Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

SAWIRRO:-Ra’iisul-wasaare Ku-Xigeenka oo la kulmay Dan-jiraha Denmark u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa kulan la qaatay danjiraha dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mss Mette Knudsen, kulankani ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo in Dawladda Denmark ay Soomaaliya ka caawiso dhinacyada dhaqaalaha iyo adeegyo horumarineed.

“Waxaan isla soo qaadnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dawladooda sidii loo horumarin lahaa, si gaar ah waxaan iskula soo qaadnay mashaariic wax tar u leh dalka in laga fuliyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maalgashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

Danjiraha Dawladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mette Knudsen ayaa sheegtay soo kabashada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo horumarka socda inuu indhaha caalamka ku soo jeediyey. Isla markaan ay Denmark diyaar u tahay xaqiijinta iskaashiga labada dawladood iyo in maalgashi ay ku sameeyaan Soomaaliya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Maamulka hobyo oo sheegay in ay u diyaarsan yihiin soo dhawaynta madaxweyne farmaajo
- Jan 23, 2018
Gudoomiyaha degmada hobyo cabdulaahi axmed cali ayaa sheegay in ay u diyaarsan yihii soo ...
DHAGEYSO:-Caabudwaaq oo lagu balamay in xabad danbe ayna ka dhicin wararkii ugu danbeeyay
- Jan 23, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay ...
DHAGEYSO:-Madaxweynaha soomaaliland oo bixiyay Waraysi xiiso badan muxuu uga hadlay?
- Jan 23, 2018
Madaxweynaha Xukuumadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawr arrimood kaga hadlay wareysi dheer uu ...