Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Soomaalida Kentucky oo u dabaaldagtay Maalmaha xoriyadda

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Kentucky ayaa si quruxbadan u soo bandhigay munaasabd lagu maamuusayay Maalmaha xoriyada Soomaaliya.

Xafladan oo ay soo abaabuleen ururka Dhalinyarada Soomaalida Louisville waxaa ka soo qeybgalay qeybaha bulshada iyada oo mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliyeed ay ka hadleen.
Intabaddan dadkii ka hadlay xaflada ayaa ahmiyada maalmaha xoriyada si weyn ugu dheeraaday waxayna si gaar ah diirada u saarayeen muhiimada ay dhalinyarada qurbaha ku koray ay maalmahani u leeyihiin si ay u ogaadaan in ay leeyihiin dal Xor ah balse dunida ka dibdhacay kadib dagaalo iyo qax dadkiisa la soo darsay iminkana ka soo kabsanaya.
Waxgarad iyo aqoonyahan baddan ayaa tusaale iyo Taariikh dheer ku soo qaatay halgankii iyo halka maanta la joogo iyaga oo dhalinyarada u iftiimiyay in guusha Xoriyadda Soomaaliya ay dhalinyaro keentay sidaa darteedna dhalinyarada looga fadhiyo isbadal.
Waxaa xaflada kaalinmuuqada ka qadanayay fanaaniin Soomaaliyeed iyo Abwaano soo bandhigay suugaan nooc walba.
Magaalada Louisville ayaa waxa ay ka midtahay magaalooyinka ay ku noolyihiin Soomaalida mareykanka waxayna halkaasi ka hirgaliyeen xarumo Ganacsi, iyo goobo kala duwan oo soomaalida muhiim u ah waxayna leeyihiin Jaaliyadd u adeegta iyo ururo dhalinyaro.
Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO+SAWIRO:-Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay Dib-U-Eegista Dastuurka
- Nov 19, 2017
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka ...
TOPNEWS:-Golaha Wasiiradda Dawladda Puntland oo Shir Aan Caadi Ahayn Ku Ansixiyey Misaaniyadda Dawladda Puntland Ee Sanadda 2018
- Nov 19, 2017
 
DHAGEYSO:-Kalfadhigii 23 ee golaha degaaanka garoowe oo furmay & wixii looga hadlay
- Nov 19, 2017
Kalfadhigii 23 ee golaha degaaanka garoowe ayaa manata ka furmay magaalad agaaroowe waxaana ka ...