Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

AKHRISO:-War Qoraal Ah Oo Ka Soo Baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Oo Ku Saabsan Shirkii Kismaayo Ku Soo Dhamaaday (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynayaasha shirka Kismaayo kuwehelinaayey ayaa  kasoo saaray shirkaasi War-murtiyeed, kadib muddo afar cisho ah oo uu shirkaasi socdey.

Madaxweyanaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shirkaasi loogu doortay Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Dawladdaha Xubnaha Ka ah DFS  halka Ku-xigeen loo doortay Madaxweyanaha Hir-shabeelle Mudane. Maxamed Cabdi Waare masuuliyiintaasi oo hayndoona xilkaasi halka sano ee ugu horaysa.

Madaxweynaha Puntland oo  xidhitaanka shirka Kismaayo ka jeediyey hadal dhaxalgal ah ayaa sheegay in shirkani ku qotomey masiirka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in loo baahan yahay in dawladda Fadaraalku fahanto awoodda iyo masuuliyadda-saaran.

“Waxaa larabaa dawladda Fadaraalka ah inay fahanto awoodda ay leeyihiin iyo masuuliyadda saaran dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya, magaalada Xamar markaad koonfur ka aaddo oo Jasiira gaadho dabcan waxaad gelaysaa dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, markaad dhanka waqooyi aadona waxaad gelaysaa Hir-shabeelle taa waxaa kaaga muuqata marka in baaxadda dhuleed iyo masuuliyadda saaran maamul goboleedyadu inay tahay 90% wax kabadan” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland

” Sidaadaraadeed masuuliyaddaa nasaaran waxay nafaraysaa inaan isu nimaadno, inaanu tashano in aanu ka wada hadalo sidii masuuliyaddaa ee xajmiga iyo baaxadda intaa tiro le’g leh aanu u fullin lahayn oo aanu uga hawl geli lahayn weeye waxa shirkani laysugu yimi” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sheegay in War-murtiyeedka kasoo baxay shirkani uu yahay mid ka turjumaya fikirka iyo aragtida mawqifka, masuuliyadda iyo masiirka ummadda Soomaliyeed ka saaran Madaxdooda.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay inuu rajaynaayo in War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Kismaayo uu haado mid ummadda Soomaaliyeed ka farxiya, muujiya masuuliyad, muujiya ka damqasho laga damqanayo xaaladda dalku kusugan yahay, waxaana uu shacabka iyo maamulka Jubbaland uga mahadnaqay marti qaadka shirkaasi qaran ee lagaga arrinsanayey xaaladda Soomaaliya.

   

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Madaxweynaha Galmudug oo Farmaajo Dartiis u Bedelay Mowqifkiisii Adkaa ee,,,,,,,,,
- Oct 20, 2017
DHAGEYSO:-Madaxweynaha Galmudug oo Farmaajo Dartiis u Bedelay Mowqifkiisii Adkaa ee,,,,,,,,, HALKAAN KA EEG
MUUQAAL:Xubno baarlamaan oo ka socday Israel oo lagu khasbay inay ka baxaan shirkii baarlamaanka adduunka
- Oct 20, 2017
Afhayeenka baarlamaanka dalka Kuweyd Marzouq Al-Ghanim,  oo ka qaybgalay kulankii baarlamaanada adduunka kiisii 137-aad ...
Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf Oo Dalbaday In Uu Wadahadal La Galo Dowladda Soomaaliya
- Oct 20, 2017
Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo Warbaahinta shir jaraa’id  Qadka taleefonka ugu qabtay ...