Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kismaayo Ka Dhagax Dhigay Xarumo Dhowr Ah

Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii dhagax dhigay laba dhismo oo lagu wado in laga hirgeliyo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dhismooyinkan, ayaa waxaa loogu talla-galay inay ku shaqeeyan Wasaaradaha Beeraha, Kalluumeysiga iyo Xannaanada Xoolaha. Sidoo kale waxaa la qorsheynaya in Magaalada Kismaayo laga hirgeliyo xarun kale, oo loo qorsheeyay in dhalinta isugu timaado.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa waxaa dhagax dhigan ku wehlinayay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Bayle, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda iyo Jubbaland.

Bulshada reer Kismaayo, ayaa si weyn u soo dhaweysay booqashada ay magaaladan ku jooggan Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Golihiisa Wasiirada, oo Khamiistii shirkoodii ugu horeeyay ku yeeshay magaaladaasi.

Ra’iisal Wasaare Khayre, ayaa shirkan uga qabsoomay Kismaayo ku macneeyay mid lagu xoojinayo wadashaqaynta iyo midnimada shacbiga Somaliyeed.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa adkeeyay amniga guud ee Magaalada Kismaayo, iyagoona hakad geliyay isu socodkii gaadiidka iyo dadkaba ee qaybo ka mid ah magaalada.

Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee dalka, ayaa waxaa laga hadalhaya booqashada Golaha Wasiirada Somaliya ku jooggan Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Sawirro

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. c/qani says:

    WAA WAX WANAAAGSAN IN HORUMARKA DALKA WAXLAGA QABTO?? LAAKIINSE AXMED MADOOBE IYO KHAYRE.
    1-MARNA KAMA HADLIN CIIDAMADA KENYA IYO ITOOBIYA EE GOBOLADA JUBOOYINKA AMA KISMAAYO KUSUGAN?? SABABTU WAAMAXAY?

    3- KABADARANE AXMED MADOOBE OO QOREXAY KASOOJEEDA IYO KHAYRE OO (CEELBUUR) KASOOJEEDA, MARNA MASOO HADAL QAADIN DURUUFAHA IYO BURBURKA..MAGAALOOYINKOODA AY XABASHIDU DHAXALSIISAY MASOO HADALQAADI? YAAB!!




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta K/Galbeed oo cambaareeyay Go’aanka Shariif Xasan uu ku taageeray Isbahaysiga Sacuudiga
- Sep 19, 2017
Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda reer Koonfur Galbeed ayaa si wayn uga soo ...
DAAWO:-Ugaas Maxamed Weli oo Si Iskumid ah Ula Hadlay Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii uu soo Dhisay ee Farmaajo”
- Sep 19, 2017
Qabyaalad iyo dan gaar ahi haku harto, Ugaas Maxamed weli Xasan Sheekh iyo Madaxweynihii ...
DEG DEG:-Dagaal Culus oo hada ka Socda Duleedka Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo”
- Sep 19, 2017
wararka ka imaanaya Degmada Beled xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaal Culus ...