Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Shirkii lagu diyaarinayay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee Dib-u-eegista Dastuurka oo soo xirmay

Shirkan oo ahaa mid ay qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya islamarkaana ay ka soo qaybgaleen xubno ka socday Dawlad Goboleedyada iyo Ururada Bulshada Rayidka ee dalka ayaa maanta soo gabagaboobay kadib afar cisho oo uu ka socday magaalada Muqdisho.

Ujeedka shirka ayaa ahaa in lagu diyaariyo Istiraatiijiyaddda Waxbarashada Madaniga, Wacyigelinta Dadweynaha, iyo Latashiyada Dadweynaha ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Kadib afar maalin oo maskax shiil ah, Wasaaradda ayaa talooyin wax ku ool ah ka heshay dhamaan ka qaybgalayaasha oo loo qaybiyay koox-koox si ay u lafa-guraan mowduucyadii loo dhiibay.

Shirka ayaa waxaa soo xiray Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Dr Xuseen Cilmi, isaga oo uga mahadceliyay ka qaybgalayaasha sida ay waqtigooda u geliyeen shirka.

Ugu dambayn, Wasiir Ku-Xigeenka ayaa ballanqaaday in talooyinki shirkan ka soo baxay ay noqon doonaan kuwo ay ku hawlgasho Wasaaradda islamarkaana qayb wayn ka qaadan doona Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

TOP-DHAGEYSO:-Go’aanadii Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Weli Aan ka dhaqan Gelin Dekedda Muqdisho”
- Aug 21, 2017
Xili dhawaan Dowladda Soomaaliya ay shaacisay inay shaqada ka joojiyeen shirkado badan oo dowladda ...
TOP-DHAGEYSO:-Odayaasha Hawiye”Dowladii Shacabka Miyaa Dowlada ka Aamusan Dagaalka Beelaha iyo Dhiiga Daadanaya”
- Aug 21, 2017
dagaalada Beelaha u dhexeeya ayaa ku soo badanaya Gobolada Dalka waxaana arintaasi lagu dhaliilayaa ...
TOP-DHAGEYSO:-Waxgaradka Galgaduud”Dagaalka Xeraale Siyaasado Culus ayuu Salka ku ayaa Waana loo Caal Waayay”
- Aug 21, 2017
Waxaa dagan Xaaladda Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo maanta Dagaal Culus uu ...