Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DEG-DEG:-Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho

Weerar ismiidaamin ah, ayaa goor dhow ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyadoo bartilmaameydku uu u muuqday Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyeed, General Xuseen Xasan Cismaan.

Nin xirnaa suunka walxaha qarxa ka samaysan, ayaa waxaa la sheegay in uu isku qarxiyay barxadda Xabsiga Dhexe, oo ku dhow Masaajidka ay ku tukadan shaqaalaha iyo maxaabiista.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xilligii uu qaraxu dhacayay in Taliyuhu uu ka soo degay gaarigiisa nooca aysan rasaasta karin, isla-markaana uu gudaha u galay Masaajidka.

Askari ka tirsan ilaalada Taliyaha, ayaa waxaa la tilmaamay in uu is hortaag ku sameeyay ninkaasi, oo sida la sheegay doonayay in uu gudaha u galo Masaajidka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow, ayaa maalin kasta oo Jimce ah maxaabiista Salaadda Jimcaha kula tukada Masaajidka Xabsiga Dhexe.

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan laba qof ay ku dhimatay qaraxaasi oo midi uu yahay askarigii ilaalada u ahaa Taliyaha Asluubta, iyadoo midka kalana uu yahay ninkii is qarxiyay, halka dhawr kalana ay ku dhaawacantay, oo Taliyuhu uu ku jiro. Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dhaawaca Taliyuhu uu yahay mid fudud.

Ciidamada Nabad Suggida oo gaaray halkaasi, ayaa xiray wadooyinka soo gala Xabsiga Dhexe, sidoo kale waxay baaritaano ka wadaan gudaha xabsiga.

Wararka, ayaa sheegaya in ninka weerarkan gaystay uu ka tirsan yahay ciidanka tababarka u xareysan, waxaana la leeyahay wuxuu ka soo gudbay laba bar kontorool oo dadka lagu baaro.

Waxaa su’aalo laga keenay qaabka ninkaasi ay ugu suurtagashay inuu gudaha u galo Xabsiga Dhexe ee Xamar, oo amnigiisu si aad ahi loo ilaaliyo.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Barlamanka puntland oo walaac ka muujiyay arimaha xajka ee sanadkan
- Jul 15, 2018
Gudoomiyaha gudiga Cadalada iyo Arimaha dastuurka Baarlamanka Puntland Axmed jaamac Cabdulle iyo Gudoomiyaha gudiga ...
AKHRISO:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xil ka Qaadis Sameeyay Gudoomiye Cusubna Magacaabay,
- Jul 15, 2018
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa ...
MUUQAAL:-Wasiiradii Ugu Badnaa ee Puntland oo Gaadhey Duleedka Tukaraq
- Jul 15, 2018
Furimaha dagaalka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa gaadhay xubno katirsan golaha wasiirada dowladda ...