Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

SAWIRRO:-Ururka Hiigsi ee Magaalada Dalweyn oo Soo Bandhigay Waxqabadkiisa

Maamulka Ururka Hiigsi ee Xaruntiisu tahay Magaalada Dalweyn ee deegaanada Degmada Waaciye ayaa Kulan lagu  qabtay Xarunta Ururkaasi waxa lagu soo Bandhigay Wax qabadkii Ururka ee Lixdii Bilood ee ugu Damaysay.
 Ururkan oo La Asaasay 01-06-2016 ayaa mudadii uu jirey waxa uu qabtay Shaqooyin kala duwan,kuwaas oo dadka deegaanka waxtar badan u lahaa.
 Intii Ururku jirey waxay magaalada dalweyn ku tallaabsatay horumar baaxad leh,kaas oo ah dhanka Nadaafada,Wacyi gelinta Maandooriyada Qaadka,Wacyi gelinta,tahriibka ,Layrarka iyo Bilicda Magaalada oo Sare Loo Qaaday iyo weliba dhir kala duwan oo lagu beeray hareeraraha Jidadka Magaalada Dalweyn.
 Ururkani Wuxu gebi ahaanba Magaalada Gudaheeda Asbuuciiba mar ka nadiifiyaa Qashinka,kaas oo halis ku ah Nolosha dadka iyo duunyadaba.
 Sidoo kale waxa uu ururkani magaalada ka hirgeliyey Layr,taas oo magaalada aysan horey u lahayn.
Maamulka Ururka Hiigsi ayaa baaq u diray Jaaliyadaha Dibada iyo Maalqabeenada Magaalada Dalweyn kasoo jeeda waxayna ka codsadeen inay gacan kusiiyaan horumarka uu ururkani wado,iyagoona ka codsaday inay taageero dhaqaale iyo mid agab-ba Jaaliyadaha iyo Maalqabeenadu Lasoo gaaraan Ururka Hiigsi oo u Taagan Horumarka Magaalada Dalweyn iyo deegaanada kaleba.
Isku soo wada duuboo Magaalada dalweyn ayaa xiligan waxa ka socda dhismayaal kala duwan,kuwaas oo bilicda iyo baaxada magaalada kor u qaaday.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Madaxweyne gaas”imaaraadka in aan tageerno danta soomaali oo dhan ayaa ku jirta”
- Apr 19, 2018
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas  ayaa magaalada bosaaso waxaa loogu sameeyay kulan lagu soo ...
DHAGEYSO:-Wasiirka Amniga oo Su’aalo Lagu weydiyay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya
- Apr 19, 2018
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa golaha wasiirka lagu weydiiyay su'aalo ku saabsan amaanka caasimada waxaana ...
DHAGEYSO+SAWIRO:-Shirka Gollaha Wasiiradda Soomaaliya oo lagu Ansxiyay Tubta Arrimaha Bulshadda iyo Xeer Mamnuucya Jarida Dhirta iyo Dhoofinta Dhuxusha.
- Apr 19, 2018
Shirkii Caadiga ahaa ee Gollaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ...