Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL:-Raila Odinga Oo Ka Baxay Doorashadda Dhawaan Dhaceysa & Xiisad Meel Xun Mareysa Oo Ka Taagan Kenya

Musharaxa Isbaheysiga

Shir jaraa’id oo ay qabteen isbaheysiga Mucaaradka Kenya ee NASA ayay ku sheegeen in Raila Odinga iyo  Kalonzo Musyoka ay ka baxeen doorashada madaxweynaha ee ku celiska ah dalka Kenya oo la qorsheeyay inay dhacdo 26-ka bishan Oktoobar.

Raila ayaa sheegay in isaga iyo kuxigeenkiisa Kolonzo Musyoko ay go’aansadeen inay isaga haraan Tartanka doorashada Madaxweynaha, isla markaana aan laga aqbalin dalabkii ay gaarsiiyeen Maxkamadda sare ee dalka Kenya.

Raila Odinga ayaa sheegay in “go’aankoodu uu ahaa in doorashada ku celiska ah lagu qabto hannaanka ay maxkamadda amartay, kaas oo uu dhigayo dastuurka”a Mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ka baxay tartanka doorashada ku celisk ah ee dalka Kenya.

Qoraal ay soo saareen hoggaamiyayaasha mucaaradka waxay ku sheegeen in IEBC ay si ula kac ah uga hor timid isbedelka muhiimka ah si loo xaqiijiyo in doorashada 26-ka bishan u noqoto mid xor iyo xalaal ah.

Waxay guddiga ku eedeeyeen in uu yahay meel uu maamulo xisbiga talada haya ee Jubilee. “Doorashada keli ah ee Jubilee ay aqbalayaan waa mid ay ayaga ku guuleystaan” ayuu sheegay Raila oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.

Waxay guddiga ugu baaqeen in uu joojiyo hannaanka qabashada doorasho ku celis ah, ayna billaabaan hannaan cusub oo doorasho lagu qabto.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. abdirahman abdullahi says:

    fack you all you bantu you are some on ma eyes.




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Taliye ku xigeenkii NISA oo xog xasaasi ah bixiyay kana hadlay shaqo joojintii lagu sameeyay
- Jul 19, 2018
Taliye xigeenkii hore ee hay’adda Nabad Sugidda NISA Ismaaciil Cismaan aya si faah faahsan  ...
DAAWO:-Magaalada Taageer ee Degmada Baargaal oo lagu caleema saaray Nabadoon C/laahi Nabadoon Caynab
- Jul 19, 2018
Magaalada Taageer ee Degmada Baargaal ee gobalka Gardafuu waxaa lagu caleema saaray Nabadoon Cabdulaahi ...
DHAGEYSO+SAWIRRO:-Xaflad lagu furayay Sanad Dugsiyeedka Iskuulka Agoonta oo lagu qabtay magaalada Caabudwaaq
- Jul 19, 2018
Xaflad lagu furayay Sanad Dugsiyeedka Iskuulka Agoonta ayaa lagu qabtay magaalada Caabudwaaq ee gobalka ...