Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Dibad-bax lagu taageerayo Dawladda Soomaaliya oo haatan ka soconaya Muqdisho

Waxaa goordhaw banaan bax aad ay ka qeyb qaadanayaan boqolaal dadweyne ah ka bilowday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, banaan baxan ayaana ah mid lagu taageerayo Xukuumada Soomaaliya.

Dadka banaan baxa dhigaya ayaa socod ku maraya Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana dibad baxayaasha wataan boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay ku taageerayaan Xukuumada Soomaaliya.

Banaan baxayaasha oo Socod ku maray qeybo kamid ah Wadooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan Laamiga Maka Al Mukarama waxa ay sidoo kale socod ku marayeen xaafadaha qaar si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Xukuumada.

Dad is xilqaamay oo taageersan Xukuumada ayaa soo abaabulay banaan baxan lagu taageerayo Xukuumada Kheyre, waxaana dadka gaadiid loga soo qaadayay Degmooyinka gobolka si ay u muujiyaan taageerada ay Xukuumada u hayaan.

Amaanka Laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan halka ay banaan baxyadu ka socdaan ayaa la adkeeyay, waxaana la xiray Qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho si loo adkeeyo amaanka .











Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Akhriso:-War-murtiyeedka Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DF & D/Goboleedyada
- Sep 22, 2017
Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada ayaa maanta Muqdisho ...
DHAGEYSO+SAWIRO:-Masuuliyiin ka socta DF iyo Dawlad Goboleedka Galmudug oo si wada jira u dhigay Wajigii labaad ee layrka ku shaqeeyay Cad-ceeda oo laga hirgalinayo magaalada Caabudwaaq
- Sep 22, 2017
Masuuliyiin ka socotay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Galmudug ayaa si wada jir ah ...
DHAGEYSO:-Madaxweynaha hirshabelle oo dhulka ku jiiday maamul goboleedyada baal maray siyaasadda arrimaha dibedda dalka
- Sep 22, 2017
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa shalay gaaray magaalada Beledweyne tan iyo intii xilkaasi loo ...