Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Dhageyso:-Muqtaar Roobow Oo Ku Wajahan Baydhabo Iyo Diyaar Garoow Ka Socda

Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa waxaa maanta ku wajahan Sheekh Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay uga mid ahaa Hoggaamiyaasha Al-Shabaab balse sheegay in uu isaga baxay maalmahaana ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Muqtar rooboow ayaa deegaanka Abal ee Gobolka Bakool waxa uu  mudo dhowr Maalmood ah ciidamo uu watay ay kula  dagaalameen  Al-Shabaab kadib markii ay weerar ku soo qaadeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in uu Muqtar roobow wadahadal kula jiro  in kastoo weli la cadeyn mowqifkiisa marka laga soo tago in uu isagu cadeeyay in uu ka baxay Al-Shabaab.

 

Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed ayaa shalay gaaray Magaalada Baydhabo waxaana haatan Baydhabo ka socda Xaflad loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta Muqtaar rooboow oo la filayo n uu halkaas gaaro Maanta.

Aadan Cali Aadan gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee amniga iyo Siyaasada Magaalada Baydhabo ayaa Dalsan u xaqiijiyay in Muqtaar Roobow Saacadaha soo socda tegayo Magaalada Baydhabo.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Aadan Cali Aadan

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Daawo Muuqaal: Sh. Aadam Siiro oo si kulul uga hadlay Doorashada Somaliland
- Nov 18, 2017
Sheekh Aadan Siiro oo kamid ah Culimada magaalada Hargeisa ayaa  Doorashada Somaliland, isagoona siwayn ...
DEG DEG: Kulankii Baarlamaanka ee Warbixinta Qalbi-Dhagax oo furmay iyo Qoraal la qeybiyay
- Nov 18, 2017
Waxaa goor dhow xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ka furmay kulan gebi ...
Shir Galmudug iyo Ahlusunna kaga furmaya Nairobi
- Nov 18, 2017
Madaxweynayaasha Ahlusunna iyo Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Madaxweynaha Galmudug ...