Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:Ciidamo Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya oo ku dagaalamay Degmada Baladxaawo

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Kenya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa Dagaal fool ka fool ah uu ku dhexmaray Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka oo hakad galay waxyar kadib ayaa laga cabsi qabaa in dib uu uga Qarxo Degmadaasi Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Xiisad u dhexeysa Ciidamo kuwa  Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Kenya ayaa waxa ay ka taagan tahay degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in Xiisadaasi ay Salka ku heyso Darbiga Dowladda Kenya ay ka dhiseyso Xadka Dalka Soomaaliya ay la wadaagto oo Ciidamadaasi Soomaaliyeed ay u arkaan mid laga dhisayo gudaha dhulka Soomaaliyeed.

Qeybaha Bulshada labada dhinac ayaa sheegaya in haatan aanu Darbi u habooneen lagu kala go’doomiyo dadka halkaas degan oo uu ka wada dhexeeyo macaamiil dhinac weliba ah sida Ganacsi , Waxbarasho iyo adeegyo kale.

Dhinaca kale Diyaarado Dagaal ayaa lagu soo warramayaa in Duqeymo khasaaro nafeed geystay ay ka fuleen Deegaan lagu Magacaabo Daarusalaam oo hoostaga degmada Ceelwaaq.

Ugu yaraan 1 qof ayaa ku geeriyooday 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Qoys Soomaaliyeed oo ku nool deegaankaasi Daarusalaam uu ku habsadaymid ka mid ah Gantaalada Diyaaradahaasi ay ku asqeeyeen halkaas.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyinta Maamulka Gobolka Gedo oo ay uga hadlayaan duqeymahaasi iyadoona aan la ogeyn heybta Diyaaradahaasi dagaal ee duqeymaha ka fuliyay deegaanka Daarusalaam ee hoostaga degmada Ceelwaaq.

 

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

Muuqaal: Dhacdo Murugo iyo Yaab leh Gabadh Reer Hargeisa oo Jeclaatay wiil GABOOYE ah iyo Waxa ay La Kulantay
- May 23, 2017
Rooda Mukhtaar Yuusuf oo ku nool Hargeysa, ayaa qoyskeedu jidh dil u geysteen kadib ...
SAWIRO:-Puntland oo sanad barwaaqo ah gashay
- May 22, 2017
Meelo badan oo kamid ah Gobolada Puntland waxaa kada,ay Roobabkii gu,ga waxaana Baliyada iyo ...
MUUQAAL:-Wasiirka ugu da’ada yar xukuumadda Somaliland Oo Bixiyay Waraysi Xiiso Badan
- May 22, 2017
  https://www.youtube.com/watch?v=Td6xDoQmQbc&t=485s