Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Koonfur-Galbeed oo xaqiijisay inuu baaqday Safar uu Muqtaar Roobow ku tagi lahaa Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in dib u dhac uu ku yimid Safar qorshaha uu ahaa in Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay uu ku tago Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Dowladda Federalka Somaliya isku soo dhiibay, iminkana ku jira gacanta Dowladda.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar, ayaa wuxuu sheegay inuu baaqday Safarka Roobow maanta Baydhabo uu ku tagi lahaa, iyadoo uusan sheegin sababta rasmiga ah ee baaqashada Safarkiisa ee Baydhabo.

Nuuradiin Yuusuf Abuukar, ayaa wuxuu sheegay shacabka reer Baydhabo iyo guud ahaan kuwa ku nool deeganada Koonfur Galbeed uu ku wargelinaayo baaqashada safarkaasi Roobowna uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho.

“Muqtaar Roobow Cali haddii uu Baydhabo yimaad iyo Muqdisho haddii uu joogo waa isugu imid, maanta ma imaan Magaalada Baydhabo shacabka waan u xaqiijinaynaa, dadka Baraha Bulshada ku faafinaya arintaasi waa been abuur weli ma uusan imaan safarkiisana dib u dhac ayaa ku yimid.” Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed.

Illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa baaqashada Safarka qorshaha uu ahaa inuu ku tago Magaalada Baydhabo Muqtaar Roobow Abuu Mansuur, sidoo kalena lama oga ujeedka Roobow uu u tagaayo Magaalada Baydhabo.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa shalay gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ujeedka socdaalkooda lagu sheegay inay hor dhac u yihiin Safarka Roobow ee Baydhabo.

Dowladda Somaliya ayaa horay u cadeysay in Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansur uu wada hadal kula jiro Dowladda Somaliya.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Daawo Muuqaal: Sh. Aadam Siiro oo si kulul uga hadlay Doorashada Somaliland
- Nov 18, 2017
Sheekh Aadan Siiro oo kamid ah Culimada magaalada Hargeisa ayaa  Doorashada Somaliland, isagoona siwayn ...
DEG DEG: Kulankii Baarlamaanka ee Warbixinta Qalbi-Dhagax oo furmay iyo Qoraal la qeybiyay
- Nov 18, 2017
Waxaa goor dhow xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ka furmay kulan gebi ...
Shir Galmudug iyo Ahlusunna kaga furmaya Nairobi
- Nov 18, 2017
Madaxweynayaasha Ahlusunna iyo Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Madaxweynaha Galmudug ...