Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Akhriso:-Xeerka Saxaafada oo Golaha Wasiirada Somalia ansixiyeen

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska


->HINDISE SHARCIYEEDKA<-

->WAX-KA-BEDELKA <-

->XEERKA SAXAAFADDA<-

Waxaa diyaariyey: WasaaraddaWarfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska

Juun 2017

Qodobka 1aad

Eray-bixin

Haddii aan si kale loogu qeexin sharci kale, erayada soo socda wuxuu mid waliba yeelanayaa fasiraadda ku hor qoran:

Guddi: Waa Guddiga Saxaafadda.
Saxaafad Shisheeye: Waa saxaafad milkiyaddeeda ay leeyihiin dad aan aheyn muwaaddiniin Soomaaliyeed.
Wasiir: Waa Wasiirka Warfaafinta.
Wasaarad: Waa Wasaaradda Warfaafinta.
Warbaahinta: Waa gudbin barnaamijyo kala duwan oo loo isticmaalo qalabka warlaliska ama satalite-ka.
Warbaahinta Daabacan: Waa warbaahinta lagu faafiyo qaab qoraal ah, sida wargeysyada, majalladaha, iwm.
Warbaahinta gaarka ah: Waa warbaahin ay leeyihiin dad ama hay’ado gaar ah.
Noocyada warbaahintu: Waxay u kala bixi karaan sida midda bulshada (Public), midda sida gaarka ah loo leeyahay iyo midda qeybaha bulshada( Community).
Warbaahinta Danabeysan (Elektarooniga): Waxaa loola jeedaa raadiyaha, telefishanka (cable Television) iyo internet-ka.
Saxaafadda Daabacan: Waxaa loola jeedaa Warbaahinada la qoro, la daabaco sida Wargeysyada, Joornaallada (todobaadle, bille ama Sanadle), Tabeellayaasha ama Warsideyaasha (bulletins).
Warbaahin Qaran: Waa saxaafadda ay maamusho isla markaana maal-geliso Dawladdu.
Warbaahin Gaar ahaaneed: Waa Warbaahinta sida gaarka ah u leeyahay shakhsi ama shirkad.
Suxufi: Qof kasta oo leh aqoon saxaafadeed kuna shaqeeya, lehna rukhsad uu ku shaqeeyo.
Madbacad (Printing House): Waa hannaan ku dhisan farsamo adeegyo daabacaadeed loona isticmaalo qalabka wax lagu qoro.
Milkiile Goob Daabacaad (Daabace): Waa qofka leh ama wakiil ka ah madbacadda.
Soo-saare (Publisher): Waa milkiilaha ama qofka haysta rukhsadda lagu daabaco buugag ama qoraallo aan waqti xaddidan lahayn.
Faafin (Dessiminate): Waa hawsha gudbinta wararka iyo farriimaha loo adeegsado qalabka warbaahinta.
Shirkad soo saarta Filimada (Movies Production Company): Waa shirkad soo saarta filimada maqalka iyo muuqaalka.
Machadka Tababarka Saxaafadda: Waa dugsi bixiya tababar xirfad saxaafadeed.
Xarun Tarjumaad: Waa goob sharciyeysan oo rukhsad u haysata tarjumaadda qoraallo ku qoran luqado kala duwan.
Wakaalad Warar: Waa hay’ad sharciyeysan oo ururisa isla markaana faafisa xogta warbaahinta.
Shirkad Xayeysiin: Waa shirkad ganacsi oo haysata oggolaansho sharci ah soona saarta xayeysiin.
Xaq dhowr (Intellectual Property Rights): Waa ilaalinta lahaanshaha fikirka ama hal-abuurka iyo qoraalada.
Tafaf-tire Guud (Editor-in-Chief): Waa qofka mas’uulka ka ah maamulka iyo waxa ku soo baxa madbacad, wargeys, idaacad, telefishan iyo websiteyada.
Raadiyo: Waa warbaahin guud oo maqal ah.
Telefishan: Waa warbaahin guud oo maqal iyo muuqaal ah.
Mareeg Shabakadeed (Cable Network): Waa warbaahin maqal iyo muuqaal ah oo baahisa barnaamijyo maxalli, caalami, waxbarasho, dhaqan iyo madadaalo oo loo tebiyo ciddii dalbata.
Xayeysiin (Advertisement): Waa adeeg lagu soo saaro barnaamij qoraal, maqal iyo muuqaal ah iyadoo shirkadda xayeysiintu ay khidmad ka qaadeyso shakhsiga ama hey’adda xayeysiinta loo sameeyey.
Deeq (Donation): Waa tabaruc nooc kasta oo taakulayn ah, mid dhaqaale ama dhiirri-gelin saxafadeed oo uu bixiyo shakhsi ama hay’ad.

