Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DEG-DEG:-Madaxweyne Farmaajo Oo Shirkii Kismaayo Warsaxaafadeed Ka soo saaray, kuna Baaqay Midnimo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caawa war ka soo saaray shirkii madaxda dowlad goboleedyada ugu soo dhamaaday magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay madaxtooyada Somalia oo nuqul ka mid ah loo soo diray allbanaadir.com ayaa qurnaa sidatan:-

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay midnimo iyo wada-shaqeyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay marwalba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Abdulqadir Tallman says:

    CEEBEY TACAAL.

    DAWLAD-KU-SHEEGGA FARMAAJO WAA WAREERSAN TAHAY. TALOWAA AYAA KU DHACAY.

    WAA KU GUUL DARREYSATAY FARAGELINTII AY KU HAYSAY MAAMUL GOBOLEEEDYADA

    TUURISTII HIRSHABEELLE AYAA U MARTAY. MARKAAS BAY DAMACDAY INAY KA TAKHALUSTO GALMUDUG IYO QAAR KALE.

    TAAS WAA KU KHASAARTAY OO REER GALMUDUG WAA ISKA YUREEYEEN SIYAASADDA ARAGTIDA GAABAN EE FARMAAJO.

    FARMAAJO SIDAAS BUU KU FASHILAN YAHAY.

    MA JIRTO CID DAMBE OO WAX KA MAQLEYSA ILLEYN MADARKII BUU KU
    KUFAY E.

    FARMAAJO XATAA MA LAHA AWOOD UU KU SIXI KARO GEFAFKIISA.
    RAGANNIMO AYEY U BAAHAN TAHAY IN LA QIRTO, LANA SAXO GEFAFKAAGA.

    WIILKA SIYAAD BARRE BAL MUXUU KA SOO DOONAY SIYAASADDA?

    SOW TII DORRAAD UUN LA ERYAY ISAGA IYO ADEERKII AFWEYNE?!

    KARTIDII IYO GARASHADII ADEERKIINA, FARMAAJO MEESHA KUMA HAYO.

    RIWAAYAD BEEN AH BUU LA SOO SHAQO TEGEY. WAANA LAGU GARTAY
    MARKII UU DHIIBAY GEESIGII AHAA CABDIKARIM QALBI DHAGAX.

    XABASHIDA AYAAN MEEL SAARAYAA BUU DADKA KU BEER LAXAWSADAY.
    SIDAAS BUU KURSIGA KU HELAY. MARKAAS AYUU XABASHIDII HOOSTA KALA HESHIIYAY. SAA WAA KHAAIN KARTI DARAN OO HUNGURI KU RAADSANAYA IIBKA MADAXBANNAANIDA DALKA HOOYO.

    ILAAHAY UMA CEEB QARININ FARMAAJO.

  2. Islaankiii reer garoowe says:

    Cabdulqadir tolman … saxib waxaa u hadlaysaaaa sidiii maangaaab cuqdadaysan siyaad barre Allah ha u naxariiisto wuxuuu ahaaa nin sharaf iyo cizi kulahaaa aduuunka mana gaari kartid. Mida farmaajo hada Ka hadlo saxib farmaajo isagaaaa madaxwayne Ka ah wadanka xaqna lagu soo doortay waana muhiiim in tuuugtaaan dawlad goboleedka isku sheegaya gacan bir ah lagu qabto hadaaaanahay shacabka soomaliyeeed farmaajo waaa aabaha umada soomaliyeeed puntland ahaaan shacab keeda wa ka qabaneeenaaaa tuug cabdi wali cali gaas haduuu wax ka maqli waaayo madaxda qaranka oo uu u hogaansami waayo farmaajo guuuuuul ban u rajaynaynaaaaaa somaliya




ad

Latest News

MUUQAAL:-Sheekh Aadan Siiro”Wadamada Muslimiinta Qofku Isagoo Qaldan Ayaa Sacabka Loo Garaacaa”
- Dec 15, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=ksLBnBkL3f4
AKHRISO:-Dowladda Federaalka Somalia oo xoojineysa isla-xisaabtanka ciidanka XDS
- Dec 15, 2017
Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo in muddo ah waday isla xisaabtanka hay'adaha Dowladda si loola ...
Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Soomaaliya loo qorayo Maleeshiyo beeleedyo iyo calooshood u shaqeystayaal
- Dec 15, 2017
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Golaha shacabka ayaa qoraal uu soo ...