Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Kooxo Hubaysan oo Rasaas ku furay Meherad ay fadhiyeen dad shacab ah Deegaanka Buubi ee gobolka Mudug

Kooxo hubaysan ayaa xalay weerar ku qaaday Deegaanka  Buubi ee gobolka Mudug kuwaas oo rasaas ku furay dad shacab ah oo xiligaasi fadhiyey goob meherad ah.

Rasaasta ay rideen kooxahaasi ma jirto khasaare ka dhashay sida ay sheegayaan dadka degaanka Buubi ee gobolka Mudug iyagoo  ay iska caabin kala kulmeen dadka deegaanka kooxihii weerarkaasi ku qaaday deegaanka.

Qaar kamid ah dadka deegaankaasi ayaa xili ay la hadlayeen Warsidaha Puntlandvision.com waxay sheegeen inay kooxahan yihiin maleeshiyo kasoo jeeda Koonfurta gobolka Mudug gaar ahaana Galmudug sida ay sheegayaan dadka deegaanka xalay dhacdadu ka dhacday.

Maleeshiyadan  hubaysan ee weeraray deegaanka ayaa lagu soo waramayaa inay tiradoodu gaaraysa ugu yaraan 3 Qof oo rag ah oo watay hubka fudud sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Deegaanka Buubi ee gobolka Mudug  ayaa magaalada Gaalkacyo u jira 125KM halka deegaanka Bali-Busle uu jiro 35Km horayna sidan oo kale uga dhaceen weeraro lamid ah kan lagu qaaday deegaanka Buubi ee gobolka Barriga gobolka Mudug.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. mohamed sulub says:

    ma’weysan waligod ka wantoben laynta & shuftinimo dadka hawiye maskaxdoda waxa ku beran xuman majerteen sikasta hadi wax lotaro lagama dhadhicin karo,waxan umaleynaya in dhigoda lagu duray mado oranaysa majerteen halala diriro aynu ku jano tagne sida dadka qarki dhahan galada halagu jajado inkasto tas qudhedu shurudo ku xiran yihin.




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Madaxweynaha Galmudug oo Farmaajo Dartiis u Bedelay Mowqifkiisii Adkaa ee,,,,,,,,,
- Oct 20, 2017
DHAGEYSO:-Madaxweynaha Galmudug oo Farmaajo Dartiis u Bedelay Mowqifkiisii Adkaa ee,,,,,,,,, HALKAAN KA EEG
MUUQAAL:Xubno baarlamaan oo ka socday Israel oo lagu khasbay inay ka baxaan shirkii baarlamaanka adduunka
- Oct 20, 2017
Afhayeenka baarlamaanka dalka Kuweyd Marzouq Al-Ghanim,  oo ka qaybgalay kulankii baarlamaanada adduunka kiisii 137-aad ...
Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf Oo Dalbaday In Uu Wadahadal La Galo Dowladda Soomaaliya
- Oct 20, 2017
Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo Warbaahinta shir jaraa’id  Qadka taleefonka ugu qabtay ...