Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

10-KA BISHA OKTOOBAR WAA MAALINTII LA ANSAXIYAY ASTAANTA QARANKA SOOMAALIYEED. W/Q  Dr.Bashiir Axmed

Maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka Oktober, 2017 waa sanad-guuradii 61-aad ee ka soo wareegtay markii la ansixiyey Summadda Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Emblem).

Mudane Cabdulaahi Ciise Maxamuud hoggaamiyihii halgankii gobonima-doonka Soomaaliyeed ee S.Y.L. Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii Daakhliga ahayd, waxa uu ku guulaystay samaynta iyo ansixinta summadda ama astaanta Qaranka Soomaaliyeed (Emblema della Somalia) ee ilaa maanta la isticmaalo, waxa uuna ku soo saaray Sharci Lr. 11 ee soo baxay 10/10/1956.

Waayadii berri-samadkii summadda qaranka waxa ay ahayd waajib in lagu dhajiyo Xafiisyada, Hay’adaha Dowladda, Dugsiyada, Jaamacadaha iyo goobaha danta Guud; sidoo kalena waxaa lagu dhajin jiray ama lagu xardhi jiray wax kasta oo ay Dowladdu leedahay sida Gaadiidka, Teleefoonnada, Waraaqaha Dokumeentiyada Dowladeed ah ama qiime lacageed leh, tikidhada canshuuraha nooc kasta oo ay yihiin, weelasha guryaha yaalla ee madaxda Dowladdu isticmaasho iyo wax kasta oo hanti Dowladeed ah.

Astaanta ama summadda Qaranka, waxa ay ka kooban tahay gaashan buluug ah oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shab-gees ah oo dheeh qalin ah leh, gaashaanka dushiisa, waxaa ku yaal rukumo carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabi ah oo labada geesaha ku yaallaa ay kala qaaran yihiin; hareerahana waxaa ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan laba waran oo isku wydaarsan caaradda hoose ee gaashaanka, ayna wehliyaan laba caleen caw-baar, diilin cadna ay ku qoofalan tahay.

.

Dr. Bashiir Axmed Cismaan (Bashiir Kacaan)

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-Sheekh Aadan Siiro”Wadamada Muslimiinta Qofku Isagoo Qaldan Ayaa Sacabka Loo Garaacaa”
- Dec 15, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=ksLBnBkL3f4
AKHRISO:-Dowladda Federaalka Somalia oo xoojineysa isla-xisaabtanka ciidanka XDS
- Dec 15, 2017
Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo in muddo ah waday isla xisaabtanka hay'adaha Dowladda si loola ...
Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in Soomaaliya loo qorayo Maleeshiyo beeleedyo iyo calooshood u shaqeystayaal
- Dec 15, 2017
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Golaha shacabka ayaa qoraal uu soo ...