Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

FAALLO:-Baarlamaanka 10aad

Waxaa lagu soo doortay Baarlamaanka 10aad xarumaha dawlad-gobolleedyada dalka.  Hannaanka iyo maamulka lagu soo doortay xubnaha, waxaa lagu tilmaamaa kii ugu musuqmaasuqa badnaa taariikhda Soomaliya.  Laaluush, boob cad iyo gacan-qabad baa loo wada-adeegsaday soo xulitaankiisii.  Marka laga eego xagga aqoonta, biseylka siyaasadda iyo dareenka wadaniyadda ee xubnaha Baarlamaanka maanta waa ay ka hooseysaan kii ka horreeyey. Waxaa lagu xantaa inay qiimaha Laaluushka bixin/qaadasho gaarsiiyeen meeshii u sarreysay!!

Qaabka hab-dhaqankooda waxaa ka muuqda inay ku heshiiyeen inay;wadar ahaan isugu hiiliyaan, wada-qaraabtaan, kalana qaraabtaan.  Waxaad arkaysaa ayagoo Go’aanka Maxkamadda Sare wadajir uga soo hor-jeesanaya, miisaaniyadda dawladda si aqlibiyad ah u hor-istaagaya oo shuruudo daneed (gaar ah) ku xiraya, isla markaana koox koox ahaan (10-12 Xildhibaan) u qaraabanaya oo Wasiirada sida kan Dastuurka iyo kan Arrimaha Dibedda mooshin ka keenaya.

Hawlo mudnaan gaar ah ee qaran leh, sida dhammeystirka qabyo-qoraalka dastuurka iyo kuwo kale oo badan oo saameyn ku leh masiirka dadka iyo mustaqbalka dalka baa u yaal Baarlamaanka 10aad oo dhalashadiisii iyo dhaqankiisaba saluugmo badani ka muuqdo.

Allow Soomaliya ka caymi hagar-daamada gudaha oo ugana hiilli halista cadawga dibedda.

 

.                             DHAMMAAD

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

TOP-DHAGEYSO:-Go’aanadii Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Weli Aan ka dhaqan Gelin Dekedda Muqdisho”
- Aug 21, 2017
Xili dhawaan Dowladda Soomaaliya ay shaacisay inay shaqada ka joojiyeen shirkado badan oo dowladda ...
TOP-DHAGEYSO:-Odayaasha Hawiye”Dowladii Shacabka Miyaa Dowlada ka Aamusan Dagaalka Beelaha iyo Dhiiga Daadanaya”
- Aug 21, 2017
dagaalada Beelaha u dhexeeya ayaa ku soo badanaya Gobolada Dalka waxaana arintaasi lagu dhaliilayaa ...
TOP-DHAGEYSO:-Waxgaradka Galgaduud”Dagaalka Xeraale Siyaasado Culus ayuu Salka ku ayaa Waana loo Caal Waayay”
- Aug 21, 2017
Waxaa dagan Xaaladda Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo maanta Dagaal Culus uu ...