Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

AKHRISO:-R/wasaare Khayre oo Markale ku Guuleeystay Baajinta Kulankii Aqalka Sare

Aqalka sare ayaa maanta ku guuleeysan waayay in ay yeeshaan kala fadhigoodii caadiga ahaa, kasoo looga doodi lahaa arinta qalbi dhagax oo uu shalay iclaamiyay Gudoomiyaha Aqalka Sare.

Xukuumadda Kheyre ayaa  olole ugu jirtay sidii kulanka baarlamaanka aqalka sare loo baajin lahaa ayaa ugu danbeeyn ku guuleeystay in mar kale la baajiyo fadhiga iyagoo horay u baajiyay kala fadhigii golahha shacabka.

Ra’iisulwasaare khayre ayaa la soo baxay awood xad dhaaf ah, tasoo u muuqato in uu ku hagi karo labada aqal logana doodi karin wax xukuumadda looga soo horjeedo.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare oo ay hoggaaminayeen Senatora Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Senator Dhagey ayaa Golaha Aqalka sare horgeeyay mooshin ay ku dalbanayaan in ajandaha laga saaro kiiskan.

Buuq iyo jahwareer badan oo hareeyay kulanka Aqalka sare ayaa Guddoonka Aqalka sare waxaa uu go’aamiyay in cod loo qaado in ajandaha in dib loo dhigo ama laga doodo

21 Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa u codeysay in dib loo dhigo ajandaha, isla markaana laga saaro ajandaha dooda maanta, halka 11 Xildhibaan ay diiday, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay in ajandaha kiiska C/kariin Qalbi Dhagax dib loo dhigay, illaa ay ka soo dhamaaneyso dooda Golaha shacabka oo wali uu kiiskan ka furan yahay.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Daawo Muuqaal: Sh. Aadam Siiro oo si kulul uga hadlay Doorashada Somaliland
- Nov 18, 2017
Sheekh Aadan Siiro oo kamid ah Culimada magaalada Hargeisa ayaa  Doorashada Somaliland, isagoona siwayn ...
DEG DEG: Kulankii Baarlamaanka ee Warbixinta Qalbi-Dhagax oo furmay iyo Qoraal la qeybiyay
- Nov 18, 2017
Waxaa goor dhow xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ka furmay kulan gebi ...
Shir Galmudug iyo Ahlusunna kaga furmaya Nairobi
- Nov 18, 2017
Madaxweynayaasha Ahlusunna iyo Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Madaxweynaha Galmudug ...