Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

SAWIRO:-Wararkii ugu Danbeeyey ee Xaalada Magaalada Buuhoodle Cudurka Shuban Biyoodka iyo Xaalada Hada Taagna

Xaalada Magaalada Buuhoodle iyo Guud ahaan Gobolka Cayn ayaa kasii Daraysa Maalinba Maalinta ka Danbaysa iyadoo Wali Xakamo loo Laa yahay Joojinta Xanuunkan oo Dad Badan Galaaftay Noloshooda.

(Bukaanada Cusub iyo Maanta Daryeel Hospital Buuhoodle)

Tiro Dad ah oo aan Wali dhib ah loo Hubin inta qof ay yihiin ayaa Maanta La keenay Daryeel Hospital Waxaana Dadkan soo Rirtay Xanuunka Shubanka Kaas oo Dad Badan u dhinteen.

(Waa imisa Bukaan Jiifka Goobaha Caafimaad ee Gobolka Cayn)

in ka Badan 350 Qof ayaa Jiifa Goobaha Caafimaad ee Gobolka Cayn Waxaana Dadka ugu Badan Lagu Dabiibayaa Daryeel Hospital Waxaana Dadkaasi isugu jiraan Dad Magaalada Cudurku ku Haleelay iyo Dadka ugu Badan oo ah Dadka Reer Guuraaga ah iyo kuwa Degmooyinka Buuhoodle Hoos yimaado.

(Dhimashada 24-kii Saac ee Ugu Danbaysay ee Cudurkan Gaystay)

Maanta ilaa Xalay inta laga War hayo Dhimashadu Waa Sadex Qof Waxaana Dadkaasi ku jira Shikh siyaad si wayn Deegaanka Looga Yaqaanay Alle Ha u Naxariisto.

(Shalay Tirada Dadka u Dhintay Cudurka Shuban Biyoodka)

Maalintii Shalay Waxaa Dhintay Dadkii ugu Badnaa ee Mar kaliya u Wada Dhinta Cudurkan Shubanka Waxaana Dadkaasi ku jiray Alle Ha u Naxariistee Caaqil Cabdi Hogod oo ka mid ahaa Wax garadka Deegaanka Gobolka Cayn Waxaana Dadka dhintay shalay ahaayeen 8 Qof oo Dad Waawayn u Badan Dhamaantood Alle Ha u Naxariisto amin.

(Hoos u dhac ku yimid Cudurka Shubanka ilaa shalay iyo Xalay)

Sida Muuqata Hoos u dhaca ayaa ku yimid Xanuunka Waxaana Shalay Dadka Jiifay Gaadhayeen 500 oo Qof Maantana Waa 350 Qof Dhimashada oo Shalay ahayd 8 Qof Maanta ilaa Xalay Waa Sadex Qof Taasi Waxay Muujinaysaa in Xoogaa Hoos u Dhac ihi Jiro.

(Shaqo Noocee ah ayaa ka Socota Daryeel Hospital Buuhoodle)

Daryeel Hospitaal Buuhoodle Waxaa ka Soconaya Shaqo ay Adag Tahay in Qoraal Lagu Soo Koobo Waxaana Shaqadaas Wada Haya kooxo Caafimaad iyo kuwo Dhalin Yaro oo Dadkooda u Gurmanaya si ay ilaahay ayaa Wax Bad Baadin kare e u Badbaadiyaan Dadkooda Jilicsan.

(Dadka Deegaanka Gobolka Cayn Maxaa la Gudboon in ay Sameeyaan.)

Dadka Deegaanka Waxaa La Gudboon inay Ilaahay Baryaan oo is Cafiyaan oo ogaadaan in Waxanni Yahay Imxitaan Culus.

Waxaa kale oo Muhim ah iyadoo ilaahay Cudurka iyo Caafimaad Kaba Bixiyo Hadana Nadaafada in Lagu Dadaalo Waa muhim Sidaas Waxaa Qabta Diinteena Suuban.

Qalinkii Axmed Maxamed Nadiif (Axmed Qaran)

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

DHAGEYSO:-Jabhad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag
- Jun 23, 2017
Magaalada Laasqoray ee gobalka Sanaag ayaa waxaa lagaga dhawaaqey jabhad cusub oo loo bixiyey (Gaadh ...
SAWIRO:-Ra’iisal Wasaaraha oo ka qeyb galay Janaasadii Sh. Maxamed Yusuf Awlibaax
- Jun 23, 2017
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka ...
Akhriso:- Madaxweynaha koonfur galbeed oo heshiis la galay shirkad Maraykan ah
- Jun 23, 2017
Maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya ayaa heshiis dhinaca ammaanka la gashay shirkad la magac baxday FSG ...