Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

SAWIRO:-Dowladda Federaalka oo Imaaraadka uga mahadcelisay u Gurmadka Abaaraha dalka

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si kal iyo laab ah uga mahadcelisay Dowladda iyo Shacabka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo maalinta Jimcaha ah iclaamiyey u gurmadka abaaraha dalka ka jira oo dhammaan TV-yada Imaaraadka ay si toos ah (live) ugu ololeynayaan in shacabka Imaaraadka uu lacago u ururiyo Abaaraha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo maanta kulan gaar ah la qaatay Safiirka Imaaraadka ee u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Al-Othman ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee dalka Imaaraadku uu u fidiyo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo weliba gaar ahaan qorshaha ololaha lacag ururinta ee maalinta Jimcaha ah ee 21ka April 2017 oo dhammaan telefishinada dalka Imaaraadka ay si toos ah (live) lacag ururin ugu sameynayaan u gurmadka abaaraha Soomaaliya saacadaha 1da duhurnimo ilaa iyo 7da fiidnimo.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Soomaaliya ma iloobi doonto cid kasta oo u soo gurmata waqtigan xasaasiga ah oo ay shacabka Soomaaliyeed la tacaalayaan abaaro ba’an oo laga cabsi qabo in macluul ay dalka ka dilaacdo. Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo si toos ah u gar-gaara shacabka tabaaleysan ee u baahan gar-gaarka waan uga mahadcelineynaa u gurmadka waqtigan xasaasiga ah iyo u asteynta maalinta Jimcaha ee 21ka April 2017 ee dhammaan TV-yada dalka Imaaraadka ay Olole lacag ururin u sameynayaan dadka abaarahu aafeeyeen oo la filayo in 100 milyan oo lacagta Imaaraadka ah in la ururiyo.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed oo in muddo ahba kaalin firfircoon ka qaadanayey u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen inay sii labo jibaaraan dadaalkooda oo ay Ololaha Imaaraadka ee lacag ururinta ay si xoog leh uga qeybqaataan.
DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-udoomiye Cali Gacal oo ka hadlay Go’aanka Xildhibaanada ee heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna
- Dec 11, 2017
Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay in ay jiraan xildhibaano ka tirsan Maamulka ...
MUUQAAL:-Gudoomiye Jawaari ayaa dowalada Mareykanka ugu baaqay ineey ka laabato go”aadkeeda Qudus
- Dec 11, 2017
    https://www.youtube.com/watch?v=H228z8UHMvk
DHAGEYSO:-Taliyaha Cusub ee Ciidammadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Puntland Safar Ku Tagay
- Dec 11, 2017
Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ...