Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Sababta Ka Dambeysay In Farmaajo Salaada Ciida Ka Baaqdo Masjidka Isbaheysiga Muqdisho

Inta badan Madaxda Dalka ayaa waxay xaadireen maanta Masjidka Isbaheysiga Islaamka Ee Magaalada Muqdisho oo ay Salaada ciida Carafo ku tukadeen.

R/wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre,Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,Wasiiro,Xildhibaano katirsan Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka,Siyaasiyiin Caan Ah,Waxgarad,Culumaa’udiin,Hogaamiyaha Galmudug Axmed Xaaf iyo Shacab Fara badan ayaa ku tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka.

Waxa Ka baaqsaday Masjidkaasi aan tagin Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aan si rasmi ah loo sheegin waxa uu u aadin.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Shaqo badan oo utaallay Madaxweyne Farmaajo uu xalay wakhti dambe ku gaaray sidaasna uu Masjid ku yaallay Madaxtooyada ku tukaday isaga iyo xubno kale oo katirsan Dawlada Soomaaliya.

Culeys siyaasadeed oo aad ubadan ayaa waxay hadda  wajaheysaa Dawlada Soomaaliya gaar ahaana ka dhalatay Arimaha Rugta Ganacsiga oo la isku khilaafay kala diristoodii hogaankooda,Dhacdadii Bariire Shacabkii lau Xasuuqay,Qalbi Dhagax  oo Itoobiya loo gacan geliyey iyo Sida laga yeelayo Xukunka Ceydiid oo ah askarigii dilay Wasiir Cabaas Siraaji.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    Waxaas Oo dhibaato ah In Uu Shacabka U horseedo Ma’ahayn?

    1-Bariire shacab Beeralay Ah Oo Salaadii (SUBAX) Guryohooda Ku tukanaya,, In ciidamo Shisheeye (XASUUQAAN) Waa “DULMI) kii oogu Daraa Oo Bin’aadam Laga Galo?

    2- Rugta Ganacsigga In Laga Wareejiyo,,Ganacsatada Soomaaliyeed,, Loona Gacan Galiyo (Ganacsato Shisheeye Taasina Waa Dulmi labaad?

    3-Dhiibitaana {Qalbi Dhagax? ee (XABASHI)

    Waa Dulimi Kii Oohu Xumaa?

    Laakiinse (XABSHI IYO DADKA LA SHAQEEYAA WAY KU QASAAREEN?

    -sababtoo Ah SHALAY) Nin OLNF) OO KALIYA AYAY “ITOOBIYA KABAQAYSAY??OBONIMA DOON (SOOMAALI GALBEED

    LAAKIINSE MAANTA SHANTA SOOMAALIWAYN??

    WAXAANU NAHAY (DAD MUSLIM AH,, HADANA WAXAANU NAHAY” SOOMAALI GALBEED AH? (ONLF) AH?

    1- DIGNIIN KU SOCOTA SHAQSIYAN!!

    R/WASAARAHA (ITOOBIYA) QALBI DHAGAX KU SOO CELI MAGAALADA MUQDISHO? ISAGOO CAAFIMAAD QABA *JIR AHAAN IYO “MASKAX AHAANBA?

    -Hadii Aadan Taas Yeelin Adigga Ayaa Shaqsiyan U Qoolan!! waana Lagu Abaalmarin
    Cidkaadifaacikartaana Majiro?

    NABADGALI NINKAAS SI DEG DEG AHNA U SOOCIL DALKIISA IYO DADKIISA?

    FARMAAJO IYO KHAYRE (KADAREREYAAL AYAY “NOQDEEN?? LAAKIINSE (TOOWBADA ALLAAH WAAFURANTAY,




ad

Latest News

DEG DEG: Kulankii Baarlamaanka ee Warbixinta Qalbi-Dhagax oo furmay iyo Qoraal la qeybiyay
- Nov 18, 2017
Waxaa goor dhow xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ka furmay kulan gebi ...
Shir Galmudug iyo Ahlusunna kaga furmaya Nairobi
- Nov 18, 2017
Madaxweynayaasha Ahlusunna iyo Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Madaxweynaha Galmudug ...
DHAGAYSO:Dood Kulul oo Lagu Falanqeeyay Arrimaha Amniga,Horumarka,Dib u dhaca,Xuduudaha iyo Hogaanka Puntland
- Nov 18, 2017
Doodan oo ay ka qaybqaateen siyaasiyiin iyo aqoonyahano kala jooga dalalka Maraykanka iyo keneda ...