Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

TOP NEWS:-Wararkii u Dambeeyay ee Kulankii uu Baarlamaanka uu Maanta ka yeeshay Arrinka Qalbi-dhagax

Xarunta Golaha Shacabka waxaa goordhaw ka furmay kulan ay leeyihiin Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana ajndayaasha kulanka looga hadlayo maanta qeyb ka ah Dood ku saabsan Dhiibistii Xukuumada Soomaaliya Itoobiya ku wareejisay Qalbi Dhagax.

Kulanka Baarlamaanka ee ka socda xarunta golaha Shacabka waxaa soo xaadiray 157-Xildhibaan, waxaana kulanka shir guddoominaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanada ayaa kulankooda ku bilaabay ka doodista Ajandaha ku aadan Dhiibistii C/Kariin Qalbi Dhagax iyo Go’aankii Xukuumada Soomaaliya kasoo saaray Dhiibista Sargaalkaasi iyo Jabhada ONLF .

Xildhibaanada Baarlamaanka ee is qoray kana doodaya ajandahan ayaa ah labo garab Xildhibaanada qaar ayaana aad u taageersan go’aanka Xukuumada Soomaaliya ee arinta Qalbi Dhagax halka Xildhibaano kalana ay arintaasi kasoo horjeedaan.

Doodda Xildhibaanada Aqalka hoose ayaa si xamaasad leh uga socota Xarunta Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaan kasta fursad loo siiyay daqiiqado uu kaga hadlo ajandahan kagana dhiibto aragtisiisa.

Waxaa suurto gal ah marka ay dhamaato dooda Xildhibaanada Golaha Shacabka in Ajandahan cod la galiyo lana soo afjaro, halka warar kalana sheegayaan in Ajandahan loo gudbiyo guddiga joogtada Baarlamaanka Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka dhursugaya go’aanka ay Xildhibaanada Baarlamaanka ka qaadan doonaan arinta Qalbi Dhagax oo xiiso badan abuurtay , waxaana la filayaa in Baarlamaanka go’aan arinan ka gaaraan lana soo afjaro hadal heynta arintan.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Daawo Muuqaal: Sh. Aadam Siiro oo si kulul uga hadlay Doorashada Somaliland
- Nov 18, 2017
Sheekh Aadan Siiro oo kamid ah Culimada magaalada Hargeisa ayaa  Doorashada Somaliland, isagoona siwayn ...
DEG DEG: Kulankii Baarlamaanka ee Warbixinta Qalbi-Dhagax oo furmay iyo Qoraal la qeybiyay
- Nov 18, 2017
Waxaa goor dhow xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ka furmay kulan gebi ...
Shir Galmudug iyo Ahlusunna kaga furmaya Nairobi
- Nov 18, 2017
Madaxweynayaasha Ahlusunna iyo Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Madaxweynaha Galmudug ...