Qodobka 2aad

Mabaadi’da Guud

2.1- Xeerkan waxuu ku saleysan yahay mabaadi’da ku tilmaaman Qodobka 18aad ee Dastuurka ku-meel-gaarka ah iyo Heshiisyada Caalamiga ah ee khuseeya arrimaha warbaahinta oo ay dawladda Soomaaliyeed dhinac ka tahay.

Qodobka 3aad

Xorriyadda Saxaafadda

3.1- Saxaafaddu way u madax-bannaan tahay fulinta hawlaheeda saxaafadeed ama warbaahineed ee noocyada kala duwan ayadoo dhowreysa shuruucda iyo anshax-saxaafadeedka (code of conduct).
3.2- Xorriyadda hadalka iyo fikirka waxaa loo fulinayaa sida ku xusan Dastuurka ku meel-gaarka ah (Qod. 18aad) oo qeexaya xorriyadda ra’yiga iyo afkaarta, axdiyada caalamiga ah, kuwa qaaradeed iyo goboleed ee Soomaaliya ay qeybta ka tahay iyo xeerkan lagu dhaqan- gelinayo Dastuurka.
3.3- Dhammaan warbaahinta gaarka ah ama tan Dawladda wararkooda faaf-reeb laguma sameyn karo, haddii ay shaqadooda u gudanayaan si waafaqsan shuruucda dalka ama aan ka hor-imaanayn sharciga. lagumana qasbi karo faafinta warar u daneynaya dhinac gaar ah.
3.4- Waxaa reebban in warfaafinta madaxa bannaan lagu khasbo iney faafiyaan warar ka hor imaanaya maslaxadda dalka, nabadgalyada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada ama u danaynaya cid gaar ah.

Qodobka 4aad

Arrimaha ka reebban warbaahinta xorta ah

4.1- Waxaa ka reebban warbaahinta xorta ah ee madaxa bannaan ha noqoto mid gaar ah ama mid dowladeed arrimaha soo socda:
B- Arrimaha ku xusan qodobka 3aad faqraddiisa 3aad ee xeerkan;
T- Baahin warar been-abuur ah;
J- Hurinta colaadda ama dhiirri-gelinta qabyaaladda; iyo
X- Dacaayad aan sal lahayn oo loola jeedo shakhsi ama hay’ad, baahin warar nacayb iyo xag-jirnimo ku salaysan.

Qodobka 5aad

Ku Xad-gudubka Xeerka Saxaafadda

5.1- Cid kasta oo ku xad-gudubta xeerkan ha noqoto wariye ama mas’uul xarun warbaahineed waxaa la raacayaa arrimaha soo socda:
B- In marka hore la siiyo digniin qoraal ah mas’uulka xarunta warbaahinta ama suxufiga;
T- Ganaax lacageed oo dhan shilin Soomaali u dhigma US$300 ilaa US$1,500 (Saddex boqol ilaa kun iyo shan boqol oo Doolar), kaasoo lagu ganaaxayo tifaf-tiraha, suxufiga ama mas’uulka xarunta warbaahinta ee jebiya sharcigan ama anshaxa warbaahinta;
J- Haddii suxufiga, reebbanaha ama mas’uulka xarunta warbaahintu ay u hoggaansami waayaan bixinta ganaaxa waqtigii loo xaddiday waxaa loo gudbinayaa maxkamadaha awoodda u leh;
X- Haddii suxufiga, tifaf-tiraha ama mas’uulka warbaahineed ay ku kacaan falalka ku xusan qodobka 3aad ee xeerkan waxaa loo gudbinayaa xeer-ilaalinta qaranka oo horgeynaysa maxkamadaha awoodda u leh; iyo

Qodobka 6aad

Waxtarka Xeerka Saxaafadda

6.1- Waxatarka xeerka saxaafaddu waa nidaaminta howlaha kala duwan ee warbaahinta iyo barnaamijyada lagu wacyi galinayo bulshada laguna gaarsiinayo xogta dhabta ah ee waxtarka u leh ayadoo la dhowrayo xeerkan iyo anshaxa saxaafadda

6.2- Xeerku wuxuu nidaaminayaa qaabka ay u wada shaqeynayaan Wasaaradda Warfaafinta, Guddiga Saxaafadda, ururrada saxaafadda dalka, suxufiyiinta iyo inta ay khusayso saxaafaddu ayadoo la dhowrayo sharciga iyo anshaxa suuban.

