Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Eng. Yarisow “Shabaab nagama hor-istaagi karaan Gurmadka Abaaraha”

Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey falkii shalay Shabaab ay qarax miino ugu geysteen gaari ay saarnaayeen xubno ka socda Guddiga Abaaraha Qaranka iyagoo maraya deegaanka Garasbaaley si shacabka barakacayaasha ah loogu gurmado.

Gaari ay saarnaayeen xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha Qaranka, Guddi ka socday Gobolka Banaadir iyo gawaari kale oo ay saarnaayeen Saraakiil ka socday Bisha Cas ee Imaaraadka oo ay ku sii jeedeen deegaanka Garasbaaley si ay ugu kuurgalaan xaalada dadka barakacayaasha ah ee deegaankaas si loo gaarsiiyo gurmad deg-deg ah ayaa waxaa gaarigii hore loo dhigay miino ay Shabaab ugu talo galeen inay ku hor-istaagaan gurmadkaas. Qaraxa miinada ay argagaxisadu doonayeen inay ku dilaan saraakiisha u gurmaneysa shacabka, ayaa waxaa nasiib wanaag ah in uu EEBBE ka bad-baadiyey oo aysan jirin wax khasaare ah ama dhaawac ah. Gaarigii ayaa halkaas ku gubtay, dadkii saarnaana waa ay bad-baadeen dhammaantood.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan gurmadka abaarahad dalka ka socda. Dowladda Federaalku waxey mudnaan gaar ah siisay u gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen, halka Al-Shabaab ay iyagana mudnaan koowaad ka dhigteen is-hortaaga in shacabkaas tabaaleysan loo gurmado. Wallaalaha Imaaraadka ee noogu yimid inay shacabka gar-gaaraan waxey noo sheegeen inaysan marnaba joojin doonin gar-gaarka ay Soomaalida u fidiyaan waqtigan xasaasiga ah.”

Eng. Yarisow ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in dadaal walba loo galo sidii shacabka tabaaleysan loogu gurman lahaa, oo falalka noocan oo kale ahna ay nagu sii dhiirigelinayaan inaan geesinimo ka sii qaadno annagoo kaashaneyna shacabka Soomaaliyeed oo aan labo-jibaarno howlaha gurmadka abaaraha ee hadda u socda si xowli ah.”

DHAMAAD

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

MUUQAAL:-Barnaamijka Dareenka Shacabka oo looga dooday Shirarkii u dhexeeyay Dawladda Fedaraalka ah & Maamul Gobaleedyada iyo Galmudug & Ahlu-suna
- Apr 26, 2017
Barnaamijka Dareenka Shacabka oo si joogta uga baxa Telefishhinka Caalamiga ah Home Caple, kaasoo ...
DHAGEYSO: Xildhibaan Mahad Salaad”Waa Masuuliyad darro,waa in Baarlamaanka la horkeeno Madaxda lana Fadeexeeyo Maadaama Ciidanka Qaranka ay kala qeybinayaan”
- Apr 26, 2017
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ...
DHEGAYSO:-Feysal Cali Waraabe”“Waa Toddobo Imaaraadku Carabta ee midkii 8-aad, waa tan Farmaajo”
- Apr 26, 2017
Injineer Feysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee maamulka Somali-land ayaa xusay in ...