Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO:-Dowladda Soomaliya oo laga dalbaday in ay jawaab cad ka keento Saldhigga Berbera

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta isku raacay in Guddoonka uu Warqad u qoro Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya taasi oo ku saabsan in Xukuumada ay war cad ka keento heshiiska ay wada galeen Maamulka Somaliland iyo Dowladda Imaaraadka Carabta.

Heshiiska ay wada gleen labada dhinac ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu yahay mid Dowladda Imaaraadka Carabta loogu ogolaadnayo in Saldhig Millatari ay ka dhisato Magaalada Barbara.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa Xildhibaanada u soo jeediyay in Warqad loo qoro Xukuumada, warbixinna ay ka keento heshiiska labada dhinac ay wada gaareen.

Dhanka Kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Baralamaanka weli uusan warbixin dhameystiran ka heysan heshiiska iyo Saldhiga Millatari ay Imaaraadka ka dhisaneyso Magaalada Barbara.
Waxa uu talo ahaan u soo jeediyay in Xildhibaanada ay ogolaadaan in warqad loo qoro Ra’iisul Wasaaraha, Jawaabna laga sugo ilaa bisha Luulyo ee soo socota.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku raacay talo soo jeedinta Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa ayna ogolaadeen in warqad loo qoro Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada hormuudka ka ah Mooshinka ay kaga soo horjeedaan Heshiiska Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ay wada galeen ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan talada Guddoomiyaha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xildhibaanada ay diyaar u yihiin in ay warbixinta ka sugaan Xukuumada balse ay muhiim tahay in warbixin dhameystiran loo keeno Xildhibanada Baarlamaanka.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

AKHRISO:-Al-Shabaab Oo Gobolka Shabeellaha Hoose Ka Fuliyay Xukun Gacan Goys Ah
- Dec 14, 2017
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kuunya Barroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay ...
DAAWO SAWIRADA:-Mukhtaar Roobow oo gaaray Kismaayo & Madaxtooyada Jubbaland oo laga dajiyay
- Dec 14, 2017
Hogaamiye ku-xigeenkii hore ee al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ‘’Abuu Mansuur’’, ayaa gaaray magaalada ...
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo Gaalkacyo ku wajahan+SABABTA
- Dec 14, 2017
Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdi uu hogaaminayo ...