Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo u Hambalyeeyay Dhigiisa Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo” ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyay Madaxweyne Erdoğan iyo Shacabka Turkigaba natiijada aftida dhacday maalintii Axadda 17 April 2017, taas oo ay shacabka Turkigu si aqlabiyad ah ugu codeeyeen nidaamka siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay dhiggiisa Mudane Erdoğan in najiitda aftidu ay sii xoojin doonto cilaaqaadka ka dhexeeya labada dal iyo iskaashiga labada dhinac.

Labada Madaxweyne ayaa si kooban ugu wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada badan iyo taageerada arrimaha bini’aadannimo oo ay Dowladda Turkigu u fidisay bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Erdogan ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo in Dowladda iyo Shacabka Turkigu ay mar waliba garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, Turkiguna uu yahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ay isku halleyn karto. Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyn Allah uga baryay Soomaaliya in uu ka dulqaado abaaraha iyo colaadda.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUQAAL:Farnsiiska oo baroor diiq u Sameyay Dadku ku dhintay Qaraxii Muqdisho ,iyadoona Taawarka ugu dher paris korantada laga Jaray si Bulshada Faransiiska loogu shego in ay jirto Baroor diiq
- Oct 17, 2017
Guud ahaan Waxa koranta wixii ka danbeyay 12 habenimo saqdhexe sacada yurub korantada laga jaray taawarka ...
Daawo:Qaraxii Zoobe oo mideeyay Dhalinyarada Muqdisho & Waxa uu yahay Barnaamijka Gurmad?
- Oct 17, 2017
Barnaamijkan Gurmad Qaran, waa Barnaamij baaxad weyn oo ka soo bilowday koox dhalinyaro ah ...
Dowlada Qatar oo Qaraxii Muqdisho ku eedeysay Xulifada Sacuudiga & Imaaraadka una digay Madaxda DFS
- Oct 17, 2017
Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka aargoosanayaan ...