Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Saldhigga Milateri ee Turkiga ka dhisanayo Muqdisho oo la soo gaba gabeeyay

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Olgan Baker ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay dhismaha Saldhiga Milateri ee Turkiga ka waday magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka lagu magacaabo Jazeera.

Danjire Olgan Baker oo shalay wariyeyaasha kula hadlayay xarunta Safaaradda ee Muqdisho ayaa sheegay in bisha August  soo socoto ay Muqdisho imaan doonaan Saraakiisha Milateri ee saldhiggaas tababarka ku siin laheyd Ciidamada Soomaalida.

Waxaa uu sheegay in bisha September ee soo socota la furi doono Saldhigga, iyadoo lagu wado in kumanaan askar Soomaali ah tababar lagu siiyo bilaha soo socda.

Turkiga ayaa dhowaan balan qaaday inuu ka qeyb qaadanayo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo heshiisyo dhinaca milateri ay horay labada dal u kala saxiixdaan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sanadkii hore mar uu u yimid magaalada Muqdisho furitaanka safaaradooda ayaa sheegay inuu furi doono saldhig milateri oo ay ka dhisanayaan Muqdisho.

Dowladda Turkiga oo horay Soomaaliya uga taageereysay dhinacyada bani’aadanimada iyo horumarinta mashaariicda ayaa hada waxay qeyb ka qaadan doontaa tababarka ciidamada iyo qalabeyntooda.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Madaxweyne farmaajo maxaa la gudboon hadii mooshin laga gubiyay xilka looga qaadayo?
- Dec 10, 2018
Madaxweynaha somalia maxamed cabdulaahi farmaajo waxaa la gudbiyay mooshin xilka looga qaadayo waxaana jira ...
DHAGEYSO:-Mooshinka laga keenay mdaxweyne farnaajo xalkee ayuu ku danbayn doona?
- Dec 10, 2018
Umadda Soomaaliyeed waxay baryihii danbe ka nasatay arimaha mooshinka iyo is qab qabsiga madaxda ...
DHAGEYSO:-Xildhibaan Saleebaan ‘Rajaddii shacabku qabeen way nusqaantay madaxweynuhu shaqadiisii wuu gabay”
- Dec 10, 2018
Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in Rajaddii shacabku u qabeen madaxweyne farmaajo aya ...