Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

AKHRISO:Shacabka Beledxaawo oo ay soo wajahday Xaalad adag oo Dacwo ka dhan ah Maamulka u diray Madaxda DF

Ku: Madaxweynaha Dowlad Federaalka Soomaaliya

Ku: Reysal wasaaraha Dowlada federaalka Soomaaaliy

Ku:Guddoomiyaha  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Ka:Shacabka Dagan Degmada B/Xaawo

Salaan kadib waxaan dacwo u nahay dowlada federaalka Soomaaliya Waxaan ka dacwooneynaa maamulka degmada Baladxaawo oo uu gudoomiye u yahay Maxamuud Xeyd Dhibaatada aan ka ashtakooneyno ayaa ah in maamulka degmada uu bilaabay inuu tirakoob ku sameeyo qoysas dagan degmada Baladxaawo.

Waxaana naloo sheegay inaan ku jirno gudaha xadka Kenya,khaladna aan ku daganahay, waxaa kaloo naloo sheegay in guryaheena la burburin doonoo Maalmaha soo socda.Qoysaska dhibaatadan ay saameyneyso ayaa gaaraya 350 qoys Mana jirto xaduud aan Kenya ka daganahay ama kaga jirno.Anagu Soomaali ayaan nahay dhul Soomaaliyeedna waan daganahay. Tankale anagu dowlad ayaan leenahay iyada ayaana shacab u nahay,wixii dowlada Kenya iyo Soomaliya aysan isla ogeyn in gudoomiye degmo nagu amar ku taagleeyo heshiis gaar ahna uu la soo galo dowlada Kenya waxaan u aragnaa khalad iyo khiyaano qaran,sidaa daraadeed waxaan dooneynaa in dowlada federaalka Soomaliya ay arintan sida ugu dhakhsiyaha badan usoo faragaliso.

Waxaa kaloo jira in shacabku uusan xor aheyn banaanbaxna aan la sameyn karin qofna uusan soo hadal qaadi karin waxa dhacaya sidaa daraadeed dowladu waa iney si dhakhsa ah wixii kaga aadan ka qabataa.

Mahadsanidiin.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. farah says:

    waxay ila tahay nimaan talin jirin haduu taliyo nimaan tegi jirin ayaa tago ina xayd weligiis wax ma xukumin aqoona malahan oo suulkuu wax ku sixiixaa marka waana mooryaan oo mareen iyo soomalida ladegen bo way og soon yihiin ee ama iska celiya ama dacayda laad laadiya




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Jabhad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag
- Jun 23, 2017
Magaalada Laasqoray ee gobalka Sanaag ayaa waxaa lagaga dhawaaqey jabhad cusub oo loo bixiyey (Gaadh ...
SAWIRO:-Ra’iisal Wasaaraha oo ka qeyb galay Janaasadii Sh. Maxamed Yusuf Awlibaax
- Jun 23, 2017
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka ...
Akhriso:- Madaxweynaha koonfur galbeed oo heshiis la galay shirkad Maraykan ah
- Jun 23, 2017
Maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa heshiis dhinaca ammaanka la gashay shirkad la magac baxday FSG ...