Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

SAWIRRO:-Ra’iisul-wasaare Khayre oo ka qeyb galay Ciyaaro lagu maamuusayay maalinta Dhalinyarada Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay gelinkii danbe ee maanta daawashada Ciyaaro kala duwan oo Muqdisho lagu qabtay, kuwaas oo lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada Adduun ka. Waxana ciyaarahan soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, iyadoo ay ka qeyb qaadanayeen dad kala duwan oo isugu jirey dhalinyaro iyo waaweyn oo goobtaasi ku soo bandhigay xirfadahooda.

Ra’iisal-Wasaaruhu wuxuu dhiirigeliyey qeybihii kala duwanaa ee ciyaaraha soo bandhigay, wuxuu xusay inay maanta tahay maalin taariikhi ah oo ka turjumaysa doorka dhalinta Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka dalkooda. Isagoo sheegay inuu dareen sanyahay xaalada adag ee dhalinta Soomaaliyeed ku sugan yihiin xiligan oo dalku soo kabanayo iyo marxaladihii adkaa.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in cayaartani muujinayso sida ay dadka Soomaaliyeed uga soo jeesteen colaadihii daashaday, isla markaana diyaar u yihiin ka faaiideysiga xirfadahooda.

Mudane Khayre waxaa uu cadeeyay go’aanka dawladda ee ku wajahan wax-ka qabashada arrimaha dhalinyarada iyo siday da’yartu uga qeyb gali lahaayeen nabadaynta iyo horumarka dalka. wuxuu tilmaamay inay dawladdu u dhago nugushahay dhalinta Soomaaliyeed.

Daawashada Cayaaraha ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo dadweyne isaga kala yimid degmooyinka Caasimadda.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    CIYAARAHA IYO HEESAHA, FAQRI IYO COLAAD AYAA LAGAQAADAA?

    DHALINYARADA SOOMAALIYEED WAXAA WAAJIB KU AH IN AY ALLAAH CAABUDAAN OO AY SHAQAYSTAAN WAXNA BARTAAN. DHULKOODANA (XABASHI) KADIFAACDAAN?

    MAXAAN GAAJO IYO JAAHWAREER AAN AHAYN OO LAGADHEEFAYAA DHALINYARADAAN (RAG IYO DUMAR MEEL LAYSKULA XAREEYAY? YAA *XASAN KHAYRE U BANEEYAY!! INUU GABDHAHA SOOMAALIYEED SARWAALO U GALIYO ISKUNA SAWIRO?




ad

Latest News

MUQAAL:Farnsiiska oo baroor diiq u Sameyay Dadku ku dhintay Qaraxii Muqdisho ,iyadoona Taawarka ugu dher paris korantada laga Jaray si Bulshada Faransiiska loogu shego in ay jirto Baroor diiq
- Oct 17, 2017
Guud ahaan Waxa koranta wixii ka danbeyay 12 habenimo saqdhexe sacada yurub korantada laga jaray taawarka ...
Daawo:Qaraxii Zoobe oo mideeyay Dhalinyarada Muqdisho & Waxa uu yahay Barnaamijka Gurmad?
- Oct 17, 2017
Barnaamijkan Gurmad Qaran, waa Barnaamij baaxad weyn oo ka soo bilowday koox dhalinyaro ah ...
Dowlada Qatar oo Qaraxii Muqdisho ku eedeysay Xulifada Sacuudiga & Imaaraadka una digay Madaxda DFS
- Oct 17, 2017
Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka aargoosanayaan ...