Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Wasiir Beyle oo hor-tagay Baarlamaanka somalia & Su’aalo adag oo la waydiiyay

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in muddo saddex bilood aanay qasnada dowladda ku soo dhicin lacagihii uu balan-qaaday Turkiga ee loogu tala galay kabka miisaaniyadda.

Dowladda Turkiga ayaa bishii April ku dhawaaqday in dowladda Soomaaliya ay ugu deeqeyso lacag gaareysa labo milyan oo dollar bil kasta, si ay kab ugu noqoto miisaaniyadda dowladda

“Saddex bilood ma bixin Turkiga lacagtii laga sugayay, waxay dhaheen labo milyan iyo bar ayaa bixineynaa, walina nama soo gaarin”ayuu yiri Wasiir Beyle oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Wasiir Beyle oo  hor-tagay Baarlamaanka oo uu kaga jawaabayay su’aalo laga weydiiyay miisaaniyada sanadka ayaa sheegay in aanay jirin wax kaalmo lacageed oo dibadda ka timid.

Sidoo kale Wasiirka ayaa wax laga weydiiyay mushaarka ciidamada iyo meelaha ay ka yimaadaan, isagoo xusay illaa bishii February ciidamada la siinayay mushaarka, waxaa uu tilmaamay inay ku dadaali doonaan sidii mushaarka ay dowladda u bixin laheyd oo laga kaaftoomi lahaa meelaha ay ka yimaadaan.

 

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Abdulqadir Tallman says:

    MAAWEELADA CRRUURTA

    QOFBA WUXUU HADLAA INTA UU MAANKIISU LA
    EG’ YAHAY.

    CARRURTA IYO WIXII LA CAQLI AHNA WAXAY KU HADAAQAAN WAXA LOO YAQAAN

    “MAAWEELADA CARRUURTA.”

    BAL DHEEHO:

    A. LAAMIYO AY DAWLADDA FARMAAJO DHISEYSO.

    B. FARMAAJO OO KHUDBAD SHACABKA U
    JEEDINAYA, LEHNA: DAYAX GACMEED AMA
    satellite BAA SOO SAARAYA BIYAHA KU
    JIRA DHULKA HOOSTISA, SI’ LABA SANO
    GUDAHOOD SHACABKU UUGA BAXO GAAJADA
    IYO FAQRIGA.

    C. Wasiir Salim Caliyow Ibrow oo yiri
    “BIYO IYO KORONTO AYAAN GAARSIINEYNAA
    REER MIYIGA.”

    RAAC LINK-IGAN:

    http://allgalgaduud.com/2017/07/dhageyso-dawladda-soomaaliya-oo-sheegtay-in-ay-wado-qorshe-dadka-reer-miyiga-ah-lagu-gaarsiinayo-koronto-iyo-biyo

    DAWLADDANI WAXAY AF CARBEED KU LEEDAHAY:

    “ANIGA OO QUUSTAY OO WAREERAY HORTA MA I TAQAAN? WALLEE JANNADII BAAN IDIIN DABAALSIIN!
    ABKIIN MAGAN EE IIGU SIMA LABA SANO, INTA AAN URURSANAYO XOOGAA LAALUULSH AH.”




ad

Latest News

MUUQAAL:-xildhiban cali xoosh oo ka warbixiyey go’aanka barlanaanka dhibista qalbi dhagax
- Nov 18, 2017
    https://www.youtube.com/watch?v=hSxNQSu0w9Y
MUUQAAL:-Xidhiban Odawaa ayaa sheegay in dhiibista Qalbi dhagax ay lamid tahay dhiibista qaranka oo dhan
- Nov 18, 2017
https://www.youtube.com/watch?v=OuHACMd7DYA  
MUUQAAL:-Wasiirka madaxtooyada somaliland oo war culus ku dhawaaqay
- Nov 18, 2017
  https://www.youtube.com/watch?v=7JrTeZ6kL9E