Qodobka 7aad

Ujeeddooyinka Xeerka Saxaafadda

Ujeedooyinka xeerka warbaahinta waa:

B- Dejinta mabaadi’da siyaasadeed iyo sharci ee hagaya warbaahinta;

T- Hormarinta, dhowrista iyo ixtiraamka xorriyadda hadalka iyo kala duwanaashaha warbaahinta;
J- Dhiirri-gelinta warbaahinta gaarka ah iyo tan guud oo leh hal-abuur xaqiiqada ku salaysan;
X- Horumarinta dhammaan noocyada kala duwan ee warbaahinta iyo horumarinta u isticmaalka adeegsiga teknoolojiyadda; iyo
Kh- Dhiirri-gelinta iyo dammaanad qaadka jiritaanka qaybaha kala duwan ee warbaahinta si waafaqsan xeerkan.

Qodobka 8aad

Rukhsadda Warbaahinta

8.1- Sharcigu wuxuu xeerinayaa sameynta qorsha qaran oo lagu qaybiyo rukhsadaha warbaahinta dowladdu bixiso si loogu adeegsado horumarinta kala duwan ee warbaahinta hase yeeshee qaybinta iyo qorshaynta hirarka waxaa mas’uul ka ah Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta waxayna u kala horeynayaan in marka hore la helo rukhsadda Wasaaradda Warfaafinta ka dibna ay u gudbiso Wasaaradda Isgaarsiinta oo ka mas’uul ah bixinta hirarka sida ku xusan xeerka isgaarsiinta.

8.2- Xeerkani wuxuu dejinayaa hannaan cusub oo lagu bixinayo shatiyada warbaahinta cusub, iyo aqoonsiga iyo rasmiyeynta warbaahintii jirtey oo la waafajinayo xeerkan.

8.3- Hannaankan wuxuu noqonayaa mid ku saleysan qiimeyn lagu sameeyo codsiyada, waxaa kale oo jiri kara codsiyo laga qabto kuwa mudan, gaar ahaan goobaha adeegooda warbaahineed uu yar yahay.

8.4- Hannaanka Xeerkani wuxuu si cad u muujinayaa qaabka codsiyada loo maareynayo, xilliga kama dambeysta ah ee codsiga la qabanayo, waxa lagu qorayo codsiga iyo qaabka lagu qiimaynayo codsiyada.

Qodobka 9aad

Nidaamka Shatiyada lagu Bixiyo

9.1- Nidaamka loo raacayo bixinta shatiyada wuxuu noqonayaa:

B- Waa inay jirtaa baahi loo qabo warbaahintan waafaqsan tahayna qorshaha qaranka;
T- In codsaduhu leeyahay awood dhaqaale oo uu ku daboolo adeegga warbaahineed ee uu codsanayo bixintiisa; iyo
J- Waa inay dhiirri-gelinayso kala duwanaanta adeegga warbaahinta

Qodobka 10aad

Diidmada Codsiga Shatiga

10.1 – Cidda bixinaysa shatiga waa in ay soo bandhigtaa sababo qoraal ah oo ay ku caddeynayso go’aanka diidmada ah ee ay qaadatay,waxaana looga caban karaa go’aankaas maxkamadaha awoodda u leh

Qodobka 11aad

Shuruudaha Shatiga

11.1- Sharcigu wuxuu si cad u qeexayaa shuruudaha guud ee uu shati kasta wato waxayna noqonayaan sida soo socota:
B- Magaca qofka oo buuxa, shirkad ama urur, cinwaanka cidda codsanaysa;

T- Nooca warbaahinta iyo deegaanka looga baahan yahay in laga furo;
J- Dhaqaalaha ku baxaya iyo cidda bixinaysa iyo hadafka laga leeyahay in lagu gaaro; iyo
X- Cidda ka mas’uul ah maamulkeeda.

Qodobka 12aad

Furasho Warbaahin

12.1- Hadii aan sharcigu si kale u sheegin waxaa loo oggol yahay inay furato warbaahin cid kasta oo danaynaysa ayadoo la raacayo xeerkan iyo shuruucda kale ee dalka, ka dib markii la soo buuxiyo shuruudaha ku xusan qodobka 11aad lana helo rukhsadda loo baahan yahay.

12.2- In qalabka uu keensanayo ama uu ku hawl-gelayo uusan ahayn mid wax u dhimaya degaanka, caafimaadka bulshada iyo hab-sami-ula-shaqeynta warbaahinta kale.

Qodobka 13aad

Xilliga Kala-guurka

13.1- Kadib dhaqan-galka sharcigan warbaahinnada horey u jiray waxay soo weydiisanayaan rukhsad muddo 45 cisho gudahooda, waxaana la waafajinayaa sharcigan.

13.2- Ma shaqeyn karto warbaahin aan rukhsad ka haysan hay’adaha ku shaqada leh ka dib dhaqan-galka sharcigan.

