Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

SAWIRO:-Xarunta Dallada Naafada Puntland oo Garowe laga Daahfuray

Magaalada Garowe ee casumada dawlada goboleedka Puntland ayaa maanta xariga laga jaray Xarunta Dalada Naafada ee Puntland.

Munaasibad ka dhacay Xaruntaasi waxaa ka qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Puntland Mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay,Wasiirka hawlaha gaduud iyo Gadiidka iyo Xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada Puntland.

Masuul u hadlay Dalada Naafada ayaa dhankiisa wuxuu sheegay inay dawlada Puntland ay ilowday Dadka naafada ah ayna u baahanyihiin inay gacan qabto dadka Naafada.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo soo xiray Munaasibadii koobnayd ee ka dhacay Xaruntan ayuu ka sheegay inay dawlada Puntland ku hawlgantahay Waxka qabashada Dadka Baahiyaha Gaarka ah leh ayna xoojinayaan sidii ay ku helilahaayeen Xarumo ay wax ku bartaan.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale mahad celin u jeediyey Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland oo gacan ka gaystay Dhismaha Xarunta Naafada ee Garowe.

Xaruntan dhismeheeda ayaa waxaa gacan ka gaystay bisha cas ee Qadar waxaana maanta ay kusoo bandhigtay Magaalada Garowe ee Caasumada dawlada Puntland xarig jarkeeda.

Loading...

Shabakada Saadaal Media Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail saadaalnews@gmail.com

Fadlan Fikirkaaga ha ahaado Mid Wax Dhisaya

Fikradaha Akhristayaasha (0)




ad

Latest News

TOOS U DAAWO:-Siyaasiga Faarax Macalin oo horay u soo noqday Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Kenya oo Imaaraadka Carabta ku tilmaamay cadawga Soomaaliya
- Apr 25, 2018
Siyaasiga Faarax Macalin oo horay u soo noqday Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa Imaaraadka ...
DAAWO SAWIRO:-Ra’iisal wasaare ku xigeenka soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qadar u fadhiya Soomaaliya
- Apr 24, 2018
Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta ...
Sarkaal ka tirsan Daacishta ka dagaalanta Puntland oo lagu qabtay Muqdisho
- Apr 24, 2018
Caasimada soomaaliya ee muqdisho ayaa lagu qabtay Sarkaal ka tirsan Daacish kaasoo la sheegay ...