Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweyne Gaas Oo Ka Hadlay Facebook Iyo Saamayntiisa

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay saamaynta uu Facebook ku leeyahay bulshada, isagoo dhinaca kalena muujiyay inuu ka mid yahay dadka Isticmaala.

”Anniga laftarkeygu desease-ban ku qabaa oo waxaa jira wax la dhaho Facebook, waxaa laga yaabaa qofka inuu 4saac ku jiro facebook, marka saddex facebook ha lagu jiro hal saacna buuga runta ah ha la akhriyo” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Wuxuu intaas ku daray”….Buuga waxbadan ayaa ka faaideysa laakiin facebook maxa ka faideysa, cay , qabyaalad , xumaan, xan , hada waxaaba ugu badan oo loogu jecelyahay cida waxa xun sheegta, marka aan ka guurno oo u guurno akhrinta buugta”.

Hadalkan Ayuu Madaxweynuhu ka sheegay xilli uu ka hadlayay Bandhiga Buugaag oo Garowe lagu daahfuray.

”Waa in buugaagta la iibsado waxay dhiirigelin u tahay qorayaasha , buuga aad iibsato xitaa caruurtada dhaxal ayeey u tahay, waxaan rabnaa sidoo kale inaan ku dhiirigelino dadka sponsors-ka ah inay usoo jeestaan, Bandhiguna waa inoo furanyahay waana mahadsantihiin” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Kiisaska ugu badan ee dawladu ay ka cabato ayaa ah kuwa Facebook ka dhaca, waxaana Xukuumadda saamayn ku leh Facebook.

Si kastaba ha ahate, Kiiskii ugu dambeeyay ee lagu xiray Wariye Kilwe ayaa ahaa mid la xiriira qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray.

 

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    waa wax wanaagsan in lajoojiyo aanan waqti lagu qasaarin waxaan faa’iido lahan?

    Sidookale (C/WALI GAASOOW) adiguna isaka Yaree ama jooji “SAFARKA BADAN KHAASATAN SAFRKA ITOOBIYA) sababtoo ah dhaqaalebadan iyo waqti badan ayaa halkaas kuqasaaraya?

    Taariikhdana wali laguma sheegin wax wanaag ah oo Itoobiya laga keeno?

    waxaa uun lagala soonoqdaa (Cudur iyo Faqri Iyo Doqonimo?

    sidaas darteed Adiga Iyo Saaxiibadaaba Joojiya Safarka Badan Ee (DIYAARAARADAHA?
    Waxaan kawadaa(TOBANKA MADAXWAYNE EE SOOMAALIYA.

    1- MADXWANEHA JABUUT.
    2- MAD.HARGAYSA.
    3- MAD. KHAATUMO.
    4- MAD. MAAKHIR.
    5- MAD. JIJIGGA.
    6. MAD. GAROOWE.
    7- MAD. CADAADO.
    8- MAD. BALEDWAYNE.
    9- MAD. BAYDHABO.
    10- MAD. KISMAAYO.
    11- MAD- GAARISO.
    11. MAD. MUQDISHO.

    IGARALI AHAADA HADII AAN MADAXWAYNEKELE AANAN MAGICIISA SHEEGIN AMA AAN HALMAAMAY? DIB AYAAN KASOO SHEEGIDOONAA?

    Hadaba (C/WALI CALI GAASOOW) ARRINTAAS SAFARADA IYO SHIRARKA BADAN WAX HALAGA QABTO?




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Xildhibaano ku baaqay in dib loosoo celiyo Cabdikariin Sh.Muuse Qalbi Dhagax
- Nov 18, 2017
Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaanda qaarkood waxa ay dood ka sameeyeen dhiibistii Cabdi Kariim Muuse Qalbi ...
DHAGEYSO:-Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay sharci muhiim ah
- Nov 18, 2017
Kala Fadhigii barlamanka puntland oo ka dhacay garoowe ayaa lagu ansixiyay xeerka la dagaalanka ...
VIDEO+SAWIRO:-Madaxweynaha Puntlad Iyo Danjiraha Dalka China ee Soomaaliya oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Madaxtooyada Garoowe.
- Nov 18, 2017
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo danjiraha dalka China ee Soomaliya ...