Qodobka 14aad

Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed

14.1- Waxaa lagu dhisay Xeerkan Guddi Madax-bannaan oo aqoon u leh saxaafadda iyo shuruucda dalka u yaal.
1. Ttirada Guddigu waxay noqonaysaa 09 (Sagaal) Xubnood oo ka kala imaanaya:

B) Warbaahinta Dawladda ……………… 3 xubnood;
T) Warbaahinta gaarka ah ……………… 3 xubnood; iyo
J) Ururrada bulshada rayidka ah …….. 3 xubnood
oo ka kala imaanaya: Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Qareennada Soomaaliyeed.

1. Milkiile, Maamule, suxufi xarun warbaahineed u shaqeeya iyo Tifaftire waxaa ka reeban kamid-noqoshada Guddiga Saxaafada si looga fogaado danaha iska-hor-imaanaya (Conflict of Interest)

14.2- Magaca Guddiga waxa uu noqonayaa ‘Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed (GSS)’, waxaana lagu soo magacaabayaa sida soo socota:-waxaa golaha wasiirada u soo jeedinaya wasiirka wasaardda warfaafinta, kadib markii goluhu ansixiyana waxaa dikreeto ku soo saaraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah.
Xilka qaadista guddigan waxaa loo marayaa qaabkii lagu soo magacaabey.
14.3- Guddiga ayaa noqonaya mid u madax-bannaan hawlaha fulintiisa loo igmaday, waxaana uu dhowrayaa sharciga oo keliya.
14.4-Guddiga waqtigiisu wuxuu noqonayaa 2 sano oo loo cusbooneysiin karo haddii loo baahdo.

14.5-Xubin kasta oo guddiga ka mid ah waxay xilkeeda ku waayeeysaa sida soo socota:-

B- Geeri ama arrin kasta oo si lama fillaan ah ugu timaadda xubinta keentana iney xilkeeda gudan weydo;
T- Xilka oo xubintu iska casisho;
J- Waqtiga xilka oo ka dhammaada; iyo
X- Xukun Maxkamdeed oo ku dhaca xubin kasta oo guddiga ka mid ah.

14.6- Soo buuxinta booska bannaanaada waxaa loo marayaa sidii markii hore lagu soo xulay.

Qodobka 15aad

Mas’uuliyadda Guddiga

Mas’uuliyadda Guddiga waxaa ka mid ah:

15.1- Ilaalinta anshaxa suxufiyiinta ka shaqeeya saxaafadda iyo ku dhaqanka xeerka saxaafadda Soomaaliyeed
15.2- Xallinta khilaafaadka ka dhasha ku dhaqanka xeerkan.

15.3- Dhexdhexaadinta iyo xallinta gefafka laga tabanayo saxaafadda dawladda iyo tan gaarka ah, marka laga reebo wixii fal-dembiyeed ah.
15.4- Abaalmarinta iyo anshax marinta suxufiyiinta, tifaf-tiraha iyo mas’uuliyiinta xarumaha saxaafadda.
15.5- Ka tala bixinta siinta iyo kala noqoshada rukhsadaha si ay wasaaraddu go’aan uga qaadato.
15.6- Xallinta cabashooyinka ka yimaada suxufiyiinta, warbaahinta, hay’adaha kale iyo bulsho weynta marka laga reebo wixii fal-dembiyeed ah.
15.7- Diyaarinta iyo u gudbinta wasaaradda miisaaniyadda guddiga.

Qodobka 16aad

Diiwaan-gelinta

16.1- Warbaahin kasta sida: Idaacad, Telefeshin, Wargeys, Madbacad, Sheneemooyin, Dugsiyada tababarka saxaafadda, Shirkadaha xayeysiinta iwm (ha ahaadeen qaar hadda shaqeeya ama kuwa cusub oo la furayo) waxay iska diiwaan-gelinayaan Wasaaradda Warfaafinta Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed.

16.2- Canshuurta diiwaan-gelintu waa hal mar hase yeeshee waxay bixinayaan xarumaha warbaahintu canshuurta shatiga sannadkiiba mar, waxaana loo marayaa qaabka canshuuraha dawladda.

Qodobka 17aad

Khidmadaha

17.1- Warbaahin kasta oo gaar loo leeyahay ama shisheeye ee ka howl gasha dalka, waxaa laga qaadayaa khidmad diiwaan-gelin iyo khidmad- sannadeed sida ku xusan qodobka 16aad, waxaana lagu xaddidayaa shaxda tariifada canshuuraha dalka.

