Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO+SAWIRO:-Madaxweynaha Puntland oo Kahadlay Bixinta Cashuuraadka Sharciga Ah, Una Digey Shakhsiyaad Ganacsato Ah oo Al-shabaab Cashuursiiya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 July 2017 shir Jaraa’id oo uu ku qabtay qasriga Madaxtooyadda magaalada Garoowe kaga hadlay cashuuraha sharciga ah ee waajibtey inay bixiyaan muwaadiniinta reer Puntland, maadaama ay ansixiyeen cashuurtaasi goleyaasha  dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn shacabka reer Puntland u sheegay in hadii aan cashuurta la bixinin  aanay dawladdnimo jiraynin, islamar kaana waxa uu madaxweynuhu xaqiijiyey in aanay aduunka ka jirin dal dawladd-nimadiisu shaqayso, horumar gaadha  hadii aan cashuurta la bixinin.

”Waxaan rabaa dadka reer Puntland inaan ku wacyi gelino hadii aan cashuur la bixin in aanay dawladd-nimo jiraynin, majiro aduunka dal dawladd-nimadiisu shaqayso horumar gaadha hadii aan shacuur la bixin, aduunka maahmaah baa jirta oo la istimaalo ” wax la hubo cashuur iyo dhimashaa jirta” taasina ay micneheedu tahay in dadku ay bixiyaan cashuurta, dawladdnimadana uu awelkeedu ka bilaabmo cashuur, kuna dhammaato bixinta cashuurta, dawladd-nimo ma jirayso, nidaam iyo kala danbayn ma jirayso, amni majirayo, horumar  majirayo hadii aan cashuurta la bixinin  ” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in magaaladda Boosaaso kasoo korodhay arrin la xidhiidh dad muwaadiniin ah oo cashuuurta sharciga ee martay goloyaasha dawladda Puntland  ka hor imanaya, waxaana uu xusay Madaxweynuhu in dawladdu diyaar u tahay inay shacabkeeda u dhibriso, kuwacyi geliso muhiimadda ay cashuurtu u leedahay dalkooda iyo dadkoodaba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tibaaxay in dawladda ay u taalo hawlo badan oo ay masuuliyadi ka saaran tahay, taas oo ay ka mid tahay sugida ammniga, bixinta mushaharaadka iyo horumarinta dalka,  waxaana ay taasi suura gelaysaa marka ay iskaashadaan shacab iyo dawladduba, sidoo kale Madaxweynaha ayaa shacabkiisa su’aalay, hadii aan cashuurta la bixinin amni majirayaa? hadii aan cashuur la bixinin waxbarasho majiraysaa?, hadii aan cashuur la bixinin caafimaad ma jirayaa?, hadii aan cashuur labixinin horumar majirayaa?, waxaana uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in qofka muwaadin ka ah ee sharciga ka horyimaadaa uu yahay Danbiile laguna qaadayo denbigiisa.

Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in shacabka Puntland aan laga qaadin wax cashuura ee keliya dawladdu ay qaado khidamaad yar  oo dekedda ka soo xerooda, waxaana uu madaxweynuhu faahfaahiyey cashuurta ay ka doodayaan ganacsatadda magaaladda Boosaaso ay tahay 4% mid waajibtey hantiilaha gurriga (landlord) oo u dhiganta lacagta dollar-ka $28.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlaya horrumarka xukuumadiisu ka hirgelisey Magaaladda boosaaso ayaa waxa uu sheegay.

” Boosaaso oo laga soo sheegay diidmadda cashuurta markii ugu danbeysey ee aan tegey waxaan ka soo dhagax dhigay wadadii 13aad  oo magaalada bilicdeeda iyo horumarinteeda ah, intasoo ciidan ah baa joogta oo ka hawl gasha ilaalinta nabad gelyadeeda, international Airport baa laga dhisay, balaadhinta iyo dib u casriyaynta dekedii baa la bilaabayaa, mashruucii ugu weynaa Puntland ee ah biyo gelinta ayaa ka bilaaban doona Boosaaso iyo solar system {Solar Light}  kii ayaa isna dhowaan rajaynaynaa inuu ka bilaabmo”  ayuu yiri madaxweynuh.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Dawladda Puntland socdaal dheer gelayso oo ay dalkeeda kaga xoraynayso argagixisadda daacish, iyo Al-shabaab, isla markaana ay usocoto inay dalkeeda horumariso, dalkeeda dib u dhisato taasina y u baahan tahay garab istaag ay shacabku garab istaagaan dawladooda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in ay cashuur siyaan Al-shabaab qaar kamida ganacsatada diidaysa cashuurta sharciga ah ee Dawladda, waxaana uu xaqiijiyey Madaxweynuhu in dadka dhaqankaa lihi ay dawladda uga dhigan yihiin Al-shabaab oo kale, isla markaana uu hadaf  koodu yahay inay dalka dhaxal kiisa ku wareejiyaan Al-shabaab.

