Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Ciidamada Itoobiya Oo Qarax Lagula Beegsaday Gobalka Bakool

Wararka ka imaanaya gobalka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya qarax lagula beegsaday duleedka magaalada Waajid.

Gaadiid ay la socdeen Ciidamada Itoobiya oo maraayay inta u dhaxeysa Waajid iyo Buurdhuxule, ayaa waxaa lagu qarxiyay Miino, kadibna waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo ay kala kulmeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Shabaab.

Inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn qaraxa Miinada ah ee ciidamada Itoobiya loo dhigay, ayaa haddana warar soo baxaya waxa ay sheegayaa inuu jiro khasaare soo gaaray ciidamada Itoobiya ee saarnaa gaariga la qarxiyay.

Dagaalka ayaa wuxuu ciidanka ku qabsaday meel ku dhaw deegaanka Buurdhuxule, waxaana la sheegay in ciidamada Itoobiya qoryo culus ay ridayeen sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Ugu dambeyn markii uu istaagay dagaalka ayaa ciidamada Itoobiya waxa ay u dhaqaaqeen deegaanka Washaaqo oo dhanka xuduuda jira, halkaasi oo la sheegay in maalmahan dambe sahay ay ka soo daabulayeen.

Illaa hadda ma jirto cid si faah faahsan uga hadashay dagaalkaan ka sokoow in Shabaab ay guulo ka sheegteen dagaalkaasi sida ay sheegtay Warbaahinta ku hadasha afka Shabaab.

Xoogaga Shabaab ayaa badanaa wadada u gala ciidamada Itoobiya iyo kuwa Amisom ka tirsan ee Gobolada dalka Somaliya ka hawlgala.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Madaxweynaha Galmudug oo Farmaajo Dartiis u Bedelay Mowqifkiisii Adkaa ee,,,,,,,,,
- Oct 20, 2017
DHAGEYSO:-Madaxweynaha Galmudug oo Farmaajo Dartiis u Bedelay Mowqifkiisii Adkaa ee,,,,,,,,, HALKAAN KA EEG
MUUQAAL:Xubno baarlamaan oo ka socday Israel oo lagu khasbay inay ka baxaan shirkii baarlamaanka adduunka
- Oct 20, 2017
Afhayeenka baarlamaanka dalka Kuweyd Marzouq Al-Ghanim,  oo ka qaybgalay kulankii baarlamaanada adduunka kiisii 137-aad ...
Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf Oo Dalbaday In Uu Wadahadal La Galo Dowladda Soomaaliya
- Oct 20, 2017
Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo Warbaahinta shir jaraa’id  Qadka taleefonka ugu qabtay ...