Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRADA:- Ra’iisul Wasaare Khayre “Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo”

Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay sanad guurada 63-aad ee kasoo wareegtay maalinta calanka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay xarunta Dawladda hoose ee Xamar, iyadoo ay ka qeyb galeen, Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre, gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo qeybaha bulshada.

Xafladda oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Madaxda Dawladda oo ka hadlay qiimaha maalintaan ay leedahay iyo dhibaatooyinkii loo soo maray hindisidda in calan Soomaaliyeed laga taago dhulka Soomaalida.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda ka sheegay in halgan badan loo soo maray calankan maanta xuskiisa la jooga, isla markaana loo baahan in laga ilaaliyo wax walba oo sharafkiisa wax u dhimaya.

“Calanku wuxuu astaan u yahay qaranimadeena, jiritaankeena, wadajirkeena, wuxuu astaan u yahay inaan nahay dal xor ah. Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusuusiyey dadka Soomaaliyeed wax lagu waayey midnimo iyo wadajir in cidina aysan colaad iyo dhibaato ku keeni karin, sidaas daraadeedna loo baahan yahay gacmaha in la is qabsado oo laga wada shaqeeyo nabadda iyo horumarka dalka.

“Waxaa dhamaaday waqtigii la niyad jabi jiray,  madaxda idin hor-taagan ma ahan kuwii niyad jabi lahaa, dadka iyo dawladda Soomaaliyeed horay ayay u soconayaan, gadaal uma noqonayaan” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan (Jawaari) oo hadal kooban munaasbada ka jeediyay ayaa shacabka Soomaaliyed ku bogaadiyay in la isku baraarujiyo ahmiyada uu calanka leeyahay.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Barlamanka puntland oo walaac ka muujiyay arimaha xajka ee sanadkan
- Jul 15, 2018
Gudoomiyaha gudiga Cadalada iyo Arimaha dastuurka Baarlamanka Puntland Axmed jaamac Cabdulle iyo Gudoomiyaha gudiga ...
AKHRISO:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xil ka Qaadis Sameeyay Gudoomiye Cusubna Magacaabay,
- Jul 15, 2018
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa ...
MUUQAAL:-Wasiiradii Ugu Badnaa ee Puntland oo Gaadhey Duleedka Tukaraq
- Jul 15, 2018
Furimaha dagaalka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa gaadhay xubno katirsan golaha wasiirada dowladda ...