Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

QORMO XIISO LEH:-Eedaymaha dhinaca Fanka ah ee Cabdi Good loo haystaa waa kuwo noocee ah? Muxuuse ku saxan yahay? 

Cabdi Good Abees oo ka mid ah dadka waayadaan dambe aad uga falanqooda fanka Soomaalida, ayay dad badan mar walba usoo jeediyaan eedaymo aad u badan oo ku wajahan qaabka uu fasiro Suugaanta Soomaalida.

Haddaba waxaan jeclaystay inaan Bulshada la wadaago sida aan u arko, waxa ay yihiin eedaymahaas, kuwaasoo aan is leeyayahay waa Laba nooc oo kala ah:- Kuwo isagu uu ku saxan yahay iyo kuwa Khaladaad ah oo mar walba dhex jibaaxayo.

1). Mar haddaan fanka iyo suugaanta la iska dayn karin, way mudan tahay in laga hadlo oo lala dagaalamo, intiisa aan ku habboonayn dhaqanka iyo anshaxa wanaagsan, kuwaas ayaana ah waxyaabaha Cabdi Good uu ku saxan yahay oo mar walba ka hadlo.

2). Cabdi waxyaabo badan oo fanka ah ayuu si khaldan mar walba u fasiraa, asagoo isku dhererinaya Abwaaniin waawayn oo aan la hollin karin, kuwaasoo aad ugu xeel-dheer adeegsiga sarbeebta suugaaneed, waxaana uu si khaldan u fasiray suugaantoooda, sida heeskii caanka ahaa ee “Guuleed Ma joogaa?” AUN. Abwaan Yamyam.

Dhinaca kale Khaladaadka uu Cabdi Good fanka galo waxaa kale oo ka mid ah in uu marar aad u badan uga sheekeeyo ama u falanqeeyo, sida ay isaga la tahay oo qura amaba uu doonayo, asagoon waxba hubin ama baaritaan samayn, isla markaana aan u heysan in dadka uu wax u sheegayo ay isaga uga aqoon badan yihiin waxa uu ka hadlayo; Tusaale, waxaan dhegahayga ku maqlayay asagoo Heeskii Caanka ahaa ee “Haradigeed” ee uu lahaa AUN. Abwaan Maxamed Nuur Shareeco, oranaya, “Yamyam baa lahaa !” Cajiib!

Si kastaba ha ahaatee Cabdi Good Abees wax kasta oo uu daldalo, run iyo been iyo sir iyo caadba, waxaan ku tixgelinayaa, isla markaana ku hilmaami karnaa Khaladaadkii uu fanka ka galay, inuu misana yahay shaqsi aad u neceb, isla markaana aad u dhaleeceeya suugaanta xambaarsan Anshax-xumada ama saqaajinimada, taasoo ah arrin mudnaanteeda leh oo ay tahay in lagu ammaano.

.

Daahir F. Afdheere

Email.owsame1@yahool.com

Birmingham, United Kingdom

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Akhriso:-War-murtiyeedka Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DF & D/Goboleedyada
- Sep 22, 2017
Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada ayaa maanta Muqdisho ...
DHAGEYSO+SAWIRO:-Masuuliyiin ka socta DF iyo Dawlad Goboleedka Galmudug oo si wada jira u dhigay Wajigii labaad ee layrka ku shaqeeyay Cad-ceeda oo laga hirgalinayo magaalada Caabudwaaq
- Sep 22, 2017
Masuuliyiin ka socotay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Galmudug ayaa si wada jir ah ...
DHAGEYSO:-Madaxweynaha hirshabelle oo dhulka ku jiiday maamul goboleedyada baal maray siyaasadda arrimaha dibedda dalka
- Sep 22, 2017
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa shalay gaaray magaalada Beledweyne tan iyo intii xilkaasi loo ...