Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGAYSO+SAWIRRO:Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Muqdisho Gaaray+SABABTA

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib markii ay u yeertay dowladda Federaalka.

Mas’uuliyiintan oo horay u sheegay inay xabsi guri la geliyay ayay galabta diyaarad qaas ah oo dowladda u dirtay ka soo qaaday magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug.

Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo hadal kooban siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ugu yeeray magaalada Muqdisho inay si deg deg ah u yimaadaan, balse aan loo sheegin sababta u yeeritaankooda iyo waxyaabaha lagala hadli doono.

Waxaa uu sheegay in aan si kale loo dhigin khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug oo ay tahay arrimo siyaasadeed kaliya,  oo aan aheyn arrimo qabiil iyo waxyaabo kale.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa isna sheegay in Muqdisho ay u yimaadeen u yeerida Madaxda dowladda, waxaana uu meesha ka saaray in dowladda Dhexe ay fara gelin ku heyso arrimaha ka jira Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Madaxda ugu sareysa Galmudug ayaa caawa ku hoyanaya magaalada Muqdisho, waxaana socda isku day dowladda Federaalka ku dooneyso inay heshiis kala dhex dhigto Mas’uuliyiinta is khilaafsan.

Shirka u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa maalinta berri ka furmaya magaalada Muqdisho, waxaa looga hadli doonaa xal u helida khilaafka ka dhex jira iyo arrimo kale.

HOOS KA DHEGAYSO COD OO DAAWO SAWIRRO

 

+SA

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. ali says:

    Labadan nin waa in muqdisho guri xabsi loog dhigo waana sida kali u maamulka gaalmudug u ku shaqen karo




ad

Latest News

DAAWO:-Gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo Prof Cali Khaliif oo Kulan la qaatay Baarlamanka Yurub
- Jul 18, 2018
Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID Eng Faysal Cali Xuseen oo uu Wehelinayay Prof ...
DHAGEYSO:-Duqa Gaalkacyo oo Dhaliilay Xildhibaano Mooshin ka keenay
- Jul 18, 2018
Iyadoo dhawaan magaalada Gaalkacyo ay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ay sheegeen inay mooshin ...
MUUQAAL:-Madaxweyne farmaajo oo Khudbad Qiiro leh kaga ilmeysiiyayJaaliyada somalia ee Belgium
- Jul 18, 2018
  https://www.youtube.com/watch?v=oNWQgTN7uhs