Qodobka 18aad

Diiwaanka Suxufiyiinta

18.1- Qof kasta oo ku shaqaynaya xirfadda saxaafadda waxaa lagu qorayaa
diiwaanka suxufiyiinta ka dib marka la hubiyo xirfadiisa saxaafade isla markaana Guddiguna u soo gudbiyo Wasaaradaha Warfaafinta Dalka ka jira si loo siiyo warqadda aqoonsiga suxufinimada ka dib marka uu buuxiyo shuruudaha.
18.2- Suxufiyiinta shisheeye ee wakiilka ka ah wakaaladaha wararka shisheeye, idaacadaha iyo taleefishanada waxay dhowrayaan shuruucda dalka, mana lagu dhaqayo faqradda 1aad ee qodobkan, hase yeeshee wariyeyaasha shisheeye ee madaxa bannaan ee aan cidna wakiilka ka ahayn waa in ay soo buuxiyaan faqradda 1aad ee qodobkan.

Qodobka 19aad

Milkiyadda, Maamulka iyo Mas’uuliyadda

19.1- Warbaahin kasta oo gaar loo leeyahay oo ka howl gasha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay lahaanaysaa milkiile loogu soo hagaago oo leh milkiyaddeeda iyo maamule ka ma’suul ah hawl-fulinteeda.

19.2- Codsiga diiwaan-gelinta iyo rukhsadda waa in lagu soo daraa warqadda lahaanshaha, magaca milkiilaha, xarunta ay ku shaqaynayso, cinwaankiisa gaarka ah iyo nooca warbaahinta.

19.3- Codsiga waxaa kaloo lagu muujinayaa magaca, aqoonta iyo cinwaanka maamulaha, waana inuu noqdaa mid buuxiyay shuruudaha xeerkani ku xiray suxufiga.

19.4- Milkiyadda iyo maamulka warbaahinta waxaa isku qaban kara hal ruux.

19.5- Warbaahin kasta waxay yeelanaysaa cinwaan loogu soo hagaago sida cinwaan degaan, Sanduuq Boosto, telefoon lambar iyo e-mail.
19.6- waxaa reebban in la diiwaan-geliyo Hay’ad warbaahineed oo aan soo dhammeystirin shuruudaha kor ku xusan.

Qodobka 20aad

Xilliga Rukhsad-bixinta

20.1- Warbaahinta soo buuxisa shuruudaha ku xusan xeerkan, waxaa la siinayaa rukhsad ay ku hawl-gasho muddo 30 casho gudahood ah. Haddii go’aanku noqdo diidmo in la diiwaan galiyo iyo in la siiyo rukhsaddaa waxay uga cabanayaan go’aankaas maxkamadaha awoodda u leh.

20.2- Muddada la sugayo rukhsadda warbaahintu ma qaban karto wax hawl ah oo la xiriira adeegga warbaahinta haddii aysan ahayn warbaahin horay u jirtay.

Qodobka 21aad

Xallinta Cabashada

21.1- Haddii daneeyaha soo codsaday oggolaansho furasho warbaahin cusub ama cusbooneysiinta mid horay u jirtay uu ku qanci waayo go’aanka Wasaaradda Warfaafinta Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Saxaafadda, codsadaha waxaa u furan in uu cabashadiisa u gudbiyo maxkamadda awoodda u leh dhegaysiga dacwaddiisa.

Qodobka 22aad

Waayidda Rukhsadda Diiwaan-gelinta

22.1- Hay’adda warbaahineed ee hore loo siiyey rukhsad, lana diiwaan-geliyey, waxay waayi kartaa xaqa rukhsadda, haddii ay ku hawl-geli-weydo muddo 6 (lix) bilood ah ama hakad galo adeeggeeda muddo dhan 3 bilood, isla markaana aan xiriir la soo sameyn Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed oo aysan diiwaan-gelin sababo maan-gal ah oo keenay dib-u-dhaca.
22.2- Waxaa kaloo lagu wayn karaa in Hay’adda warbaahintu ku xad gudubto xeerkan

lagana gaaro go’aan kama dambeys ah oo muujinaya ineysan u qalmin ka
shaqeynta warbaahinta.

Qodobka 23aad

Tilmaamo Muhiim ah

23.1- Daabacaad kasta, sida wargeysyada (ha ahaado maalinle ama mid xilliyeed), website ama nooc waliba oo daabacaad warbaahineed ah, waxaa waajib ah in ay ka muuqdaan magaca, taariikhda daabacaadda, tirsiga caddadka, deegaanka, magaca maamulaha iyo tifaftiraha.

23.2- Wargeys kasta ee la soo saaro nuqulka (sample) ugu horreeya waxaa la dhigayaa Xusuus-dhawrka Guddiga Saxaafadda iyo Wasaaradda Warfaafinta.

Qodobka 24aad

Wargelinta is-Beddelada

24.1- Is-bedel kasta oo ku yimaada milkiyadda, muuqaalka, awoodda iyo tayada warbaahin haysata rukhsad iyo diiwaan-gelin, mas’uulka hay’addaas wuxuu si dhaqso ah u wargelinayaa, Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed iyo Wasaaradda si loo diiwaan-geliyo is-beddelka ku yimid muddo 21 maalmood (maalmo shaqo) gudahood ah.

