Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

MUUQAAL: Siyaasiga Salaad Cali jeelle Iyo Dhiibista Qalbi-Dhagax “Dowladda Soomaaliya Jabhad ma caawin karto”

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Arrin uu ku sheegay maalmihii la soo dhaafay in si weyn looga hadal haayay Dalka, taas oo u ku aadan Sarkaal dowladda la sheegay in ay ku wareejisay Ethiopia

Salaad Cali Jeelle ayaa hoosta ka xariiqay in arrintaas ay kar karinayaan Siyaasiyiin iska horkeenaya Shacabka iyo Dowladda.

Waxaana uu ku nuux nuuxsaday in dadka arrintaan ka hadlayay isugu jiraan kuwa Soomaalinimo ay ka tahay oo la marin habaabinayo iyo kuwa dano siyaasadeed ka wata.

Sidoo kale Salaad Cali Jeelle ayaa  tilmaamay in dalka haatan uu ka soo kabanayo Bur bur ayna muuqato Rajo fiican sidaas daraadeed ayuu uga digay shaqsiyaadka Siyaasadeynaya arrintaan si dowladda iyo shacabka la isaga horkeeno in ay ka waantoobaan.

Ugu dambeyn Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliy in ay sii laban laabto dadaalada ay ku soo deyneyso haddii ay jiraan maxaabiis weli ku xiran Xabsiyada Waddanka Ethiopia.

Muddooyinkii dambe ayaa la hadal haayay siyaasiyiin aan ka soo dhex muuqan dowladda haatan oo wada Ololo ka dhan ah Masuuliyiinta dowladda oo taageero ka heysta Shacabka.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Akhriso:-War-murtiyeedka Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DF & D/Goboleedyada
- Sep 22, 2017
Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada ayaa maanta Muqdisho ...
DHAGEYSO+SAWIRO:-Masuuliyiin ka socta DF iyo Dawlad Goboleedka Galmudug oo si wada jira u dhigay Wajigii labaad ee layrka ku shaqeeyay Cad-ceeda oo laga hirgalinayo magaalada Caabudwaaq
- Sep 22, 2017
Masuuliyiin ka socotay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Galmudug ayaa si wada jir ah ...
DHAGEYSO:-Madaxweynaha hirshabelle oo dhulka ku jiiday maamul goboleedyada baal maray siyaasadda arrimaha dibedda dalka
- Sep 22, 2017
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa shalay gaaray magaalada Beledweyne tan iyo intii xilkaasi loo ...