Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga, laguna ansixiyey Hindise Sharciyeedyada Maareynta Maaliyada iyo kan Xakameynta Hubka Wax Dila

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedyada Maareynta Maaliyada iyo kan Xakameynta Hubka wax Dila iyo warbixino ku aadan maxaabiista India, diyaarinta Heshiiska Xaquuqda caruurta iyo arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan socdaal uu isaga iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ay ku tageen dalka India oo Soomaaliya iyo India ay ku soo kala saxiixdeen Heshiis ku aadan is-weydaarsiga maxaabiista. 118 dhalinyaro oo loo heysto danbiyada burcad-badeednimo ayaa marka la xukumo heli doona fursad dalkooda dib loogu soo celiyo. Wasiirka ayaa sheegay inay dowlada India ka aqbashay codsi ku aadan in visaha India laga bixiyo Muqdisho oo shacabka Soomaaliyeed ee doonaya inay waxbarasho ama caafimaad u aadaan India loo sahlo dal-ku-galkooda. Dowlada India ayaa ballanqaaday inay xafiiskeeda dal-ku-galka u soo wareejin doonto Muqdisho.

Golaha Wasiirada ayaa dood iyo falanqeyn ka dib ansixiyey Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyada oo uu wasiirka Maaliyada soo gudbiyey.
Golaha Wasiirada ayaa dood iyo flanqeyn ka dib ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xakameynta Hubka Wax Dila oo uu wasiirka Amniga soo gudibiyey.

Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedyo kale oo uu ka mid ahaa kan La dagaalanka Argagaxisada oo golaha ay daraasad iyo akhrin ku soo sameynayaan si loo ansixiyo kulamada kale.

Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka ayaa ka warbixisay diyaarinta bilowga heshiiska Xaquuqda Carruurta oo meel fiican maraya iyo horumarka wajiga labaad ee dhisida Guddiga Madaxbannaan ee Xaquuqul Insaanka oo la xayeysiiyey looguna baaqay cid walba oo daneyneysa inay araajidooda soo gudbiyaan ka hor 2da September 2017ka.

Wasiirka Waxbarashada ayaa ka warbixiyey safar uu ku tagay dalalka Mauritius iyo Sudan oo lagu horumarinayey waxbarashada Soomaaliya. Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey dhismaha guddiga hubinta shahaadooyinka dalka.

Ugu danbeyn Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegtay in Soomaaliya sanadkii 3aad lagu guuleystay in la ciribtiro cudurka dabeysha tanoo ah guul weyn oo weliba wadamo badan oo ka dhaqaale badan kana amni badan ay ku guuldareysteen, halka 3dii sano ee ugu danbeysey aan Soomaaliya lagu arag cudurkan dabeysha.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Eerible Faranfar says:

    XAKAMEYNTA HUBKA, XASILINTA CAASIMADA, HUB KA DHIGISTA HIRAAB, ETC. DHAMMAAN WAXAA
    LOOGA DAN LEEYAHAY IN HAWIYE LOO GARBA-DUUBO DAAROOD.
    DAAROOD WUXUUSAN GARANSIISNEYN IN HAWIYE
    UU MAR KASTA KA ADAG YAHAY FAQASH DAAROOD.
    XATAA HADII HAWIYE GACMAHA LAGA XIRO.
    FARMAAJO WUXUU KU KHAFIIFAY SIDUU HAWIYE UGA DHIGI LAHAA SACBOOLEY.
    FARMAAJO WUXUU ILLOWSANYAHAY IN HAWIYE OO SACBOOLEY AH UU ERYAY ADEERKII AFWEYNE.




ad

Latest News

AKHRISO:-Al-Shabaab Oo Gobolka Shabeellaha Hoose Ka Fuliyay Xukun Gacan Goys Ah
- Dec 14, 2017
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kuunya Barroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay ...
DAAWO SAWIRADA:-Mukhtaar Roobow oo gaaray Kismaayo & Madaxtooyada Jubbaland oo laga dajiyay
- Dec 14, 2017
Hogaamiye ku-xigeenkii hore ee al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ‘’Abuu Mansuur’’, ayaa gaaray magaalada ...
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo Gaalkacyo ku wajahan+SABABTA
- Dec 14, 2017
Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdi uu hogaaminayo ...