24.2- Is-beddel kasta oo lugu sameynayo milkiyadda ama magaca warbaahinta waxaa lagu wargelinayaa Wasaaradda Warfaafinta, Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed
iyo Maxkamadda Gobolka (haddii dacwadi jirto) si loo diiwaan-geliyo is-beddelka ku yimid hay’adda warbaahineed.

Qodobka 25aad

Anshaxa Saxaafadda

25.1- Sharciga Saxaafaddu wuxuu ku salaysan yahay mabaadi’da guud ee Dastuurka Qaranka.

25.2- Wasaaradda Warfaafinta iyo Guddiga Saxaafadda oo la-tashanaya Ururrada saxaafadda dalka waxay diyaarinayaan xeer hoosaadka anshaxa guud ee saxaafadda, kaas oo dejinaya qodobada la xiriira arrimaha ay ka mid yihiin:
B- Qadarinta Diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed.

T- Saxnimada iyo sugnaanta wararka iyo barnaamijyada, iyo ilaalinta ilaha qarsoon ee macluumaadka bixiya haddii aysan maxkamadi amrin in la sheego.
J- Ka-fogaanshaha faafinta ama daabacaadda muuqaallada iyo sawirrada ka hor imanaya anshaxa suubban ee bulshada.
X- Ilaalinta xaquuqda carruurta, sida in aan lugu takrifalin muuqaallada muujinaya duruufaha gaarka ah ee carruurta iyadoo aan oggolaansho rasmi ah laga haysan cidda ka mas’uulka ah ama maxkamad.

KH- Ixtiraamidda nolasha gaarka ah ee qofka, marka laga reebo xaalladaha lagu dhawrayo danaha guud ee dadweynaha.
D- Ka-fogaanshaha faafin muuqaallo naxdin leh sida jirka bani-aadamka oo la googooyey, fara-xumeyn iyo sawirro argagax ku abuuraya bulshada.

Qodobka 26aad

Warbaahin aan Sharciyeysneyn

26.1- Cid kasta oo furata ama hawl-gelisa warbaahin aan haysan oggolaansho iyo diiwaan-gelin rasmi ah, waxaa laga xirayaa warbaahinta, waxaana la horgeynayaa maxkamad, si sharciga loo mariyo.

Qodobka 27aad

Wax-ka-beddel Sharci-darro ah

27.1- Hay’addii warbaahineed ee si ku-talo-gal ah u soo saarta wargeys ama daabacaad aan ku salaysnayn sida Dawladda u diiwaan-gashan, iyadoo aan loo oggolaan is-beddelkaas, Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha Warfaafinta ee Dalka waxay u gudbinayaan maxkamad si sharciga loo mariyo.

Qodobka 28aad

Rukhsad Been-Abuur ah

28.1- Warbaahin kasta oo ka been abuurta rukhsadda diiwaan-gelinta ama sameysa qoraal lid ku ah shuruudihii rukhsadda lugu siiyey, Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha Heer Federaal & Dowlad Goboleed waxay u gudbin karaan Maxkmadda awoodda u leh si sharciga loo mariyo.

28.2- Warbaahinta ay ku caddaato ku xad-gudubka xeerkan iyo been abuurid rukhsadeed waxaa lagala noqon karaa rukhsadda kadib marka ay soo caddeyso maxkamadda awoodda u lihi.

Qodobka 29aad

Faafin Xog Been ah

29.1- Waxaa reebban in la faafiyo warar ama qoraallo been ah iyo dacaayad lid ku ah sharafta muwaadin, shakhsiyaad, hay’ad ama dawladda, iyadoo Warbaahintii falkaas ku kacda laga doonayo caddeyn dhab ah, haddii kale iney:
B- Raalli-gelin qoraal ah iyo saxid ka bixiso gefkeeda, kuna faafiso (qormada 1aad ee bogga hore) ee lagu daabacay ama isla barnaamijkii warbaahinta laga sii daayey warka, iyadoo raali-gelintaas ku sameynaysa muddo aan ka badnayn 48 saacadood gudahood laga bilaabo marka ay cabashadaasi soo gaarto;

T- U oggolaato muwaadinka ama hay’adda loo gefay in ay ka jawaabaan wararka ay u arkayaan in ay yihiin been-abuur ama sharaf-dhac lagu waxyeelaynayo sumcaddooda muddo 48 saacadood ah, iyadoo aan wax shuruud ah lugu xirin, waxaana lagu jawaabayaa isla wargeyska, bogga iyo qormadii warka lagu qoray, ama warbaahintii laga sii daayey, iyadoo aan la kala dhantaalin nuxurkeeda, si ay u gudbiso macnihii ay ku dhisnayd jawaabtu;

J- Haddii muwaadinka, qoyska, hay’adda ama Dawladda lagu been abuurtay ama la sharaf dilay ku qanci waayaan raalli-gelinta la bixiyey, waxay xaq u
leeyihiin in ay u gudbiyaan maxkamadaha awoodda u leh dacwad lid ku ah been- abuurkaas ayagoo ku soo bandhigaya cabashadooda.

