Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Ganacsatada Wax Ka Soo Degsada Dekada Berbera Oo Shaqa Joojin Ku Dhawaaqay

Ganacsatada ku nool deegaanada Maamulka Soomaliland ayaa waxa ay sheegeen in ay xiligaan wixii ka dambeeya joojiyeen Ganacsigii kala duwanaa oo ay ka soo degsan jireen dekada Magaalada Berbera.

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo kulan yeeshay ayaa waxa ay sheegeen in sababta ka dambeysa arintaan ay tahay cabasho ay ka qabaan Madaxda shirkadda Dp World oo ay sheegeen in ay ku amartay in ay xirtaan Agab aysan xamili Karin maadaama lagu jiro waqtiga kuleylka.

 

Ganacsatada ayaa waxa ay Agabkaas ku sheegeen Kobo Waaweyn Koofiyo iyo sidoo kale Agab kale oo loogu talo galay Shaqaalaha Dekada.

 

Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in Badeecadoodii ay mudo dhowr bil ah ku xayiran tahay dekada Berbera kadib markii ay tegi waayeen Dekada kadib amarkii ka soo baxay Madaxda shirkadda Dp World.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ganacsatada

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    DEKEDA BARABARA WAXAA SAARAN)CUNAQABATEEYN) WAXAANA SUURTO GAL AH IN MARKII HORABA AY KHIYAANO!! MEESHA KUJIRTAY??GAART
    SABABATOO AH MEESHII QASAARO WAYN AYAA SHACABKA GOBOLADA WAQOOYI GANACSIGTOODII KASOORTAY? XANIBAADA MARARAAKIIBTA, GANACSATADA??

    DP WOLD? MEESHAAN MAJOOGTO EE DEKADA ITOOBIYA AYAA LOO GACANGALIYYAY??
    WAXAYNA KALASOO DEGAYSAA, (HUB IYO WAXYAABO KHATAR AH?

    -HADABA WAA IN HESHIISKAAS LAGA NOQDO?? HADII AY DP WOLD *AY DOONAYSO DEKAD AY MAALGASHATO??

    MEELKALEETO OO BANAAN HALAGEEYO?? HANA LAGALA HESHIIYO, DP WOLD, OO KALIYA OO XABASHI’E LASOCON??

    SABABTOO AH DEKEDA BARBARA IYO TAN BOOSAASO, LABADABA HORAY AYAA LOO DHISAY OO DAWLADII DHEXE EE SOOMAALIYA AYAA MAAL GALISAY??

    WAANA HANTI KADHEXAYSA SHACABKA SOOMAALIYEED OO DHAN??

    DEKEDA BOOSAASO WAA IN AAN LATAABAN, SABABTOO AH WAXAA LASHEEGAYAA IN LADUMINAAYO, GURYO BADAN OO SHACABKU LEEYAHAY?? DP WOLD MEEL MAGAALADA IYO DEKADAAN?? KA BAXSAN OO CUSUB HALASIIYO?

    LAAKIINSE HADII AY ITOOBIYA LASOCOTO YAAN
    LOO OGALAAN WAXBA? SABABTOO AH MEEL ITOOBIYA SOOGASHAY KHAYR MASOOGALIN??




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Maamulka hobyo oo sheegay in ay u diyaarsan yihiin soo dhawaynta madaxweyne farmaajo
- Jan 23, 2018
Gudoomiyaha degmada hobyo cabdulaahi axmed cali ayaa sheegay in ay u diyaarsan yihii soo ...
DHAGEYSO:-Caabudwaaq oo lagu balamay in xabad danbe ayna ka dhicin wararkii ugu danbeeyay
- Jan 23, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay ...
DHAGEYSO:-Madaxweynaha soomaaliland oo bixiyay Waraysi xiiso badan muxuu uga hadlay?
- Jan 23, 2018
Madaxweynaha Xukuumadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawr arrimood kaga hadlay wareysi dheer uu ...