-gaab taasina waxay keentay in buugtiisi aan hoos loo dhugan. Labo wuxuu si adag ooga horyimid hab nololeedki markaas jiray oo ay dajiyeen boqorrada iyo wadaadada kaniisadaha. Inkastoo uu ahaa wadaad Kirishtaan ah sida uu sheegan jiray hadana waxaa u cunnami waayay hab-dhaqanki kaniisadda waxaa uuna yiri wadaadadu kitaab maahan, wax in warkooda la bushiyo diidayana ma jiraan. Waxaa ku dooday in dadka xorriyad la siiyo juujuubka iyo guumaysigana maskaxdaba laga daayo loona ogolaado inay iskoos u fekaraan.

 

Arrintaan waxay aad ooga caraysiiyay wadaadadi waqtigaas iyo boqorradi la shaqayn jiray. Ilaa maanta inta badan wadaaddada iyo boqorradu meel walba oo ay joogaanba waa isku dan in yar oo ilaahay u naxariistay mooyee. Waxaa amar lagu bixiyay in lasoo xiro laakiin wuxuu ka baxsaday Baariis oo uu ku noolaa waxaa sidoo kale loo diiday inuu galo Jineefa oo uu asalkiisi ka yimid. Sidaa darteed noloshiisi inteedi danbe waxaa uu ku dhamaystay dhuumaalaysi waxaana ku dhacay KHAAKHAAYIRAAD (paranoia).

 

Dhinaca dad weynaha isaga iyo afkaartiisi toona soo dhawayn kama helin. Dadki waxaa gali wayday in nin yaraantiisi dib jir ahaa waligiisna aan lagu baran sumcad uu dadka baro waxa u fiican. Tan labaad oo ugu darnayd ayaa ahayd in buuggiisa Emile uu kaga hadlayo sidii caruur loo korin lahaa waxna loo bari lahaa. Iyadoonba la dhugan waxa ku qoran buugta ayaa weerar lagu qaaday shaqsiyaddiisi iyo wixii uu qorayba. Waa yaabe ma ninkii kuwii isagu uu dhalay iska fogeeyay ayaa na barayo waxa u roon ubadkeenna ayay noqotay waydiinti waqtiga. Akhristow ma is tiri dadkaasu waxay shabaheen kuweenna maanta? Imisa jeer ayaad aragtaa qof aan la akhrin waxa uu qoray oo la xukumayo shaqsiyaddiisa?

 

Ugu danbyan Rousseau waxaa uu ku dhintay tuulo yar isagoo dhuumalaysanayo waxaana lagu aasay isla meeshi. Hadaba yaa soo nooleeyay aragtidiisi? Waxaa dhacay sanadka dib dhimashadiisi (1779) kacaanki Faransiiska ee xukunka looga tuuray boqortooyadi dad cunka ahayd. Raggii hoggaaminayay kacaanka waxaa saamayn weyn ku lahaa afkaarti Rousseau sidaa darteed marki ay talada dalka la wareegeen waxay soo saareen maydkiisi waxayna si sharaf leh mar kale ugu aaseen qabuuraha Baariis ee dadka muxtarimka ah lagu aaso.

 

Hasa ahaatee, madaxda kacaanku waxay awoodda u lahaayeen kuma jirin inay dadka qalbigooda ku shubaan jeceyla Rousseau, sidaa darteed waxba iskama badalin fikraddii xumayd ee laga qabay. Markii ay dhinteen intii isaga shaqsi ahaan u taqaanay jiil cusubna uu la wareegay hoggaanka aqoonta ayaa waxaa billaabatay in fiican loo dhuuxo aragtidii Rousseau waxaana soo baxday in malab meel fadhiyo laga qaday.

 

Waxaa billaabatay in baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyo soo jeedintiisi iyadoo la raacayo hab-raaci uu dajiyay sidaas ayuuna ku noqday aabaha kasmo-nafeedda korniinka aadanaha iyo hab-gudbinta aqoonta.

 

Maxaan ka baran karnaa sheekadaan?

Casharo tiro dhaafay ayaa ku jiro balse aan ku ekaano kuwa ugu muhiimsan.

1: waxaa cashar qiimo badan ah dadaalki Rousseau iyo sidii uusan marnaba u quusan inkastoo albaab walba iska xiray. Dhabar-adayga ayaa la isku dhaafay waana halka raggu ku kala baxo. Ninkii aan quusan miraha dadaalkiisa waa la gurtaa geeridiisa ka dibba Allaha ka dhigee.