29.2- Warbaahinta waxaa kale oo ka reebban in ay faafiso gef ama xog meel-ka-dhac ku ah qof dhintay, qof aan qaan gaar ahayn ama qof aan dhimirkiisu dhammeyn oo aan is-difaaci karin, haddii ay taasi dhacdo, waxaa la dabbaqayaa faqradda 1aad ee qoddobkan iyo sharciga u dhigan difaaca dadka aan is difaaci Karin.

Qodobka 30aad

Magdhaw

30.1- Qofka, qoyska ama hay’adda meel-ka-dhac loogu geysto qalabka warbaahinta, ee ku qanci waaya go’aannada ay Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha Warfaafinta Heerarkeeda kala duwan ku rideen xarunta warbaahineed waxaa uu xaq u leeyahay in uu u dacwoodo maxkamadda awoodda u leh, iyadoo la raacayo qodobka 29aad ee xeerkan iyo shuruucda kale ee dalka.

Qodobka 31aad

Faafin Khasab ah

31.1- Hay’adda warbaahineed ee lagu helo arrimaha ku xusan qodobka 29aad ee xeerkan, laguna qaado xukun ganaax ah ama magdhaw la siiyo ciddii loo gafay, waxaa waajib ku ah in ay faafiso ama baahiso xukunka lagu qaaday, haddii ay ka baaqsato fullinta arrinkan, Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed ama Wasaaradaha Warfaafinta waxay ku ganaaxi karaan ka sokoow magdhawgii lagu xukumay ganaax dhan 1,000 – 3,000 (kun ilaa saddex Kun Doolar) shilin Soomaali u dhigma.

Qodobka 32aad

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA)

32.1- Sharcigan wuxuu dib u howl galinayaa wakaaladda wararka Soomaaliyeed (SONNA) oo ay shaqadeedu tahay ururinta, gudbinta iyo qaybinta wararka dawladda sidoo kale (SONNA) waxay ururisaa wararka kale ee dalka, waana isha laga helo xogta dhabta ah ee dalka.
32.2- SONNA waxay ka jawaabeysaa codsiyada iyo baahida xogeed ee warbaahinnada Dawladda, kuwa gaar ahaaneed iyo kuwa caalamkaba.
32.3- SONNA waxay soo xigan kartaa wararka wakaaladaha caalamka iyo warbaahinnada gaar ahaaneed ee gudaha iyadoo xuseysa magaca warbaahinta ay soo xigatay.

32.4- SONNA waxay warka siisaa warbaahinta dawladda sida idaacadda, wargeyska, talefishinka, website-ka, iwm, kuwaas oo soo bandhigaya warar, barnaamijyo, filimo iyo madaddaalo ay kula tartami karaan warbaahinnada gaarka loo leeyahay.

32.5- SONNA iyo warbaahinta kale ee dawladdu waxay u madax-bannaan yihiin mihnaddooda saxaafadeed, iyagoo dhawraya sharciga iyo anshaxa saxaafadda.

Qodobka 33aad

Adeega Warbaahinta Bulshada

33.1- Xeerkani wuxuu xaqiijinayaa dhowrista sharciyeed ee ay helayso warbaahinta Bulshada (Public Broadcasting Service) oo u madax-bannaan tafaftirka wararkeeda iyo mihnaddeeda saxaafadeed.
33.2- Adeegga Warbaahinta Bulshadu waa ka madax-bannaan yahay danaha mas’uuliyiinta dawladda, faragalin siyaasadeed iyo shirkadaha ganacsiga, iyagoo dhowraya shuruucda iyo anshaxa saxaafadda.
33.3- Barnaamijyada warbaahinta Bulshadu waa in ay ahaadaan kuwo dhex- dhexaad ah, xorna ka ah u-xaglin siyaasadeed, oo aan buunbuunin u sameynayn urur siyaasadeed, hay’adaha Dawladda, dano ganacsi ama fikrad shakhsiyadeed.
33.4- Barnaamijyada ka baxa warbaahinta Bulshada waa in ay kala duwanaadaan oo ay isugu jiraan kuwo ka hadla arrimaha bulshada, madaddaalo, waxbarasho iyo dhaqan looguna tala-galay qeybaha kala duwan ee bulshada, kana haqab- tiraya baahidooda warbaahineed.