” Waxaan idiin sheegaya oo aan ognahay kuwa intaas diidan oo dawladd-nimada shidaynayaa  inay qaar kood Al-shabaab siyaan cashuur, nin ka raba Al-shabaab inuu siiyo cashuur dawladdana u diido shacuurta micneheedu Maxay tahay?  micneheedu waxay tahay Al-shabaab waa dilikaraan laakiin dawladdu ima dilikarto imana xidhi karto weeye, qof ka noocaasi anaga wuxuu noola mid yahay dabcan  Al-shabaab saas ayaan u qaadanaynaa, waa qof  raba inuu dalkan dhaxal wareejiyo kuna wareejiyo Al-shabaab, saas anoo u sheegay dadka shacabka ah ee reer Puntland Gaalkacayo ama Badhan hajoogaane waa dad aaminsan dawladd-nimada.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland kula dardaarmay  kuna booriyey in ay nidaamka dhawraan, inay midnimadoodda adkaystaan, in cidii shidda wadda ay ka horyimaadaan iyo  in cashuurtu waa waajibe ay  bixiyaan.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. c/qani says:

    wax abni ah oo maanta Puntland kajiraa mamuuqdaan?

    afarta joho Ee Gobolka Waxaa kasocda dhadhaqaaq Looga Soo horjeedo MAAMULKA (C/WALI CALI GAAS)

    Gaalkacyo Ilaa Boosaaso. Ilaa (Badhan)

    Shacabka Cabsi Galin Iyo Urur Hebel Ayaad Taageertaan Laguma Maamulikaro?

    Waxdhib Ah Shacabku Mawadaan, Laakiinse Maamulka Ayaa Taladii Seegtay? Hadaba Adigaa Ayaa Fudude (C/WALIYOOW) Is Casil. Shacabkana Hadhibaateeynin?

  2. Abdalla says:

    shacab gadooday ama diidan in uu canshuur bixiyo macnaheeda waxaa weeye shacabku waxaa uu saluugsanyahay lacagta ay shaqaysteen oo jeebabka laga buuxsaday oo aanan waxba loogu qaban oo dibadahana qusuur malaayiin dollar looga gatay amnixumo iyo maamulxumana ay ku baahsantahay dalka musuqmaasuqana uu lixaadsaday dalka badidiisana aanay dowladku sheehga ka warqabin mashaariicda laga dhawaajiyayna waxaa sameeyay hay ado iyo dowlado ku caawinay dadyowga deegaanka xitaa biyo xireenada la sheegayo wax ay dowlad lacagteed lagu sameeyay maaha
    canshuurta dadka laga qaado dadbaa ku ladxiisa ,dowladda federaalka lacagaha ay bixiso xagee ayaad geeysaan wali se ma sheegteen inta aad ka heshaan dowladda federaalka ,beenta iyo daalinimada ha la joojiyo dadku hadii uusan rabin in aad maamushaana is casila oo ka hor leexda umadda intaas waa naga talo hadii ay cidi wax ku qaadanayso .




ad

Latest News

Dhagayso:Galmudug oo Puntland Ka Dalbatay inay Jawaab dag dag ah Ka Bixiso Weerarka Lagu Laayay Dadka Rayidka Ah ee Ka Dhacay Galbeedka Gobolka Mudug
- Jul 20, 2017
Taliye Kuxigeenka Booliska Galmudug Cabdi Jaamac Cabdule Xabeeb Ayaa Ka Hadlay Weerar Geestay Qasaaro ...
Dalalkii Qatar go’doomiyey oo isbedalay
- Jul 20, 2017
Afarta dal ee Carbeed ee hormuudka ka ahaa go’doominta Qatar ayaa ka soo debcay ...
Al-Shabaab oo xoojiyay Cadaadista Sheekh Mukhtaar Roobow
- Jul 20, 2017
Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Al-Shabaab ayaa soo cusbooneysiiyay Hanjabaada ay ku hayaan dagaalyahanada ...