Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DAAWO SAWIRRO:-Guddiga Wacyi-gelinta iyo Taakuleynta Ciidamada oo Bilaabay Qorsheynta Hawlahooda

Guddiga Taakuleynta & Wacyi-gelinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa kulankii ugu horreeyey ku yeeshay magaalada Muqdisho tan iyo markii la magacaabay.

Xubnaha guddiga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee horyaala oo ay ka mid tahay hannaanka wada shaqeynta xubnaha guddiga, gaar ahaan xubnaha ku sugan goballada iyo dalka dibaddiisa, mideynta dadaallada shacabka ee ku aaddan ka qayb qaadashada taakuleynta ciidamada iyo diyaarinta istaraatiijiyadda wacyi-gelinta laamaha kala duwan ee ciidamadda Qalabka Sida.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulanka ka dib la dar-daarmay xubnaha guddiga ayaa u sheegay in kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan xubnaha guddigan ay furo u noqonayso ka mira-dhalinta ujeedka loo asaasay.

Madaxweynaha ayaa yiri “Muhiimadda ugu weyn ee guddigan waa sida aan u dareensiin lahayn ciidamadeenna in aynu garab taagannahay, sidoo kalena aan shacabkeenna ku wacyi gelinno in dhibaatada gaarta qofka ciidanka ah ay u gaartay difaaca dalkiisa.”

Xubanaha guddiga Taakuleynta iyo Wacyi-gelinta ciidamada Qalabka Sida ee ka qayb galay shirka ayaa sheegay in muddo kooban ay kusoo dhamaystiraayaan dhammaan qorshayaasha la xiriira howl-gelinta guddiga.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Ciidamada Dawladda Oo Sheegay Inay Burburiyeen Fariisamo Alshabaab Ku Lahaayeen Gobalka Gedo
- Feb 24, 2018
Taliyaha Ururka 49 aad , guutada 10 aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Faarax ...
Faahfaahin Ku Saabsan Dhawaaqa Rasaas Oo Laga Maqlay Magaalada Muqdisho
- Feb 23, 2018
Dhawaqa rasaas ayaa laga maqlayay nawaaxiga Masaajidka Isbaheysiga Magaalada Muqdisho iyo agagaarka Xerada Dhagaxtuur ...
TACSI TIIRAANYO LEH:-Marxuum Cabdirsaaq Maxamuud Afrax (Qayla-weyne) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho
- Feb 23, 2018
Innaa lillaah wa innaa eleyhi raajacuun. Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho ay gacan ka xaqdaran ku ...