Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

SAWIRRO:-Maxkamada Gobolka Nugaal oo Damiin kusii daysay Weriye Cumar Dheere

Suxufi Cumar Siciid Maxamed (Cumar Dheere) ayaa maxkmadda gobolka Nugaal maanta ku siideysey damaanad kadib markii ay caddaatey in muddo 6 maalmood ah uu u xirnaa isaga oo aan la dacweyn maxkamadna aysan xukumin.Qaar kamid ah Suxufiyiinta Puntland iyo ururkooda MAP ayaa dacwad u gudbiyey Maxkamadda in Suxufi Cumar Dheere iska xiran yahay taas oo ah mid ka hor imaaneysa xuquuqda dastuuriga ah ee uu lee yahay.

Cumar Dheere ayaa la geeyey Maxkamadda derajada kowaad ee gobolka Nugaal kadib markii amar ka soo baxay guddoomiyaha Maxkamadda ee ururka MAP dacwadda u gudbiyey. Maxkamadda ayaa sidoo kale u yeertey Gen. Muxyadiin Axmed Muuse waxaana uu ka jawaabi waayey sababta Cumar loo soo xirey iyo cidda dacweysey?.

Maxkamdda ayaa damaanad ku siideysey Cumar Dheere ilaa la helayo cidda dacweysey ee xirtey.

Xarigga Suxufi Cumar Dheere wuxuu xadgudub ku yahay xuquuqda madaxbnaanida shakhsiyadeed, waxay xad gudub ku tahay xuquuqda eedaysanaha, waxaana ay muujin kartaa heerka caddaaladda Puntland ay maanta marayso, taas oo Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ballan ku qaadey in uu wax ka qabanaayo ahaydna qodobka saddexaad ee barnaamijiisa.

Horseed Media oo Cumar Dheere ka tirsanaa waxay soo dhaweynaysaa sii deynta Suxufiga, waxaana ay dalabaneysaa in Maxkamaddu u qabato 24 saac gudahood in mudaciyaasha qarsoon ee la waayey ay ku yimaadaan maxkamadda haddii kale Cumar Dheere si rasmi ah Maxkamaddu xuquuqdiisa u soo celiso siideyntiisuna noqoto mid rasmi ah ee aan ahayn Damaanad.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

TOP-DHAGEYSO:-Go’aanadii Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Weli Aan ka dhaqan Gelin Dekedda Muqdisho”
- Aug 21, 2017
Xili dhawaan Dowladda Soomaaliya ay shaacisay inay shaqada ka joojiyeen shirkado badan oo dowladda ...
TOP-DHAGEYSO:-Odayaasha Hawiye”Dowladii Shacabka Miyaa Dowlada ka Aamusan Dagaalka Beelaha iyo Dhiiga Daadanaya”
- Aug 21, 2017
dagaalada Beelaha u dhexeeya ayaa ku soo badanaya Gobolada Dalka waxaana arintaasi lagu dhaliilayaa ...
TOP-DHAGEYSO:-Waxgaradka Galgaduud”Dagaalka Xeraale Siyaasado Culus ayuu Salka ku ayaa Waana loo Caal Waayay”
- Aug 21, 2017
Waxaa dagan Xaaladda Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo maanta Dagaal Culus uu ...