Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Wararkii Ugu Dambeeyay: Ciidamadii Mukhtaar Roobow oo dagaalkii ugu xooganaa ku qaaday Shabaab & Xog kasoo baxeysa Khasaaraha

Xoogaga Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa weerar culus ku qaaday kolonyo ay la socdeen mintidiinta Ururka Al Shabaab, xilli ay marayeen Gobolka Bakool.

 

Xoogaga Abuu Mansuur, ayaa Salaaddii Casir ka dib weeraray kolonyadan oo marayay meel ku dhow Deegaanka Abal oo 18km u jirta Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalkan oo ahaa mid faraha looga gubtay, ayaa waxa uu soo gaaray Salaaddii Maqrib, ka dib markii la sheegay inay halkaasi ka gurteen maleeshiyada Shabaabka, iyagoo meydad wata.

Xoogaga Abuu Mansuur, ayaa xalay weerar kaloo culus ku qaaday Deegaanka Sayniilow oo 45km koonfur bari kaga toosan Magaalada Xudur, iyadoo halkaasi ay Shabaabku ku aasayeen meydadka raggii shalay galab looga dilay dagaalkii Abal.

Wararka, ayaa sheegaya in dagaalkani uu soo gaaray caweysnimadii xalay, waxaana uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, inkastoo aan faah faahinta laga hayn inta uu gaarsiisan yahay.

Saraakiisha, ayaa waxay sheegeen in dagaalkani uu ka duwan yahay kuwii horey u dhex mari jiray Shabaabka iyo dagaal-yahanada Abuu Mansuur, sababo ku aadan kuwa Abuu Mansuur oo difaac ku jiri jiray.

Abuu Mansuur oo muddo dheer ku dhuumaaleysanayay buuraha Deegaanka Abal, ayaa marar badan weeraro kala kulmay Shabaabka, iyadoo ay si weyn u difaaceen maleeshiyad ku heyb ah, oo uu tababaray.

Dowladda Somaliya, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay Abuu Mansuur kula jirtay wada hadal ah, in uu kala qayb qaato dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Ururka Al Shabaab. Madaxda Dowladdu waxay qabaan in ninkani uu garanayo sida loola dagaalamo Shabaabka.

Labada weerar ee shalay galab iyo xalayba ay qaadeen xoogaga Abuu Mansuur, ayaa waxay ku soo beegmayan, xilli maalin ka hor uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) uu iclaamiyay dagaal cusub oo ka dhan ah Al Qaacidada Somaliya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    ITOOBIYA BEENTA AY DHOODHOOBAYSO!! MA BADBAADINAYSO? CIIDAMADA ITOOBIYA WAXAY ISKUDAYAYAAN? IN AY QASAARADII KASOO GAARTAY, DUULAANKII SOOMAALIYA AY KU QARIYAAN? SHEEKO RAQIIS AH??

    *WAQTIGIINII XABASHIYAY QASAARO AYUU KUDHAMAADAY? EE ISGGA “GUURA DALKA SOOMAALIYA? WAX CUDUR DAAR AHI IDIINMA YAALO?




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Madaxweynaha Galmudug oo Farmaajo Dartiis u Bedelay Mowqifkiisii Adkaa ee,,,,,,,,,
- Oct 20, 2017
DHAGEYSO:-Madaxweynaha Galmudug oo Farmaajo Dartiis u Bedelay Mowqifkiisii Adkaa ee,,,,,,,,, HALKAAN KA EEG
MUUQAAL:Xubno baarlamaan oo ka socday Israel oo lagu khasbay inay ka baxaan shirkii baarlamaanka adduunka
- Oct 20, 2017
Afhayeenka baarlamaanka dalka Kuweyd Marzouq Al-Ghanim,  oo ka qaybgalay kulankii baarlamaanada adduunka kiisii 137-aad ...
Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf Oo Dalbaday In Uu Wadahadal La Galo Dowladda Soomaaliya
- Oct 20, 2017
Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo Warbaahinta shir jaraa’id  Qadka taleefonka ugu qabtay ...