33.5- Barnaamijyadu waa in ay ku dhiirri-geliyaan una fududeeyaan muwaadiniinta ka qeyb-qaadashada hannaanka dimoqraadiyadda loo siman yahay, maamul- wanaagga iyaga oo la siinayo macluumaad wax-ku-ool ah, sax ah, oo waqtiyeysan, kuna aaddan arrimaha taagan oo ay danta ummaddu ku jirto.

33.6- Barnaamijyada waa in ay ku jiraan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, sayniska, caafimaadka, waxbarashada, diinta Islaamka, cayaaraha, bulshada, dhaqanka suubban iyo wararka gudaha iyo dibabadda.

33.7- Warbaahinta Adeegga Bulshada, marka laga reebo wararka iyo xogaha kale, waa in ay sameysaa madaddaalo hal-abuur leh, si ay ula tartanto warbaahinta ganacsiga ku dhisan.

33.8- Barnaamijyadu waa in ay muujiyaan dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, una soo bandhigaan caalamka.
33.9- Inta ay saamaxayso dhaqaalaha, farsamada iyo tiknoolajiyada hadba la heli karo, Warbaahinta Adeegga Bulshadu waa in ay qiimo la awoodi karo ku gaartaa dhammaan shacabka, oo aysan jirin koox gaar ah oo ka reebban in ay ka faa’iidaystaan.

33.10- Warbaahinta Adeegga Bulshadu waa in ay dhiirri-gelisaa, horumarisaa qaabka maqalka iyo muuqaalka ah, iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada cusub si ay u ballaariso gaaritaankeeda dalka oo dhan.

33.11- Maadaama Warbaahinta Adeegga Bulshadu yahay mid madax-bannaan oo dhex- dhexaad ah, lacagaha ama taageero nooc waliba ah oo ay dawladdu siiso
waa ka madax-bannaan yihiin ujeeddooyin siyaasadeed iyo faragalin kale oo ka iman karta cid walba oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta dowladdu.

33.12- Warbaahinta Bulshadu taageerada ay heleyso waa inay noqotaa mid shuruud la’aan ah oo aan laga lahayn inay fuliso dano gaar ah.

Qodobka 34aad

Khidmadda lagu fiirsado TV-ga (TV license)

34.1- Shirkadaha bixiya adeegyada isticmaalka Telifishannada waxaa ku waajibaya inay iska diiwaan-geliyaan Wasaaradda Warfaafinta isla markaana ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay khidmadaha ay ka qaadaan macaamiishooda.

Qodobka 35aad

Suxufi

35.1- Suxufi waxaa noqon karo qof kasta oo leh xirfad saxaafadeed ama ku dhex jiray
mihnadda saxaafadda muddo 2 (labo) sano ah ama ka badan sida ku cad qodobka 18aad ee Xeerkan.
35.2- Shaqaalaha kale oo aan ahayn suxufiyiinta ee ku hawlan saxaafadda iyo warbaahinta lehna waayo-aragnimo iyo aqoon la xiriirta xirfaddooda farsamo waxaa xil ka saran yahay inay dhowraan shuruucda, asluubta iyo anshaxa saxaafadda.
35.3- Hawl-wadeennada saxaafadda ee ku xusan faqradda 2aad
qodobkan waxaa la siinayaa dhawrista suxufiga oo kale.
35.4- Tixgelinta heerarka xirfadeed ee saxaafaddu waxay ka mid yihiin waajibaadka warbaahinta

Qodobka 36aad

Waajibka Suxufiga iyo Hay’addaha Saxaafadda

36.1- Suxufigu waa in uusan ku xad-gudbin xuquuqda qofka, hay’adaha, goobaha cibaadada, diinta islaamka ,shuruucda dalka iyo dhaqanka suubban ee soomaaliyeed .

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Dhagayso:Galmudug oo Puntland Ka Dalbatay inay Jawaab dag dag ah Ka Bixiso Weerarka Lagu Laayay Dadka Rayidka Ah ee Ka Dhacay Galbeedka Gobolka Mudug
- Jul 20, 2017
Taliye Kuxigeenka Booliska Galmudug Cabdi Jaamac Cabdule Xabeeb Ayaa Ka Hadlay Weerar Geestay Qasaaro ...
Dalalkii Qatar go’doomiyey oo isbedalay
- Jul 20, 2017
Afarta dal ee Carbeed ee hormuudka ka ahaa go’doominta Qatar ayaa ka soo debcay ...
Al-Shabaab oo xoojiyay Cadaadista Sheekh Mukhtaar Roobow
- Jul 20, 2017
Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Al-Shabaab ayaa soo cusbooneysiiyay Hanjabaada ay ku hayaan dagaalyahanada ...