Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

FAALLO:-Ma Aragtaan Dowlad Dumiska Dowladda ku Jira iyo Hagardaamooyinkii ay dhigeen

Wixii ka dambeeyay markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo waxaa bilowday Ififaalo Nabadeed iyo Horumar Dowladnimo oo markii ugu Soomaalidi indhaha saaraan tan iyo wixii ka dambeyay Dowladii Alaha u Naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre,

Bidhaantaasi Nabadeed iyo Horumarka Bilowga ah waxaa shaqo badan iyo dadaal dheer Geliyay oo shacabka si rasmi ah ula wadaagay Xukuumadda Reysul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku guuleysatay Adeeg Shacab oo waqti gaaban suurageliyay inay dareemaan in la fuliyay qeyb ka mid ah Balan qaadyadii Madaxweyne Farmaajo,

  MAXAA KA MID AH WAX QABADKA DOWLADA FARMAAJO IYO KHEYRE,

  • Xukuumadda Reysul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxa ay ku Guuleysatay in si toos ah Duulimaadyada Muqdisho uga dagaan Nairobi,

 

  • Amni gaaray heer lagu kalsoonaan karo inay shaqada Xafiisyada qaar iyo hey’adaha u suurageliyay inay habeenimo shaqeeyaan Qubaro Ajaanib ahna Dalka ku soo dhaweyn karaan,

 

  • in Dowladi si joogto ah u bixisay Mushaaraaaadkii shaqaalaha Rayadka ah iyo Ciidamada Qalabka sida taasi oo keentay fir fircooni shaqo oo dadka loogu adeegay,

 

  • in Reysul Wasaaruhu si Toos ah ugula Xisaabtamay Golaha Wasiirada iyo Madaxda Hey’adaha Dowlada inay Gutaan Waajibaadkooda Booqdayna Xarumaha ay ku Shaqeeyaan,

 

  • in Waqti Kooban lagu Fashiliyay Silsilado Musuq Maasul ahaa oo Dhaqaalo Xad dhaaf ah looga Boobi jiry Umadda Soomaaliyeed,

 

  • inay Dowladu Awood u yeelatay la Xisaabtanka Hey’adaha Shisheeye iyo Ajaanibta sharci darada uga shaqeysan jiray Dalka,

 

  • inay Dowladi si Toos ah dadka u hor keento shaqada ay qabatay bil weliba una Ogolaatay in Mas’uul weliba oo Dowlada ku jira Su’aalo laga weydiiyo shaqadiisa,

 

  • Heshiis Dowladda Itoobiya Xabsiyadeeda looga soo Daayay Muwaadiniin SOomaaliyeed oo Dowladihii hore aysan Waqti ku Bixin inay Xoroobaan,

intaas iyo in kale oo ka sii badan ayaa Dowladu shacabka u qabatay mudo ka yar 6-bilood waxaana hubal bulshada u noqotay inay heleen dowlad ka shaqeysa sidii loo heli lahaa Nabad iyo Nolol,

intaasi kadib waxaa soo if baxay Siyaasiyiin ku jira Baarlamaanka kana mid ahaa Dowladihii Ragii la soo shaqeeyay Dowladihii hore ee Dalka kuwaasi oo Dhagartii ay la aamusnaayeen si hoose uga sheekeysanayay,

waxaana cadeyn u aha shirar lagu qabtay Nairobi iyo Muqdisho kuwaasi oo looga tashanayay sidii loo dabar goyn lahaa Dowlada lagu Naaneysay Dowladii Shacabka,

shaqsiyaadka ku dhiiraday inay soo bandhigaan Hagar daamooyinka Dowlada ay u qabaan waxaa ka mid ah Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo aan helin Shaqsi kale oo ku raaca in la dumiyo Dowladda,

  1. Muxuu ugu qanci waayay horumarka Dalka ka jira Isagaaba wax badan kala socdee?
  2. Muxuu u dhiiragelin waayay Dadaalka lagu qabtay shaqada ay 4-sano ku qaban waayeen?
  • Muxuu ugu dhiiraday inuu kala dhantaalo Madaxda si buuxda u heysata Kalsoonida shacabka,

Hadii aysan jirin dad u daneynaya shisheeyaha kana hor imaanaya Dowladnimada Soomaaliya waxaa Muuqata inay isku tashadeen shacabka Soomaaliyeed dhamaan siyaasiyiinta u Diirnaxaya Dalkooda isku Mowqif ka istaageen Dowladda Farmaajo Muyaan loo baahneyn inay Go’aan ka qaataan Odayaashii Keenay Xildhibaanada Diidan Dowladnimada Shisheeyahana u Deegaya?

.

W/Q/ Maxamed Daahir Cilmi (Dagane) 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. c/qani says:

    To: qoraagga Maxamed Daahir Cilmi (DAGANE) Waxa qabadkii dowlada Waxbadan Ayaad Sheegtay Laakiinse Qaarkalena Waad Himaantay? Laakiinse ii ogoloow In Aan Ku Caawiyo Kuna Xusuusiya Waxqabadkii DOLADDA?

    1_ koow waxaad hilmaantay?
    Dhiibitaankii, Qalbi Dhagax??

    2- Xasuuqii (BARIIRE Ee “ARGAGIXISADA AY DOWLADU KUSHEEGTay?

    3- DEKADA “BABARA, IYO BOOSAASO? OO ITOOBIYA lAGU WAREEJIYAY?

    4- 7-dii Qof ee isku qoyska ayhd ee Reer Amed Yare Ee JILIB Lagu dilay?? Oo Argigixisada Loogu Yeeray?

    Runtii Lamasookoobikaro Wax Qabadka Doolad, Ku Sheegga Moqdisho Fadhida Laakiinse Waxaasi Ma waqabadbaa Mise Waa Wax BI’IS?

  2. guhaad says:

    shacabka somnaliyed ku laha shacabka somaliyed shan wadan bey kala deganyiin
    waxaa dhahda shacbka xamar ileyn xamar uun baad u taqaana somaliye




ad

Latest News

Akhriso:-War-murtiyeedka Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DF & D/Goboleedyada
- Sep 22, 2017
Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada ayaa maanta Muqdisho ...
DHAGEYSO+SAWIRO:-Masuuliyiin ka socta DF iyo Dawlad Goboleedka Galmudug oo si wada jira u dhigay Wajigii labaad ee layrka ku shaqeeyay Cad-ceeda oo laga hirgalinayo magaalada Caabudwaaq
- Sep 22, 2017
Masuuliyiin ka socotay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Galmudug ayaa si wada jir ah ...
DHAGEYSO:-Madaxweynaha hirshabelle oo dhulka ku jiiday maamul goboleedyada baal maray siyaasadda arrimaha dibedda dalka
- Sep 22, 2017
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa shalay gaaray magaalada Beledweyne tan iyo intii xilkaasi loo ...