Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

SAWIRRO:-Golaha Wakiilada Dawladda Puntland oo Ansixiyey Golaha Wasiirada Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 10 August 2017 ka qayb galay kalfadhiga 39-aad fadhigiisa 22-aad oo ay Golaha Wakiilada Dawladda Puntland ku Ansixiyeen Golaha Wasiirada Dawaladda Puntland.

kalfadhiga 39-aad fadhigiisa 22-aad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 64 Mudane, kuwaas oo 61 kamid ahi cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiwlei Maxamed Cali Gaas oo horgeeyey golaha Xukuumadda Dawlada Puntland, Golaha Wakiiladda Puntland ayaa codsi u gudbiyey mudanayaasha Baarlamaanka Puntland, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in golaha Xukuumaddani isugu jiraan Wasiiro hore oo ku soo shaqeeyey daruufo adag iyo sidoo kale Wasiiro, Wasiirru Dawlayaal iyo Wasiir Ku-xigeeno cusub oo Madaxweynaha Puntland u gartay markuu arkay aqoontooda iyo khibradooda shaqo inay shacabkooda u qaadi karaan masuuliyaddaasi.

”Waxaa sharaf ii ah maanta inaan idin horkeeno Golaha Xukuumadda Puntland ee halkan u fadhiya inay idin ka codsadaan xasaanad-siinta, Golahani Wuxuu ka kooban yahay xubno aad hore u taqaaneen, soo shaqeeyey karti iyo hufnaan kusoo shaqeeyey, duruufo adag kusoo shaqeeyey, waxaa kale oo iyana kamid ah xubno cusub oo aan ku dooranay aqoontooda, xirfadooda iyo khibradooda shaqo” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland ka socdo horumar lixaadle oo dhan-walbale, horumarkaas oo ay ku xayndaaban yihiin caqabado badan oo lagama maarmaan ay tahay in meel looga soo waddajeesto, isla markaana ay Golaha Baarlamaanka Puntland iyo Golaha fulintu yeeshaan wadashaqayn dhaw oo lagaga bixikaro duruufaha jira.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xaqiijiyey arrimaha jira awgood oo horumarka leh, cadawga leh, himiladale, hiigsigale in aanay Puntland awoodi karin inay sii la’aato Gole Xukuumad saacad danbe iyo wakhti danbe.

”Waxaan leeyahay maanta xaaladahaas nagu beegsan awgood iyo horumarkaas baaxadale ee dalka kasocda awgood in aysan Puntland awoodi karin, inay sii la’aato Gole Xukuumad saacad danbe iyo wakhti danbe, anoo ku kalsoon garashadiina iyo wadaniyaddiina waxaan idinka codsanayaa in aad siisaan xasaanadda Golaha Xukuumadda ee idin horfadhiya, anigoo idinka codsanaya inaad si duuduuba oo waddajira u ansixisaan” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ansixinta kadib u mahad celiyey Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Puntland Dhammaantood sida sharafta leh ee ay xasaanadda u siiyeen Golaha Fullinta ee Dawladda Puntland.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Abdalla says:

    maanta waxaa cadaatay in ay yihiin xildhibaanada shacabka ee dowladgoboleedka puntland dad aan ku tilmaami kaeno si cad oo aan gabasho laheen khaaimiin dhuuni raac ah oo aqoon shaqada ay u hayaan dadka iyo dalka ay mathilaan maadaama ay ansixiyiin kuwi ay xasanada kala noqdeen oo soo dhoodhoobay khaainulwadanka koowaad ibid inta ay puntland dhisneed,layaabi mayno waayo waa dameer iyo labadiisa dhagood,waxay siisteen sharafkoodi wadaniyadoodi iyo dhamiirkoodi beeso yar oo laaluush u qaateen ,maanta waa maalinkii ugu madoobaa ee ibid soo mara dowlad goboleedka dalkeena puntland.
    rabi ayaa daalacanaya kitaabkii ay ku dhaarteena waa halkiisii .
    shacabka xorta ah oo xaqaaniga ah ee saburka badan waxaan soo farayaa in ay kaligood aheen oo rabigii uumay uu daalacanayo khaainka iyo daalimiinta kitaabkii eebi ka been sheegay waxaana aan leeyahay.
    bismilaahi alraxmaani alraxiim .
    walaa tahinuu walaa taxsanuu wantum al aclowna walaahu macakum .
    wabilaahi towfiiq




ad

Latest News

AKHRISO:-Al-Shabaab Oo Gobolka Shabeellaha Hoose Ka Fuliyay Xukun Gacan Goys Ah
- Dec 14, 2017
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kuunya Barroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay ...
DAAWO SAWIRADA:-Mukhtaar Roobow oo gaaray Kismaayo & Madaxtooyada Jubbaland oo laga dajiyay
- Dec 14, 2017
Hogaamiye ku-xigeenkii hore ee al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ‘’Abuu Mansuur’’, ayaa gaaray magaalada ...
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo Gaalkacyo ku wajahan+SABABTA
- Dec 14, 2017
Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdi uu hogaaminayo ...