 

2: qiimaha dhigaalka. Waxa suura galiyay in aragtidii Rousseau dhaxal gal noqoto waa qormada. Haddii uusan qori lahayn ayaamaha hore waxaa lagu warin lahaa Rousseau waxaa uu yiri, kuwa xiga waxaa lagu warin lahaa ninbaa waxaa laga sheegay, marka danbana waa la iska illaawi lahaa. Balse maadaama uu ka tagay buug dhigan, waxaa waaray warkiisi oo aan waxba laga badalin ilaa uu soo gaaray dad fahmi karo waxaa uu ka hadlayay. “Wixii qoran baa qaruumo jiree, muxuu hadal qiimo leeyahay”

3: Qof walba oo keena-diid ah waxaa uu la kulmaa dhibaatooyin waaweyn kuwaasoo noloshiisa wax yeelleeyo. Waxa ugu badan ee ku kacana waa culimada iyo madaxda oo u baqo mansabkooda laakiin ku marmarsiyoodo fasaad ayaan ka hortagaynaa. Dhibka uu maray Rousseau waxaa maray keeno-diidyo badan oo muslimiin ahaa sida Imaamu Ibnu-Xazam, Ibnu-Rushdi iyo Ibnu-taymiyah. Dhammaantood si walba oo la isugu dayay in la cabburiyo aragtidoodi waa lagu guul darraystay.

4: Aragtida aad waddo hadii aad xaq u aragto dano adduunyo iyo mid siyaasadeedna aadan ka lahayn waxaa muuqato inaad aakhir guulysan doonto xataa haddi lagu aaso adoo nool. Waxaa jiro culimo badan oo la gubay kutubtoodi iyagoo nool, qaarna ay iyagu gacatooda ku gubay marki ay u adkaysan waayeen weerarki kaga yimid bulshada iyo wadaadi ka caansanaa. Hasa ahaatee waqti dheer dib loo daabacay kutubtoodi.

5: Ugu danbayn, raggu waa jab u joog, dadaalna waa lama huraan ee si xun wax u dooniddu faaiido badan ma keento. Meel xun istaaggi fashil ayuu ka qaaday Rousseau, marki uu dantiisi aqoonsaday riyadiina meel iska dhigay ayay u kala kacday, aabbe aqoonyahan ahna noqday.

 

Afeef

 

Akhristow qormadaan isku day inaad faaiidada ka qaadatid, waxaana kaaga digayaa inaad noqoto hayin hadba meel loo wado. Waxaa ooga jeedaa inta is tiraahdid keena-diid noqo inaad diintaada iyo dadnimadaada iibisid. Si dhug leh u akhri, wixii kaa nafaco qaado, wixii kaa shaki galo diid oo baaritaan ah dheeraad ah same. Jidka uu maray aqoonyahankaan iyo kuwa la mid ah maahan midka ay mareen kooxda Maandoon iyo kuwa la mid ah. Ninkaan arigti aqoon ku dhisan, diintiisana aan diidayn ayuu la yimid, halka Maandoon ay lasoo shirtageen aragti dad kale faaiido bandanna aysan ka muuqan.

Sidoo kale, qaddarinta dhaqanka bulshada waa mid muhiim ah. Hadii aad heli karto inaad ilaaliso hab-nololeedka aagga aad ku nooshahay howshaadana aad wadato waa inaadan dhib abuurin. Habkaan waa midka diinteennu na bartay waxyiguna kusoo dagay. Ugu danbayn maanka ku haay keenada la diidayo inaysan ahayn midda Eebe.

 

Eebe diimaha uu soo dajiyay marnaba ma khilaafaan waxa u roon nolosha aadanaha iyo anshaxa suuban. Kuwii hore teennaba, waxaa qalqaloociyay wadaadada oo intooda badan niyad sami wax la khalday. Diintu waa toosantahay mana khaldami karto, maalinti la soo dajiyay ilaa qiyaamaha sideeda ayay ahaan laakiin waxaa is badbadali sidaan u turjumanno iyo fakerkeenna. Waxa doodad gali karo waa afkaarta ee maahan waxyiga, sunnada iyo Ijmaaca ummada.

 

Ibrahim Aden Shire

Kala soco https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Ishire86@gmail.com

01/11/17

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-xildhiban cali xoosh oo ka warbixiyey go’aanka barlanaanka dhibista qalbi dhagax
- Nov 18, 2017
    https://www.youtube.com/watch?v=hSxNQSu0w9Y
MUUQAAL:-Xidhiban Odawaa ayaa sheegay in dhiibista Qalbi dhagax ay lamid tahay dhiibista qaranka oo dhan
- Nov 18, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=OuHACMd7DYA  
MUUQAAL:-Wasiirka madaxtooyada somaliland oo war culus ku dhawaaqay
- Nov 18, 2017
  https://www.youtube.com/watch?v=7JrTeZ6kL9E