Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-War ka soo baxay Dowladda kenya oo lagu sheegay in ay dileen 52 ka tirasana ururka Al-Shabaab Meel u dhaw magaalada Badhaadhe

Ciidamada dawladda Kenya ayaa sheegay inay dileen 52 ka tirsan maleeshiyada ururka kadib weerar ka dhacay meel 9 km u jirta degaanka la yidhaahdo Sarira oo u dhow magaalada Badhaadhe.

War saxaafadeed kasoo baxay ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamadooda dhulka oo adeegsanaya sirdoon iyo hubka hoobiyayaasha ay bartilmaameedsadeen goobtaasi, ayna ka sameeyeen hawlgal saaka.

Waxa lagu sheegay war saxaafadeedka in hawlgalku ka dambeeyey markii ay ogaadeen in goobtaasi ay isku urursanayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Kenya waxay sheegtay in hawlgalkaasi ay ku dishay 52 ka tirsan Al-Shabab isla markaana kuwo kale la baxasadeen dhaawacyo.

Dowladda Kenya  waxay kaloo sheegatay inay hawlgalkaasi ku qabsatay hub iskugu jira 7 qori oo AK47 ah, 1 PKM, 104 xabbo oo rasaas ah, 3 walxaha qarxa oo diyaarsan iyo kuwo aan diyaarsanayn iyo laba telefoon.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Shariif Sheekhuna Maye oo isku soo sharaxay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka (Akhriso)
- Apr 19, 2018
Shariif Sheekhuna Maye oo kamid Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta shaaciyay in uu isku ...
DHAGEYSO+SAWIRO:-Masuuliyiin katirsan maamulka degmada Caabudwaaq oo ka qayb galay Xaflad loo qabtay isku aadka tartanka kubada cagta ah
- Apr 19, 2018
Masuuliyiin katirsan maamulka degmada Caabudwaaq ayaa ka qayb galay Xaflad loo qabtay isku aadka ...
DHAGEYSO:-Maamulka Degmada Yaaqshiid” Al-shabab Dil & Dhaawac ayaan ugeysanay”
- Apr 19, 2018
Ciidanka Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka  Soomaaliya iyo Afar nin oo ka tirsan ururka ...