Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Akhriso:-Akhriso:-Khayre oo shaaciyay arin faa’iido u ah dhalinyarada Somaliyed

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay xoogga saareyso sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ay dalkooda uga shaqeysan lahaayeen, islamarkaana uga maarmi lahaayeen dalalka shisheeye.

Waxa uu tilmaamay Ra’iisul wasaaraha in hay’adaha kala duwan ee taageera dowladda Federaalka ay kala hadli doonaan sidii ay dib ugu dhisi lahaayeen xarumaha waaweyn ee dalka sida warshadihii dalka uu lahaa, taasi oo soo dedejin karta shaqo ay helaan dhallinyarada.

“Hadafyada ugu muhiimsan ee aan ka shaqeyneyno waxay tahay in umadda Soomaaliyeed la isku soo dhoweeyo, muhiimaddu waxay tahay in dalka shaqo abuur laga sameeyo, dhallinyarada shaqo abuur loo sameeyo, shaqo la’aan ayaa jirta, dhallinyaradeennu waxay raacaan doonyo…waa in dalka aan dib u dhisnaa, adduunyado waa inaan ka codsannaa iney inoo dhisaan xarumaha waaweyn sida waddooyinka, Buundooyinka iyo Warshadihii dalku lahaa, haddii ay shaqeyso warshaddii Mareerey waxaa u shaqo tagaya dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa dalka waxaa ku haysa shaqo la’aan baahsan, qaarkoodna waxay naftooda ku haligaan badaha si ay u helaan nolol dhaanta midda ay maanta ku sugan yihiin.

Waxyaabaha Tahriibka dhiirageliya ayaa ah in xilalka ugu muhiimsan ee Dowladda loo dhiibay shaqsiyaad ka yimid dalka dibadiisa oo markii hore dalka ka tagay, taasi oo dhalinyarada ku dhalinaysa inay iyagana tahriibaan si madaxda beri ay u noqdaan.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Dhagayso:Galmudug oo Puntland Ka Dalbatay inay Jawaab dag dag ah Ka Bixiso Weerarka Lagu Laayay Dadka Rayidka Ah ee Ka Dhacay Galbeedka Gobolka Mudug
- Jul 20, 2017
Taliye Kuxigeenka Booliska Galmudug Cabdi Jaamac Cabdule Xabeeb Ayaa Ka Hadlay Weerar Geestay Qasaaro ...
Dalalkii Qatar go’doomiyey oo isbedalay
- Jul 20, 2017
Afarta dal ee Carbeed ee hormuudka ka ahaa go’doominta Qatar ayaa ka soo debcay ...
Al-Shabaab oo xoojiyay Cadaadista Sheekh Mukhtaar Roobow
- Jul 20, 2017
Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Al-Shabaab ayaa soo cusbooneysiiyay Hanjabaada ay ku hayaan dagaalyahanada ...