Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL:-Siyaasiga Cali Daacuun Oo Sheegay In Shirka Kismaayo Lagu Burburinayo Qaranimada, Eedayn Kululna U jeediyay Gaas Iyo Madoobe

Siyaasiga weyn ee Cali Maxamed Axmed (Cali Daacuun) ayaa si kulul uga hadlay Shirka maamul-gobeleedyada dhawaan uga furmay magaalada Kismaayo, kaasoo ku tilmaamay inuu yahay mid lagu burburinayo Qaranimada Soomaaliyeed, isla markaana si kulul u eedeeyay Cabdi-weli Gaas iyo Axmed Madoobe.

Waxaa Cali Daacuun uu sheegay in ujeedada wayn ee shirka Kismaayo loo qabtey ay tahay in Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Gaas ay ku sii fadhiyaan Kuraastooda oo waqtiga dheeraystaan, isla markaana ay dawladdii dhalataba ka qaataan lacago baad ah, haddii ay diiddana ay ka shaqayaan sidii ay u burburin lahaayeen.

Cali Daacuun wuxuu eedayn culus usoo jeediyay siyaasiyiinta sar-sare ee Beesha Daarood, kaasoo sheegay in ay shacabka Beesha Daarood mar kasta been ku kicin jireen, ayagoo ku oran jiray in Beesha Hawiye aanay doonayn nidaamka fedaraalka ah, taasoo uu ku tilmaamay mid aanay haba yaraatee waxba ka jirin.

Waxaa Siyaasigu uu Shacabka Puntland ugu baaqay in ay iska qabtaan Cabdiweli Gaas, kaasoo sheegay in ay ka digtoonaadaan in Cabdiweli Gaas uu abuuro fidno la mid ah tii dhex martay Maxamed Siyaad iyo Cabdullaahi Yuusuf ama SSDF iyo Dawladdii Millatariga ahayd.

Waxaa Sidoo kale uu Cali Daacuun Shacabka reer Kismaayo ugu baaqay in ay iska ilaashaan Axmed Madoobe oo ku tilmaamamay mid aanay gacantiisa ku jirin deegaanada Jubbaland, kaasoo been sheegaya oo oranaya Daarood ayaan wax u doonayaa, isla markaana ilaashanaya danihiisa gaarka ah.

Ugu dambayn Cali Daacuun waxaa uu Dawladda Fedaraalka ah ugu baaqay in ay la dirirto madaxda maamul-gobaleedyada, isla markaana ay runta u sheegto oo ku tiraah maamul-gabeeleed ayaa tihiin ee dawlad ma tihiin, kaasoo hadalkiisa ku soo gunaanaday “Uma baahnin inaan dib ugu laabanno 1991gii”.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

.

Daahir F. Afdheere

Email. owsame1@yahoo.com

——————————–

Saadaal.com

Saadaalnews@gmail.com

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    SHACABKA PUNTLAND HA ISKA ILAALIYAAN, C/WALI CALI GAAS?? WADADII HORE EE MUCAARAD MARKASTABA KU TAAGAN IYO (JAAJUUSNIMO) SHISHEEYE AYUU U BANBAXAY??

    SHARARAF DHAC AYAY KUTAHAY SHACABKA PUNTLAND MAGACOODA NIN KUQARAABANAAYAA!
    UU FOOLXUMO INTAAS LE’EG EE SHACABKA SOOMAALIYEED LAGU DHABARJABINAAYO KASHAQEEYO? ILAA 1979KII XILIGII AXMAARO LOO GALAY? DALKANA LAGUSOO HOGAAMIYAY?

    TAAS OO MARMAR KALIFTA INBA LAGA (AAMIN BOXO) WAX MAGACAAS SHEEGTA OO DHAN?? TAAS OO AAN FILAAYO IN AYSAN SHACABKA REER PUNTLAND MAS’UUL KA AHAYN?

    “LAAKIINSE WAXAA HABOON NINKA DHIBAAYA UMMADDA SOOMAALIYEED EE KASOOJEEDA (PUNTLAND) IN AYSAN TAAGEERIN KANA MASAAFURIYAAN GOBOLADA PUNTLAND OO DHAN SABABTOO AH XUMAANTA IYO BURBURKA SOO GAARA SHACABKA SOOMAALIYEED WAA SOOGAARAAYAA!! REER PUNTLAND?

    “WAXAAN U HANBALYAYNAAYAA WAX GARADKII IYO (BULSHO WAYNTA? “REER GAROOWE IYO REER BOOSAASO) OO KAHORYIMID? BEEN ABUURKII IYO KHIYAANADII UU DOONAAYAY C/WALI CALI GAAS. KUBURBURIYO NOLASHA SHACABKA SOOMAALIYEED KHAASATAN, REER PUNTLAND KUNA GACAN GALIYO (DEKADEHEENA IYO DHULKEENA? MAASHAA ALLAAH
    GULEEYSTA SHACABKA IYO WAX GARADKA IYO ODAYAASHA REER PUNTLAND? EE BEENIYAY KANA HORYIMID (DAMAACIGGA) INA CALI GAAS?
    BAGAAD JAWAAB WAAFI AH U SIISEEN? HADII UU DHAGAR KALE ISKUDAYANA *GOBOLKA KA MASAAFIRIYA? ELEEYN LAMA AAMINIKARO-E




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Madaxweynaha Galmudug oo Farmaajo Dartiis u Bedelay Mowqifkiisii Adkaa ee,,,,,,,,,
- Oct 20, 2017
DHAGEYSO:-Madaxweynaha Galmudug oo Farmaajo Dartiis u Bedelay Mowqifkiisii Adkaa ee,,,,,,,,, HALKAAN KA EEG
MUUQAAL:Xubno baarlamaan oo ka socday Israel oo lagu khasbay inay ka baxaan shirkii baarlamaanka adduunka
- Oct 20, 2017
Afhayeenka baarlamaanka dalka Kuweyd Marzouq Al-Ghanim,  oo ka qaybgalay kulankii baarlamaanada adduunka kiisii 137-aad ...
Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf Oo Dalbaday In Uu Wadahadal La Galo Dowladda Soomaaliya
- Oct 20, 2017
Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo Warbaahinta shir jaraa’id  Qadka taleefonka ugu qabtay ...